Sidee Loo Qaabilaa Guuldarrada?

Sidee Loo Qaabilaa Guuldarrada?
  • November 14, 2022
  • Comment 0

Sidee Loo Qaabilaa Guuldarrada?

Sidee Loo Qaabilaa Guuldarrada?

Guuldarradu ama Fashilku waa mid ka mid ah waayo-aragnimada ugu dhibka badan ee soo marta bini’aadamka, Sababaheeduna ay kala duwan yihiin, waxayna ku xidhan tahay waayo-aragnimada, iyo saamaynta ay ku leedahay dadka hadda iyo kuwa mustaqbalka, iyo xaaladaha nafsiga ah ama jireedka ah. fikradan ayaa si buuxda uga hor imanaysa fikradda guusha, taas oo ka mid ah yoolalka nolosha sare ee ay inta badan dadku raadiyaan inay ka gaadhaan dhinacyada kala duwan ee nolosha, aqoonta, xirfada, bulshada, qoyska iyo qaar kaleba, si looga fogaado saamaynta xun ee ay leedahay guuldarradu, loogana hortago waayahaas qadhaadhka ah, waxaynu xusi doonnaa siyaabaha ugu muhiimsan ee loola tacaali karo iyo sidii looga hortagi lahaa guuldarrada.

Waan necbahay inaan qirto guuldarrada, Raacitaanka ku noolaanshaha xeerarkaaga waa inay noqotaa yoolkaaga ugu muhiimsan. Waxaa laga yaabaa inaad guuldareysatid; xitaa adigoo bixinaya wakhti, maal iyo tamar, hadana natiijadu ay noqoto mid aan lagu qancin ama aan wax ku ool ahayn, lagana yaabo tan in ay hore kugu dhacday.

In aad isku day samayso oo aad guuldarraysato ayaa aad uga wanaagsan in aadan isku day samayn

Qorshaynta Saxda Ah Waa Furaha Guusha

Qof kasta oo guulaysta waxay guushiisa ku bilaabamatay riyo isu rogtay aragti, kadibna isu rogtay qorshe la fulin karo, intaasi ka dib waxa la hirgaliyay qorshihii la rabay in la hiigsado, guusha dhabta ahi waxa ay ku timaadaa qorshe sax ah; Haddaba, qorshaha saxda ahi miyaanu guuldaraysan karin? Mise waa in aad ka sii fiirsataa sida aad u qorsheynayso? Taasi waa, in la sameeyo qorshe degdeg ah oo ku saabsan guuldarrda, haddii aad rabto.

Qorshe aan xisaabta ku jirin in ay jiraan dhacdooyin lama filaan ah ma aha qorshe, ma jirto cid damaanad qaadi karta noloshan, mana aha in aynaan filanayn in aynu u dhaqaaqno yoolkeenna inagoo aan la kulmin wax dhibaato ah ama wax caqabad ah, Waxay u badan tahay in wax walba khaldami doonaan, haddii aan filayno in aysan waxba khaldami doonin, Dabcan waa in aan u qorshaynaa sidii in guuldaradu ay lama huraan tahay.

U Diyaar Garoow Guuldarada

Inaan mar kaliya guuldaraysano macnaheedu maaha inaan waligeen guul gaadhi karin; Waxa kaliya oo ay la macno tahay in aan dib u hagaajino qorshayaasheena oo aan horay u sii wadno, lagana yaabo in aan dib u habayno habka aan uga fikirno guuldarada.

Ma kula tahay in Jeneraaladii caanka ahaa aysan la imaan qorshe ku xisaabtama khasaaraha dagaalka? Mise waxaad u maleyneysaa in ganacsatada hodanka ah aysan haysan qorshe degdeg ah haddii ay dhacdo in aysan maalgelin karin ganacsigooda? dabcan maya; Haddaba riyadaas u rog aragti, ka dibna u rog qorshe la fulin karo, intaa kadibn qorshahaas dhaqan gali, balse marka hore inta aanad bilaabin dib u eeg yoolkaaga maalinlaha ah, toddobaadlaha ah iyo xitaa bilaha ahba, xisaabtana ku dar dhammaan waxyaalaha fashilmi kara ama khaldami kara.

Sida Loola Tacaalo Guuldarada

Sideed uga falcelinaysaa haddii guuldarradu X dhacdo? Sideed u maarayn doontaa guuldarada Y? Ku dar qorshahaaga labadan su’aalood ee suurtagalka ah, Kani waa qorshahaaga kaydka ah haddii ay dhacdo in qorshahaaga ugu weyn uu guuldareysto. Sidan, uma baahnid inaad wakhti badan ku lumiso diyaarinta qorshe mar kale.

Marka aan haysano Qorshe adag, Waxaan u diyaargarownay guul-darro, diyaarna u ah guusha.

Sida Loo Qaabilo Guuldarrada

Xitaa adigoo raacaya tillaabooyinkan waad la kulmi kartaa guuldarro:

      • Xoojinta talo-saarista Eebbe weyne, ku qanacsanaanta amarkiisa, iyo ku dadaalidda helida raalli ahaanshihiisa.
      • In la go’aamiyo sababaha keenay guuldarrada, In la beddelo oo la qiimeeyo, in la saxo, lana saxo khaladaadkii hore, lagana fogaado in dib mar kale loogu dhaco, lagana qaato hab-nololeedka suuban oo ka soo horjeeda kuwii natiijadaas ka dhashay.
      • In aan laga quusan oo loo hogaansamo guuldarada, taasna waxaa keenaysa in la xoojiyo niyadda iyo adkaysiga naftaada, Iyo in la leeyahay karti lagu tartamo, iyo in laga guura xaalada taagan loona guura xaalad ka wanaagsan.
      • In la geliyo dadaalada jireed iyo mid maskaxeed loogana hortagayo guuldarrada ama fashilka, lana abaabulo dadaaladaas sidii loo bilaabi lahaa, loona hagaajin lahaa wixii hore u kharribmay.
      • U daji qorshe wanaagsan mustaqbalka, Samee liis ay ku qoran yihiin yoolalka nolosha dhow, dhexe iyo mustaqbalka fog, oo bilow inaad ka shaqeyso hadba sida ay u kala mudan yihiin, taasoo ah, maalgelinta fursadaha iyo qoondaynta agabka jira iyo siyaabaha aad ku gaari karto yoolalka dhow, si aad ugu gudubto yoolalka xiga.

Sii Daalaco: Sideed U Qaadan Kartaa Go’aan Sax Ah Oo Adag?

Sidoo Kale: Sidee u Samaystaa Caado Fiican?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *