Farqiga U Dhexeeya Horumarinta Ganacsiga Iyo Horumarinta Astaanta

Farqiga U Dhexeeya Horumarinta Ganacsiga Iyo Horumarinta Astaanta
  • January 13, 2023
  • Comment 0

Farqiga U Dhexeeya Horumarinta Ganacsiga Iyo Horumarinta Astaanta

Farqiga U Dhexeeya Horumarinta Ganacsiga Iyo Horumarinta Astaanta

Horumarinta astaanta iyo horumarinta ganacsigu inta badan way wada socdaan – iyadoo ay jiraan kala duwanaansho; Haddii aad Google-ka ka raadiso farqiga u dhexeeya summada iyo ganacsiga, waxaad ka heli doontaa natiijooyin badan oo leh micnooyin badan oo ku saabsan macnaha astaanta. Way wada shaqeeyaan, laakiin horumarinta mid kasta lafteedu waa waayo-aragnimo xoogaa ka duwan.

Astaantu guud ahaan way jiri kartaa si ka madax bannaan ganacsiga ay qayb ka tahay, waxaad yeelan kartaa ganacsiyo ama shirkado dhowr ah oo wata hal sumad – sida Procter & Gamble ama Shirkadda Coca-Cola – Laakiin inta badan ma lahaan doontid mashaariicyo badan oo hal ganacsi ku dhex jira.

Astaanta ganacsigu waa tilmaan dhammaystiran oo ganacsigaaga ah, maadaama ay tahay sawirka ama aqoonsiga la xidhiidha ganacsigaaga, mashaariicdaada iyo bulshadaada. Haddaba aan si qoto dheer u eegno faraqa u dhexeeya horumarinta astaanta iyo horumarinta ganacsiga.

Ganacsigu Wuxuu Diiradda Saaraa Iibka, Astaantuna Waxay Diiradda Saartaa Bulshada

Waxay u badan tahay in yoolka ganacsigaagu uu yahay inaad samayso dakhli (macaash) badan, iyadoo hadafka ballaadhan ee dhisidda astaanta ay tahay in la horumariyo bulshada, waxaana hubaal ah in bulshadan lagu maalgelin karo iibka; Sidan oo kale, astaanta iyo ganacsigu waxay u shaqeeyaan si isku mid ah, taas oo ah sababta labaduba ay muhiim u yihiin.

Si kastaba ha noqotee, haddii aad rabto inaad horumariso Astaantaada, waa inaadan diirada saarin tirada alaabta aad iibiso ama tirada hogaanka aad hesho; Hase yeeshe, waa inaad aad diirada saartaa isdhexgalka uu helayo, tirada dadka yaqaana, iyo qadarinta ay hesho.

Marka la dhisayo ganacsi ay ku lug leedahay kordhinta kala duwanaanta badeecadaha ama waxyaabaha aad iibiso; Dhisida astaantu macnaheedu waa in diirada la saaro hal fikrad oo muhiim u ah astaantaada.

Summadaadu ama astaantaadu waxay ku siinaysaa adiga iyo shirkad kasta oo ka hoos shaqeysa astaantaas, inay wax ka bartaan oo la macaamilaan ganacsigaaga.

Astaantu Way Ka Weyn Tahay Badeecadda Ama Alaabta

Sababtoo ah dhisidda astaan ayaa ka baxsan fikradda samaynta faa’iidada ama soo bandhigida alaabada cusub; Waxay diiradda saartaa in badan oo ku saabsan aragtida iyo ra’yiga dadweynaha, maaha wax ku saabsan waxaad iibiso; Waxay ku saabsan tahay dareenka aad dadka dareensiiso.

Tusaale ahaan, marka aad soo iibsato badeecad sida Coca-Cola, cabitaankan wuxuu ku siinayaa wakhtiyo farxadeed oo lama filaan ah, sababtuna ma ahan cabitaanka laftiisa, oo laga yaabo inay jiraan kumaan kun oo cabitaan oo ka mac kan Coca-Cola, laakiin sababtu waa astaanta la xidhiidha cabitaankan.

Qaar badan oo naga mid ah ayaa laga yaabaa inay arkeen xayeysiisyada Coca-cola oo ina tusinaysa dad faraxsan oo wada wadaagaya cabitaankan oo kor u qaadaya ololaha cabitaankan. Xaaladdan, Coca-cola way ka weyn tahay cabitaankan, waana koox dad ka mid ah oo doorbida astaanta iyo alaabteeda.

Tani waa tusaale cad oo ku saabsan sida badeecada, ganacsiga iyo astaanta ay u wada shaqeeyaan si ay u sameeyaan bulsho wanaagsan iyo iib sare; Waa noocyada ololeyaasha iyo xidhiidhada ku dheggan maskaxda dadka, kuna reebaan astaan xusuus leh, iyo sida shirkaddaadu u shaqeyso iyadoo adeegsanaysa astaantaas; Waxay isu keentaa alaabooyinkaaga iyo wax-soo-saarkaaga, iyo sidoo kale xidhiidhada aad uga baahan tahay macaamiishaada.

Gebagebadii, Nuxur Ahaan Way Ku Kala Duwan Yihiin, Laakiin Muhiimadda Way Iskaga Mid Yihiin

Ganacsigaagu wuxuu kuu ogolaanayaa inaad sugto baahiyaha bulshada dhexdeeda ee astaantaadu ay samayso, halka astaantaadu ama summadaaduna ay kuu ogolaanayso inaad gaadho dad badan oo baahidooda ganacsigaagu ku caawin karo.

Horumarinta labadaba isku mar waxay kaa caawineysaa inaad gaarto yoolalkaaga ganacsi ah, dabcan, fikradahani waxay u shaqeyn karaan si madax-bannaan, laakiin shirkadaha ugu guulaha badan waxay leeyihiin bulshooyin daacad ah iyo astaamo la ixtiraamo. Markaa qaado wakhtigaaga si aad u samayso oo aad u dhisto astaantaada.

Sii Daalaco: Waa Maxay Farqiga U Dhexeeya Blogger Iyo WordPress

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *