Sideed u kala saari lahayd hawlaha degdega ah iyo hawlaha muhiimka ah?

Sideed u kala saari lahayd hawlaha degdega ah iyo hawlaha muhiimka ah?
  • October 17, 2022
  • Comment 3

Sideed u kala saari lahayd hawlaha degdega ah iyo hawlaha muhiimka ah?

Sideed u kala saari lahayd hawlaha degdega ah iyo hawlaha muhiimka ah?

Marka hawlahaagu ama shaqadaadu ay tahay waxa kuugu muhiimsan, way adkaan kartaa inaadan dareemin in hawl kasta ay tahay hawsha ugu muhiimsan, haddaba sidee ku kala saaraysaa ama ku kala garanaysaa hawlaha degdegga ah iyo hawlaha muhiimka ah? Farqiga u dhaxeeya ma yahay mid muhiim ah? Haa, hawlaha degdega ah inta badan waxay leeyihiin cawaaqib degdeg oo waxyeello u gaysan kara hawshaada ama shaqadaada. Halka, haddii aad ka shaqayso kaliya hawlaha degdegga ah oo aan muhiimka ahayn, aad waayi doonto fursado badan oo muhiim ah.

Haddii aad dareento inaad maalintaada ku bixinayso shaqada oo dhan oo aad shaqaynayso, ama aad si joogto ah u mashquulsan tahay, laakiin se aanad arkin ama ay san kuu muuqan wax natiijo ah, waa wakhtigii aad fiirin lahayd ama aad eegi lahayd sida aad u kala hormarin lahayd hawlahaaga, iyada oo loo marayyo talaabooyinkan soo socoda:

1. Maareynta Hawlaha iyadoo la qabanayo wakhtiga kama dambaysta ah

Haddii hawshu ama shaqadu ay leedahay wakhti kama-dambays ah oo dhow, waxaa lama huraan ah inaad qabato ama aad ka shaqayso hawshaas, ka hor intaanad ka shaqayn hawlaha leh wakhti go’an ama xaddidan oo dabacsan, sida bixinta biilasha (haday noqon lahayd kirda guriga ama ganacsiga, biyaha, leedhka, wifi-ga, iyo baahiyihii kale ee aasaasiga ahaa), Waana muhiim inaad qabataa hawlahaan ka hor inta aysan dhibaato kugu noqon.

2. Isticmaal ama adeegso xeeladda Eisenhower Matrixka

Habkan ama xeeladan ah mudnaansiinta hawlaha ee uu sameeyay madaxweynihii hore ee Maraykanka Dwight D. Eisenhower waxa uu ka kooban yahay liis ama jadwal leh afar qaybood oo kala ah:

Hawl degdeg ah oo muhiim ah, (Samee)

Hawl degdeg ah oo aan muhiim ahayn, (Wakiisho hadii ay suurtagal tahay)

Hawl aan degdeg ahayn oo muhiim ah, (Go’aanso)

Hawl aan degdeg ahayn oo aan muhiim ahayn, (Iska-indha tir)

Habkan waxaad adeegsan kartaa, marka ay shaqooyin ama hawlo badan iska hor yimaadaan, oo u baahan mid walba qabashadooda, si aad u kala siisid mid walba mudnaantiisa.

3. Wakiilashada

Ergadu ama wakiilashadu waxay muhiim u tahay dadka aanan haysan wakhti firaaqo ah maalintii; Markaa isku day inaad u wakiishato qaar ka mid ah hawlaha hoos yimaada qaybta “degdegga ah ee aan muhiimka ahayn”.

Si Guud, kala saaridda hawlaha degdega ah iyo hawlaha muhiimka ah?

      • Dhammaystir hawlaha degdegga ee muhiimka ah isla markaaba.
      • Tixgeli goorta aad qaban doonto hawlaha muhiimka ah – laakiin aan degdeg ahayn – oo u deji jadwal iyaga.
      • U wakiilo ama u idmo qof karti u leh, qabashada hawlaha degdega ah ee aan muhiimka ahayn.
      • Liiskaaga ka saar hawlaha aan degdega ahayn sidoo kale muhiimna aan ahayn isla markaaba.

Mid ka mid ah qabashada hawlaha ugu adag halkan, waa in ay jiraan hawlo degdeg ah, laakiin aan muhiim ahayn; Markaa raadso qof awood u leh oo u wakiilo.

Talo dheeri ah, Samee hawlahaaga ugu muhiimsan wakhtigaaga ugu waxtarka badan.

Mar walba, lagama maarmaan ma aha in mudnaanta la kala siiyo hawsha, waxaad wanaajin kartaa hawlahaaga adiga oo isku beegayya hawshaada iyo mudnaanta wakhtigaaga ugu waxtarka badan leh. Sidoo kale waa in ay jiraan isbadalo xagga tamarta iyo diiradda.

Waxayna la macno tahay in aad wax soo saar badan ku leedahay wakhti go’an ama wakhti cayyiman; Marka, kaliya ogow wakhtiyadaas, oo u qorsheey hawalagaaga ugu muhiimsan ee degdega ah wakhtigaas.

Habka ugu wanaagsan ee aad natiijo fiican uga gaadhid hawlahaaga maalinta oo dhan, waa inaad ogaatid wakhtiyadaada ugu wax soo saarka badan, ama ugu waxtarka badan.

Sii Daalaco: Maxaa Qofka Ku Kallifa Inuu Shaqeeyo? Kaliya Ma Lacag Baa?

Sidoo Kale: 3 QAAB OO LACAGTA LOO SAVE GAREYO | Money Saving Tips

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *