Maxay Dadku Badankoodu U Guuldarraystaan?

Maxay Dadku Badankoodu U Guuldarraystaan?
  • January 5, 2023
  • Comment 0

Maxay Dadku Badankoodu U Guuldarraystaan?

Maxay Dadku Badankoodu U Guuldarraystaan?

Guushu waa geedi socod joogto ah oo loogu talagalay in lagu wanaajiyo shakhsi ahaan, tayada nolosha, waxqabadka shaqada, iyo xiriirka; Sidaa darteed, waxay u baahan tahay dadaal weyn; Maadaama aanay guushu ku koobnayn kaliya guusha maadiga ah, inta badan dadka lacagta badan haysta waxa ay la ildaran yihiin darxumo iyo dheeli tirnaan la’aan.

Ujeedada maqaalkani waa in aan ogaano waxa dadka intooda badan ka hortaagan in ay guul gaadhaan? Iyo in ay ku guuldarraystaan ​​inay naftooda horumariyaan?

Mar kasta oo aad naftaada horumariso, waxaad noqonaysaa mid diirada saara waxyaalaha yar-yar ee nolosha macno badan u yeelaya. “Dadka badankoodu ma guuleystaan, ​​​​sababtoo ah waxay dadaalkooda ku lumiyaan arrimaha labaad.” Si aad u guulaysato, waa inaad si taxadar leh u doorataa dadka aad waqtigaaga badan la qaadanayso, kana fogaatid inaad wakhti dheer la qaadatid dadka aan si dhif ah u raadin horumar tayada noloshooda.

Guusha macneheedu waa in la gaaro nooc dheeli tiran oo u dhaxeeya dhowr arimood oo aasaasi ah sida: (dhinaca ruuxiga ah, xiriirka dadka kale, dhanka dhaqaalaha, iyo ugu dambeyntii caafimaadka jirka).

Marka aad isu dheellitirto dhinacyadaas oo ah natiijada guusha, waxa aad diiradda saari doontaa dhawrka arrimood ee muhiimka u ah noloshaada, waxa aad iska indha tiraysaa wax kasta oo kale, waxa aad ogaan doontaa in aanad qiil u heli doonin waxqabad la’aanta.

Mar kasta oo aad guulaysato, waxa yaraanaya rabitaankaaga qabashada hawlaha hooseeya, waxaad noqonaysaa mid aad u foojigan, waxaad ogtahay in caadooyinka maalinlaha ahi ay tahay inay noqdaan kuwo wax-soo-saar badan leh. maaha in aad ku dadaalto sidii aad u gaadhi lahayd, guushuna macnaheedu maaha in aad mashquul ku tahay mar walba, sidoo kale ma filan kartid natiijo wanaagsan oo noloshaada ah marba haddii hab-dhaqankaaga maalinlaha ahi uu tayadiisu hoosayso.

Doorashooyinkaagu (Iyo Xidhiidhadaadu) Waa Inay Ku Salaysnaadaan Kuwo Tayo Sare Leh:

Dhinac kasta oo noloshaada ka mid ah waxay saamaysaa dhinaca kale. Sidaa darteed, waxaa la dhihi karaa qaabkaaga dhinac ka mid ah noloshaada wuxuu khuseeyaa dhammaan dhinacyada kale.

Tani waa heer maskaxeed oo heer sare ah, waxayna macno u yeelan doontaa dadka go’aansaday inay ka takhalusaan wax kasta oo aan faa’iido u lahayn noloshooda. Si aad ugu hoggaansamid mabda’an, waa inaad nolol maalmeedkaaga ka buuxisaa caadooyin iyo waxqabadyo tayada sare leh.

Marka aad wakhtigaaga geliso dhawrka arrimood ee kuu horseedaya inaad gaadho yoolkaaga weyn, oo aad ka guul gaadho, waxa aad gacanta ku haysaa dhammaan qaybaha kale ee noloshaada; Waxyaabaha aad ka shaqeyso noloshaada waa waxyaabaha kaliya ee aad ku qiimeyso wax kasta oo kale.

Isku soo wada duuboo, beddelka qaabka fikirkaaga iyo inaad yeelato aragti ballaadhan waxay u baahan tahay geesinnimo aad u weyn, taa beddelkeedana, dib u laabashada iyo ku noqoshada heerka fekerka ee aqbalaya waxqabadka hooseeya iyo celceliska waa mid aad u fudud, oo keena in dad badni ay guuldarraystaan yoolalkooda

Gabagabadii

Aan mar kale kuugu celiyo su’aasha, maxaa ninteena badan aan u guul-darreynaa? Si fudud sababtoo ah, “Dadka intooda badan ma guuleystaan ​​sababtoo ah waxay ku lumiyaan tamartooda iyo waqtigooda arrimo yaryar”; Si kale haddii loo dhigo, dadka intooda badan waxay ku mashquulsan yihiin arrimo aan muhiim ahayn; Sidaa darteed, guushu ma noqon doonto mid ku wehelisa inteeda badan, nasiib darro dadka badankiisu ma horumariyaan naftooda, waligoodna horumari maayaan, waligoodna ma guulaysanayaan.

Hadii aad mar kasta hal talaabo u qaadid yoolalkaaga, muddo ka dib waxaad arki doontaa adigoo joogteeyay qorshihii aad dajisay, wixii intaa ka danbeeyana waxaad noqonaysaa qofkii aad ku hamminaysay mustaqbalka, mana jiraan wax ku joojinaya mar hadii aad ka gudubto dhibicda soo noqoshada.

Sii Daalco: 3 Talo Oo Aad Ku Noqon Kartid Qof Wax Soo Saar Badan Leh

Sii Daalco: 2023 Qof Cusub Noqo | 4 Habits That Changed My Life

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *