Google Adsense : Muxuu yahey iyo side baa lacag looga sameyaa.

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

Wali maadan bilaabin in aad Blogging lacag ka sameysid ?

Kawaran hadaad waxa aad jeceshahey aad lacag ka sameysid.

Waa maxey Google Adsense ?

Google Adsense waa barnaamij xayisiin ah kaas oo kuu ogalaanayo in aad lacag ka sameysid Youtube videos, Blogg iyo website kaaga. Shirkado baa lacag ku bixinayo in ay xayisiiyaan badeecooyinkooda, lacagtaas baa qeyb ka mid ah helaysaa maadaama website kaaga ama Youtube kaaga ay xayisiintaas kasoo dhex muuqanayaan. Si bilaash ah baad kooto oga sameynsan kartaa Google Adsense.

Sidee u shaqeeyaa Adsense ?

Marka hore, Google waa in uu aqbalaa website kaaga lkn haduu website kaaga maqaalo fiican aad kusoo qortid, waad codsan kartaa in xayisiinta laguu soo daayo.

Markad aqbaalada heshid, waa in aad xayisiinta kusoo fasaxdaa website kaaga sidoo kalana meelaha ay kasoo muuqanayaan xayisiinta waa in aad kala dooratid.

Imisa lacag baad ka sameyn kartaa Google Adsense ?

Lacagta aad helaysid waxaa lagu cabiraa wax la dhaho Cost Per Click (CPC). Waa lacagta aad helaysid markuu qof click ku siiyo xayisiin website-kaaga taalo.

Tusaale, 2000 views baa heshay bishaan, 1.5% oo dadkaas ka mid ah baa waxey click ku siiyeen xayiis taas oo ah 30 clicks. Hadii ay shirkada  ogahashey in (bid)  of 75 cents per click, waxaa helaysaa $22.5 bishaas

Sidee Lacag badan oga sameyn kartaa ?

Waa in aad mar walba wax ka qortaa ciwaano xiiso leh oo waliba maqaalo tayo meh aad la qortid, si ay aqristayaal badan u heshid.

Waxaa kaloo muhiim ah aad maqaalo dhaadheer aad ka qortid, si waqti fiican website kaaga loogu nagaado.

Sidee aqristayaal badan loo helaa ?

media-yaha taas oo dad badani kasoo raaci karaan. Sida, Facebook, Youtube iyo Twitter. Waxaa muhiim ah in aad website kaaga soo dhigtid social. Waa muhiim sidoo kale in aad joogteysid wax qorida iyo markasta uu website kaaga lacag u sameeyo.

Sharciyada ha jabin ?

Google Adsense waxaa u yaalo siyaasad dhanka anshaxa ah . Waa in aadan soo qorin qoraalo ku saleysan; Naceyb, Aflagaado, Copywrite, Sawiro qaawan iyo ka Ganacsiga doroogo.

Somalia maka shaqeeyaa Google Adsense ?

Dabcan, waad aragtey dhalinyaro wadanka jogta oo lacag ka sameeya Youtube. Google Adsense ma aqoonsana Somalia lkn waad kaga shaqeysan karta adigoo qof qurbaha joogo aad  address-ka gurigiisa iyo Bank card kiisa ku xiranayo.

Saasna bilkasta lacagtaada wad ku helaysaa.

Gunaanad

Shaqo la’aanta wadanka ka jirto anoo og, hadana waxaan mar walba dhalinyarada usoo bandhigaa fursadaha online ka looga shaqeysan karo. Hadaba waad ka faa’ideysan kartaan fursadan Google Adsense. Ama Blogging samee ama Youtube channel kaga shaqeyso.

 

22 Comments

  1. ABDIFITAH OSMAN

    Sxbow websit mali sideeh i taasi u sameen san kara tan kale adiga cawinaad dheeri ah ma laga helay bal iisheg plz iiso jawaab

  2. Cabdi hakiim abdulahi

    Wxaan U baahan Inaan Ka shaqeesto Suuqa onlineka Sawabtoo Ah Dalkeena Somalia wx shaqo ah Ma yalaan
    Marka Garab iku sii Si aaan Ku Bilaawin Lahaag Google adsense

      1. Asc walaal sidee Ku sameey website free ah
        2. Sidee iskugu xiraa Google AdSense iyo website.keyga marar badan ayaa tijaabiyey maku guuleysanin inaa sameeyo website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *