Google Ayaa Ku Dhawaaqday Bard, Oo Ah Dhigga Chatgpt?

  • February 12, 2023
  • Comment 2

Google Ayaa Ku Dhawaaqday Bard, Oo Ah Dhigga Chatgpt?

Maamulaha Alphabet Sundar Pichai ayaa ku dhawaaqay nuqul tijaabo ah oo xaddidan oo ku aadan barnaamijkeeda cusub ee Bard ee ku salaysan wada-shaykaysiga, si lamid ah ChatGPT, taas oo ah jawaab ku socota adeegga ChatGPT ee caanka noqday toddobaadyadii la soo dhaafay.

(Pichai) ayaa sheegay in aaladan ay hadda diyaar u yahay koox xaddidan oo isticmaaleyaal ah oo ay shirkaddu u dooratay inay tijaabiyaan, wuxuuna sii shaagay in dhammaan isticmaaleyaasha loo furi doono toddobaadyada soo socda.

Waxa kale oo uu sheegay in (Bard) ay ku dhisan tahay qaabka wada hadalka, ee loo yaqaan LaMDA, kaas oo ay shirkaddu ku dhawaaqday laba sano ka hor. Waxaana uu sheegay in (Bard) ay awoodo in ay bixiso jawaabo tayo sare leh oo ay ku jiraan xogo dhawaan ay si toos ah uga soo qaatay mareegaha, taas oo muujinaysa in ay ka sarrayn doonto ChatGPT, oo kaliya bixin karta xogaha la xidhiidha wixii ka dambeeyay sanadka 2021.

Waxa kale oo uu ka hadlay macluumaadka kala duwan ee aaladan ay bixin karto, laga bilaabo fududaynta fikradaha sayniska ee adag, ogaanshaha wararka ciyaaraha ee ugu dambeeyay ama barashada isticmaalaha xirfado cusub.

Waxana uu qoraalkiisa ku sheegay in (Bard) aanu noqon doonin kii ugu fiicnaa ee ay Google soo bandhigto, maadaama noociisii ​​ugu horeeyay lagu dhisay nooc fudud oo ah nooca LaMDA, kaas oo ka yar cabir ahaana. Google si adeegeeda ay u siiso isticmaaleyaal badan oo helaan jawaab celin iyo talooyin degdeg ah, Waxa uu sheegay in ra’yi-celinta isticmaalaha iyo natiijooyinka tijaabada Google la ururin doono si kor loogu qaado tayada jawaabaha.

(Pichai) ayaa xaqiijiyay in (Bard) aysan noqon doonin kaliya barnaamij lagu sheekeysto, laakiin awoodeeda lagu dari doono natiijooyinka raadinta Google, si loo bixiyo jawaabo kooban oo ku saabsan waxa isticmaaluhu uu raadinayo.

Bard kuma koobnaan doonto u adeegida isticmaaleha caadiga ah, Hase yeeshe, waxay siin doontaa API-ga horumariyeyaasha kuwaas oo awood u yeelan doona inay ka faa’iidaystaan ​​tilmaamaheeda caqliga leh si ay ugu daraan application-nadooda. (Pichai) ayaa sheegay in shirkaddu ay dhawaan ku martiqaadi doonto soosaarayaasha si ay u tijaabiyaan nooca tijaabo ah (beta).

Sii Daalaco: Wax Ka Ogow Nuqulka ChatGPT Plus

In kasta oo Google uu yahay mid ka mid ah shirkadaha hormuudka ka ah dhinaca AI, isla markaana ka qayb qaatay horumarinta tignoolajiyada badan oo ay ka mid yihiin tignoolajiyada ay isticmaasho ChatGPT lafteeda, haddana way ka daahday baahinta fikrad taas la mid ah, inkasta oo uu jiro mashruuc arrintan la xidhiidha oo ay bilawday sanado ka hor ka hor inta aysan go’aansan in la joojiyo. Laakiin guusha weyn ee ay gaartay ChatGPT ayaa ka dhigtay in ay fikradda dib ugu soo celiso safka hore oo ay dardar geliso bilaabiddeeda, “sida ay wararku sheegayaan”.

Waxaa xusid mudan in Google ay ku dhawaaqay inay qaban doonto shir jaraa’id, 8-da bisha February oo uu kaga hadli doonto kiisaskii ​​ugu dambeeyay ee ku aadan dhanka AI. Shirka ayaa la filayaa in lagu soo daro faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Bard iyo awoodaha AI ee laga heli karo application-nadooda kale.

Sii Daalaco: 3 Shaqo Oo La Waayi Doono, ChatGPT Darteed

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *