Waa Maxay Luqadda HTML? Sideese ku baran kartaa?

Waa maxay luqadda HTML? Sidee bay u shaqeeyaa HTML? Sideese ku baran kartaa?
  • October 5, 2022
  • Comment 0

Waa maxay luqadda HTML? Sidee bay u shaqeeyaa HTML? Sideese ku baran kartaa?

Waa maxay luqadda HTML? Sidee bay u shaqeeyaa HTML? Sideese ku baran kartaa?

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Luqadaha lagu dhiso ama lagu hormariyo website-yada waxa ay soo mareen horumarino iyo isbadalo kala duwan, laakiin hal luqad ayaa weli laga maarmi Karin, oo la jaan-qaadaysa hormar kasta oo dhaca, waana lama huraan adeegsigeeda ama isticmaalkeeda, si kasta oo ay tahay, waana luqadda HTML. Luqaddani waa tiirka ugu badan ee uu ku dhisan yahay website-ka.

Waa Maxay Luqadda HTML?

HTML waa luuqad qoraal ah oo loo isticmaalo samaynta iyo dhisidda qaab-dhismeedka boggaga internetka, HTML looma tixgalinayo inay tahay luuqada borogaraameed, marka loo eego luuqadaha borogaraameed ee kale. laakiin waa luqad ama qaab loo isticmaalo in lagu qeexo waxa ku jira bogga internetka. Iyadoo barawsarka siinaysa macluumaadyada ku saabsiisan bogga sida: cinwaanada iyo heerar kooda, menu-yada, sawirrada, tags-yada, cutubyada, links-yada (isku xiraha) iyo waxyaabaha kale ee uu ka kooban yahay boggu.

HTML Ma Luuqad Borogaraameed Baa?

Dhammaan luuqadaha borogaraameed ama luqadaha barnaamij-samaynta waxay qabtaan shaqooyin gaar ah, haday noqon lahayd wax ka badalka xogta ama falanqaynta xogta, IWM, Iyadoo loo marayo tilmaamo xisaabeed taxane ah oo gaar ah. Halka, HTML ay ka kooban tahay oo kaliya walxo wax sharraxaya oo aan lahayn wax awood ah oo ka dhigaysa laf-ahaanteeda mid firfircoon.

Runtii, HTML ma qabato wax shaqo borogaraameed ah, kaliya waxay si fudud u soo bandhigtaa xogta ku jirta bogga iyadoo u qaabaynaysa qaab gaar ah. iskuma hawsho ama ma sii danayso sida barowsarku u muujinayyo ama uu u soo bandhigayyo xogta ku jirata boggaas. Si kale haddii loo dhigo, HTML waa luqad qeexitaan halkii ay ka ahaan lahayd luqad borogaraameed oo shaqaynaysa, sidaa darteed HTML ma ahan luuqad borogaraameed.

Sidee bay u shaqeeyaa HTML?

Faylka HTML wuxuu ka kooban yahay tags-yo, kuwaas oo ah codes hore loo sii qeexay oo luqadda ku qoran oo qeexaya sida walxaha ku jira bogga, tag kastaana waxay u taagan tahay magaca shay gaar ah, qayb kastaana waxay ka kooban tahay tag bilow ah iyo tag dhamaadka ah.

Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad qoraal gaar ah, u calaamadsato cinwaan ahaan, waa inaad qoraalkaa aad ku dhex qortaa labo tag dhexdooda sidan soo socota oo kale: <H1>Tani waa Ciwaanka<H1/>. Calaamadda ama tag bilawga ah waa sidan <H1> tan dhammaadka ahna waa sidatan <H1/>. Farqiga labada tag u dhaxeeya ayaa ah, in tag hore ay ka dhigan tahay furitaan, tag danbena uu ka dhigan yahay xidhitaan. Dhismaha dukumeenti kasta oo HTML ah wuxuu ka kooban yahay walxahan soo socda:

      • Nooca dukumeentiga <!DOCTYPE html>: Summadan ama calaamadan waxa la dhigaa ama lagu bilaabaa bilowga faylka HTML; Si browser-ka iyo server-yada shabakadu ay u aqoonsadaan bogga, server-ku wuxuu u baahan yahay inuu ogaado nooca faylka, ka hor inta uusan u dirin aalada uu adeegsanyo macmiilka.
      • Summada bilawga bogga <html>: Waxay ka kooban tahay dhammaan qaybaha kale ama walxaha kale ee bogga.
      • Summada madaxa < head>: Waxay ka kooban tahay cinwaanka bogga, macluumaadka qeexida bogga loona yaqaan Metadata, iyo tags-yo loogu talagalay faylasha dibadda sida faylasha Javascript.
      • Summada jidhka <body>: Calaamaddani ama summadani waxa ay ka kooban tahay dhammaan waxa ku jira bogga ee u muuqan doona akhristaha ama booqdaha soo booqanaya bogga.

Taariikhda Luqadda HTML iyo hormarkeeda

Nuqulkii ugu horreeyay ee HTML 1.0 waxa la sameeyay 1993-kii, laakiin waxa uu ahaa nooc dadban oo aan helin taageero badan, maadaama aanay la socon astaamo ama calaamado badan oo tags ah. Intaa ka dib, waxaa la daabacay HTML 2.0, kaas oo si degdeg ah ugu faafay bulshooyinka webka, maadaama ay ku jiraan dhowr tags, kuwaas oo ay ugu muhiim sanaayeen, quraalka jadwalada iyo buuxinta foomka.

In kasta oo ay jirtay dood ka dhexaysay browser-sameyaasha iyo horumariyeyaasha, W3C waxay sii daysay HTML 3.2 sannadkii 1997-kii, kaas oo taageeray is-waafajinta faylasha HTML ee CSS. Intaa kadib waxaa sii socotay hormarintii iyo cusboonaysiintii luqadda ilaa laga soo gaaray HTML 5 oo soo baxay sanadkii 2014, waana nooca saldhiga ah wakhti xaadirkan, ee loo isticmaalo daalacashada webka.

Noocani waxa uu taageeraa daalacashada iyo aaladaha aynu isticmaalno intooda badan, wuxuuna si fiican ula midoobaa ama ula jaan-qaadaa luqadaha kale ee horumarinta UI.

Sideed ku baran kartaa luqadda HTML

Wakhti xaadirkan, samaynta website ama blog, aad bay u fududaatay, heer aad hada samayn karto website adigoon baran wax luqad ah, iyadoo loo maryo website-yo iyo plugins-yo fududaynaya samaynta website-yada. Waxaadna ku samayn kartaa daqiiqado gudahood (HAA WAA XAQIIQ, DAQIIQADO GUDAHOOD AYAAD KU SAMAYN KARTAA WEBSITE AMA BLOG). Laakiinse hadii aad xiisaynayso barashadeeda, aad ayay u sahlan tahay.

Barashada luqadda HTML aad bay u fududahay xitaa hadii aad tahay bilow, waxaa jira ilo badan oo laga baran karo qaab dhismeedka boggaga internetka. Intaa waxaa dheer, uma baahnid ilo, si ay u fuliso amarradeeda, waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa tifaftire fudud oo qoraal ah iyo browser web, si aad u aragto natiijooyinka aad ku qortay faylka HTML.

Waxaad daalacan kartaa hago aad ku baran karto luqadan qaab bilaash ah HTML Tutorial – W3Schools, si aad u hesho faham qoto dheer oo luqadda ah oo aad bilowdo inaad wax ka barato. Kaliya waxaad u baahan tahay inaad si qoto dheer ah u baarto adeegsiga iyo dabaqidda luqadda.

Si aad suuqa shaqada u gasho oo aad u noqoto xirfadle ku takhasusay horumarinta is-dhexgalka website-yada, ka dib marka aad HTML barato, waa in aad dhammaystirtaa safarkaaga adigoo baranaya farsamooyinka kale ee loo adeegsado horumarinta is-dhexgalka xirfadleyda, sida CSS, JavaScript, iwm.

Ugu dambeyntii, xusuusnow in barashada luqadan ay tahay tallaabada ugu horreysa ee dariiqa horumarinta website-yada, maadaama dhammaan software-ka webku ay ku xiran yihiin luqaddan. Markaa qaado wakhti aad ku barato oo aad ku dabbaqdo luqadan, oo isticmaal ilo lagu kalsoon yahay oo bixiya casharo wax ku ool ah.

Sii Daalaco: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato

Sidoo Kale: Waa Maxay Keywords? Iyo Muhiimada Ay Leedahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *