Habka Aqbalaadda Google Adsense

Habka Aqbalaadda Google Adsense

Ilaa hadda, nidaamka aqbalaadda Google AdSense waa mid si u yara fudud, waxaadna isla hadda samaysan kartaa akoon cusub, akoon kaasooy dib u eegi doonaan kooxda Google AdSense hadii aad u qalanto iyo hadii kaleba, adigoo markaa ka dib bilaabi kara inaad lacag ka samayso.

Waa Maxay Google Adsense?

Google adsense waa madal ay leedahay shirkadda Google oo mas’uul ka ah qaybinta iyo baahinta xayaysiisyada.

Si kale hadii loo dhigo, Google adsense wuxuu u shaqeeyaa sidii dhexdhexaadiye oo kale oo uu u dhaxeeyo xayaysiiyaha raba inuu helo booqdayaal, iyo halkii ay xayaysiintu ka soo muuqan lahayd, oo ah adigaan blogger-ka ah.

Google AdSense wuxuu haatan u muuqadaa mid bedeley isla mar ahaantaana fudaydiyay hannaankii aqbalaadda blogger-da, isagoo u muuqa in shuruudaha cusubi uu ka dhigay sidatan:

  • Hubi in website-kaagu yahay uu u qalmo Google AdSense
  • Iska diiwaan gali Google AdSense
  • Code-ka xayaysiinta Ku dar website-kaaga
  • Sug muddo u dhaxaysa 1-2 toddobaad

Sida u badan, waxay aqbalaadda Google AdSense qaadataa ilaa 48 saacadood, hasa yeeshee ugu badnaan waa ilaa 2 todobaad.

Sidoo kale waxaa iyadana jirta 2 qodob oo aasaas u ah aqbalaadda Google Adsanse, kuwaasoo kala ah:

  • Hubi in blog-kaaggu uu ku daabacan yahay ilaa 25 maqaal/qormo oo faa’iido leh, oo midkiibana uu ka kooban yahay ilaa 400, 500, ama ilaa 600 eray.
  • Hubi in blog-kaagu uu bishii helo in ka badan 5,000 booqde.

Mawduucyadan soo socda waa mawduucyada loogu raadinta badan yahay Google-ka, marka ay timaado Lacag Samaynta Google AdSense, iyadoo dad badani ay waydiiyaan su’aalo ay ka mid yihiin:

  • Sida Google AdSense lacag cadaan ah looga sameeyaa?
  • Sidee baan Google AdSense lacag uga samayn karaa?
  • Sidee buu Google AdSense si degdeg ah igu aqbali karaa?
  • Waa maxay shuruudaha uu Google AdSense u baahan yahay, si uu blog-kayga u aqbalo?
  • Lacag intee le’eg baan Google AdSense ka samayn karaa bishii?
  • Hadii uu Google AdSense i soo diido, mar labaad miyaan codsan karaa?
  • Iyo su’aalo kaloo badan.

Hagaag, hadii si aad u sii xoojiso xogaha aad ka haysato blogging-ka iyo aqbalaadda Google AdSense, oo aad si buuxda u damaanad qaaddo inaad lacag ka samayso blogging-ka, waxaan kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, taasood kaga bogan doonto –eebe idamkii- xogo iyo macluumaadyo buuxda oo ku saabsan blogging, si aad u hesho koorsada nagala soo xidhiidho whatspp lambarkan: +252-90-5582875 ama whatsapp link-gan: https://wa.link/Zjb442.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

6 Comments

  1. Salaam ka dib wllo
    Blogging dhawan samyn doon i.a mrka aan daawado casharad am tutorial cml aad ka samysy 16ka cashar. Rabaa kyguna inuu sidaa oo kle noqdo bez ustaas Blogging wd quruxsy runtii maasha allah. Taas bn ku sahalysa u maleenya mrkiiba inuu Googleku ku aqblo sax.
    Hase yeesh wx tir Blogging wn idin la joogyna ilaa intuu idin qarxayo mcnihii wd na caawinysaa sx?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *