Hada Baro Labadan Xirfadood

Labo Talo Xirfadood

Waxaan doonayaa maanta inaan kula share gareeyo Labo Fikradood kuna saabsan in laga shaqeeyo Internet-ka. Waxa aan kula wadaagi doono mid walba Qibrad baan u leeyahay waana xirfadeheyga, mar walbana Qofku Cilmiga iyo qibrada sheeygaan u leeyahay baa Dadka kale dhirigalin u noqota. hadaba Fikradahaan oo qaarkood Somalia aad uga banaan baa kala ah.

1. Blogging

Mid ka mid ah Xirfadaha ugu casrisan ee Qofka juhdi galsha Dhaqaale ka qaban karo Soomaaliyana aad uga banaan maadama Dad wax ku qora Onlineka hada ka hor aanan badneyn. Xirfadani sida Caadiga waa Zero Investment marka laga reebo Dhisida Websiteka hadaad taqaana taas adiga baa iska kaafin kara waana kuwa aan Shaqsi ahaan ugu jeclahay waayo waxa ey tahay baan arkay iyo Mowduuc ka maqan Soomaalida waagan bilaabayay Maqalkeeda xitaa Dadbeey Cajiib la noqon kartay.

 

Blogging-ka wa maxay ?

Blogging-ku marka lasoo koobo waa inaad Website ku qorto maqaal kadibna aad u dalabto Service ey bixiso shirkada Google loona garan ogyahay Adsense waxaad awood u yeelaneysaa markaa in safarkaaga shaqada halkaa kaaga bilowdo.

Luuqadee wax ku qoraa ?

Mid walba baad ku Daabici kartaa waxa aad gudbin doonto kuma xirna English ama Af kale.  Waxaa laga yaaba inaad isweydiiso Af-Soomaaliga ma aqbali doonta Shirkada Google. haa oo anaaba Tusaale kuu ah taas hadaad shaki kaa gasho Websitekeyga wax aan Soomaali ahayn kuma qora.

Shuruudaha Aqbalaada

Shirkada Google waxaa eey eegtaa inta badan Websiteka loo aqbalayo Adsense-ga, ma buuxshay Shuruudihii looga baahnaa ayagoo Index gareeyaa Guud ahaan Design-ka iyo Pages- ka ku jira Website-ka.

Pages-ka ugu Fiican lagaana doonayo waxaa ka mid ah Privacy Policy, contact us iyo About Us. sidoo kale Terms and Conditions intaa marka laga yimaad waa inaad hesho Address Wadan aqbalaada xayeeysiimaha Google heysta sida badanaa Yurub iyo Us Canada xitaa Africa Wadamo badan South Africa iyo Kenya ugu horeeyaan waa leeyihiin Address.

Sameeynta Website-yada

Hadii aadan aqoon sida Website loo dhiso waxaa jira Shirkad aan aas aasnay taas oo dhista Horumarisana Websiteyada waad nala soo xariiri kartaa si aan kuugu dhisno Website aad ku shaqeysato nuuc walba ood dooneyso sida Blogg ama E-Commerce Website.

2. Freelancing

Wax badan baan ka hadlay Qodobkaan muhiimka ah magaca Freelancing waayahan Dambe waxaa lagu sharaxaa shaqo aad ka qabatay Internetka ama Macmiil aad kala fogtihiin laakiin sida kale waxaa weeye in shaqo xor ah ood meel walba ka qaban karto tahay macnaha guud.
Tusaale adoo wadankii jooga hadaad Xirfadahaaga ugu shaqeyso Dad Soomaali ah waa Freelancing ama sida aad hada ku maqasho ee Ajaanib aad ka heshay shaqadooda Fivver ama Upwork.

 

Waxaa laga yaaba inaad aragtay Dad badan sharaxa kuna leh sidaa baan sameynay lkn mar walba Case Study aan shaqsi ahaan sameyay baan tusaa Dhalinyarada igu xiran kuwa Youtube igala socda ama Instgram Shaqadii iigu horeysay een qabto Freealncing beey ahayd qanaaco fiican beeyna dhanka Online-ka iga siisay waayo dadaalkeygii kowaad baa ii mira dhalay waxaan aaminay waa halka ugu sahlan Dhalintu ka shaqeyn karto hadeey Xirfad helaan.

Xirfadaha la iga doonayo

Hadii kuwa ugu caansan ee aad u baahan karto kula wadaago waa inaad Graphic Design sida Logo loo naqshadeeyo ama Wsbsite loo Develop gareeyo iyo waliba Turjumaada Af-Soomaliga Iyo Luuqadaha kale waad sameyn kartaa ayadana waxaase jira intaa o xirfad mid walba oo Digital Casri ah waad kaga shaqeyn kartaa.

Website-yada ugu Caansan

Fivver baa ugu horeeya meelaha ugu Macmiilka sahlan waana fudud yahay shuruudihiisa sidoo kale kuwa kaloo badan baa jira Upwork oo aad caan ugu ah Freelancing iyo Freelancer Website People per hour Iwm.

Gunnaanad

Maqaalkaan aan kula wadaagay inaad akhriso kadibna iskaga tagto dantaada maaha sidoo kale Wakhti iyo juhdi waa inaad galisaa waxa markaa aad xiiseyso si hadafkaaga uga guul gaarto mar walba waxaan isku howlaa sidaan Dhalinta Content qiimo badan uga tagi lahaa taas oo anigana Dhaxal wanaagsan ii ah adinkana aad Faa’iido ka heshaan waxaan kuu rajeynaya inaad Action ama Ficil la timaadaan Saaxibayaal.

10 Comments

  1. Blogging ka markaad maqaal kuso qorto ma waxa lacag lagugu sii inta qof ee soo booqdo haday jawaabtu Haa tahay halkii qof ee soo booqdo maxaa lagugu siinayaa

  2. Mahadsanid ustaad geele walow aanan wali wax isku day ah samayn hadana wali waxaan xiisaynayaa barnaamijyadaan aad sharaxday siiba blogging ka waxaanse ku rajo waynahay inaan ku dhaqaaqo oon ka midho dhaliyo waliba

    Mahadsanid walal

  3. Muxudiin Maxamed Abshir

    February 1 2023 _15:05
    Waad ku mahadsan ustaad gelle Bashir
    Marka kowaad waxa kaga bahanahay caawi mad dhanka luqada
    Marka labad waxa ii socoto barashada Computer
    Tan sedexad luqadeda aad u hooseysa
    Tan afarad cabsi aan ka qabo dadka igu dhaw marka aan isku day sameyo oo iga fashilmo igu qosla iguna jesjesa
    Waxan rajeyna inaa I gacan qaban doonto oo cabsidas iga soo saari doonto maskax wax fahanto waa Lee yahay cabsida iga Tan oo maskaxdeda ugu shaqeysin karin waana ku mahadsan tahay caawimadada ustaad gelle bashir

  4. actually am not good in somali, i can speak and understand but am not that much articulate ….so my ques is can i write my blogs in english and translate it to somali using translator apps? or the google will categorize that as palagar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *