Faa’idooyinka ay leedahay Joogtaynta shaqada

Faa’idooyinka ay leedahay Joogtaynta shaqada
  • October 21, 2022
  • Comment 2

Faa’idooyinka ay leedahay Joogtaynta shaqada

Faa’idooyinka ay leedahay Joogtaynta shaqada

Shaqaalaha qaar kood ma aha kuwo ay ka go’an tahay joogtaynta shaqada, xataa kuwa ay ka go’an tahay aanay si isku mid ah uga go’nayn, laakiin se ay daruuftu ay ku kallifday shqada. Waa run in ay jiraan arrimo iyo xeelado la raaci karo si loo kordhiyo heerka Joontaynta shaqada, laakiin arrintu waxay ahaanaysaa mid shakhsiyeed, oo xitaa laga yaabo in aad aragto shaqaale ay go’an tahay joogtaynta shaqo aad u liidata, iyadoo ay suurtagal tahay u tahay inuu u badasho shqao ka fiican, tan uu ku jiro. Waana sababta ay tahay joongtaynta shaqada mid go’aan shakhsiyeed ah.

Joogtaynta shaqada waa lama huraan, iyadoo dhalisa waxyaabo badan oo wanaagsan, oo ay ka mid yihiin: heerka qanacsanaanta shaqada, wax soo saarka oo sarreeya, waxtarka iyo tayada aan la soo koobi Karin.

Shaqadu waa mid muhiimad weyn u leh qofka iyo bulshadaba, waxaana lagama maarmaan ah in qof kasta oo shaqaale ahi uu u hoggaansamo habsami u socodka shaqada.

Shaqadu waa isha uu qofku ku tiirsan yahay si uu nolol maalmeedkiisa u helo, una buuxiyo baahidiisa, sidaa awgeed waa inuu si fiican u maareeyaa shaqadiisa, ilaa ay ka dhammaato, Islaamkuna wuxuu inagu boorinayaa inaan ku dhaqanno arrintaas siduu Nebigeenu (scw) uu yiri: (إن الله يحب إذا عمل أحدكم عملا أن يتقنه ) (Ilaahay wuxuu jecel yahay hadduu midkiin shaqo qabto inuu ka run sheego shaqadiisa).

Faa’idooyinka ay leedahay Joogtaynta shaqada

Waxaynu dul istaagi doonaa (Haduu Eebe Idmo) muhiimadda iyo faa’idooyinka ay leedahay Joogtaynta shaqada:

Kordhinta wax soo saarka

Waxaa la dhihi karaa, qeexitaanka joogtaynta shaqada in ay macnaheedu tahay, kororka heerka wax soo saarka; Qofka shaqaalaha ahi ee joogteeya shaqada uma baahna qof tallaabo tallaabo u raacda (si uu u hubiyo wax qabadkiisa), wuxuuna mar walba naftiisa ku baraarujiyaa inuu shaqeeyo oo dadaalo.

Intaas oo kaliya ma aha, balse waxa uu isku dayaa in uu wax badan qabto, si uu u gaadho heerka ugu sarreeya ee wax qabadkiisa tusaale ahaan, shaqaalaha qaar kood ee joogteeya shaqada, waxaad arkaysaa inay wakhtigooda saxda ah ku yimaadaan shaqada ama laga yaabo inay ka horreeyaan, sidoo kale waxaa laga yaabaa inay sii joogaan dhamaadka muddada shaqada ka dib.

Xusuusnaw, joogtaynta shaqadu waa xudunta gudaha aan la arki karin, laakiin saameynteeda wanaagsan ay muuqato.

Xaqiijinta yoolalka

Shaqaalaha ay ka go’an tahay joogtaynta shaqada, kaliya kuma qanacsana inay sameeyaan ama ay qabtaan waxa looga baahan yahay, laakiin se waxay dejiyaan yoolal nafteeda ah marka ay shaqeynayaan oo ka sarreeya wixii looga baahnaa.

Way fududahay in la gaaro yoolalkaas; Maadaama dadka ay ka go’an tahay joogtaynta shaqada aanay u arag waxa looga baahan yahay in ay tahay tiro kaliya, balse u arka in ay ka eegaan dhinacyo badan.

Qofkasta oo dhinacyada ka eega waajibaadkiisa shaqo, way u fududaanaysaa inuu garto waxa looga baahan yahay, oo uu si wanaagsan u guto.

Qiimaha dheeraadka ah

Joogtaynta shaqada, dibadda iyo lafteedaba, waa qiimo dheeri ah, qiimahanina wuxuu kordhiyaa mar kasta oo shirkadu ay hesho shaqaale ka go’an joogtanta shaqadooda.

Sidoo kale waxaa qiimo dheeri ah saamaynta iyo muujinta joogtaynta shaqada. Waxa laga yaabaa inaad aragto shaqaale ay ka go’an tahay inuu la xidhiidho, ka hadlo, oo soo jeediyo habab iyo xeelado hagaajin doona shaqada oo u dhaqaajinaya heerar sare (dallacsiin).

Laakin joogtaynta shaqada waa safar laba-raac ah: mid ay leedahay shirkadda, iyo mid uu leeyahay shaqaalaha laftiisa. Shirkaddu ma gaadho heer ay hesho dhammaan shaqaale ka go’an joogtaynta shaqadooda, ilaa ay raacdo habab iyo xeelado badan oo ku riixayya helista shqaalaha noocan ahi.

Shaqaaluhuna laguma magacaabi karo “shaqaale joogto ah” habeen iyo maalin oo keliya, laakiin se waxay qaadataa wakhti dheer; Si uu u gaaro heerka ka go’naanta buuxda ee joogtaynta shaqada.

Sii Daalaco: Sideed U Kala Saari Lahayd Hawlaha Degdega Ah Iyo Hawlaha Muhiimka Ah?

Sidoo Kale: Maxaa Qofka Ku Kallifa Inuu Shaqeeyo? Kaliya Ma Lacag Baa?

2 Comments

  1. Asc,

    Runtii si fiican oo wanaagsan baad u dhigtay macnaha ka go’naanta shaqaalaha, shaqada uu gacanta ku hayo. Waa arrin horumar u keeni karta shakhsiyadda qofka iyo midda shirkadda uu shaqaalaha u yahayba. In la helo shaqaale isdira, fahansan macnaha shaqadiisa, kuna dedaalaya hirgelinta guulo waaweyn oo shirkadeed waa wax weyn. Qoddobada aad taxday ee saddexda ahi waa lagamamaarmaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *