Waa maxay keywords? Iyo Muhiimada ay leedahay

Waa maxay keywords? Iyo Muhiimada ay leedahay
  • October 3, 2022
  • Comment 0

Waa maxay keywords? Iyo Muhiimada ay leedahay

Waa maxay keywords? Iyo Muhiimada ay leedahay

keywords ama Furaha Erayada waa lama huraan adeegsigeeda ama isticmaalkeeda, gaar ahaan marka aad maqaal cusub daabacayso ama aad samaynayso xayaysiis ama aad muuqaal soo galinayso YouTube, si aad u hesho soo booqdayaal badan, iyo inaad lacag ka samayso.

-keywords ama Furaha Erayada miyay muhiim u yihiin mashiinada raadinta (SEO)?

-keywords ama Furaha Erayada miyay Google muhiim u yihiin?

Jawaabta oo gaaban: Haa.

Se hadii aad doonayso jawaabta oo faahfaahsan wado akhrintaada ilaa dhamaadka.

Waa maxay macnaha keywords?

keywords ama Furaha Erayada waxaa lagu qeexaa in ay tahay hal kalmad ama weedh gaaban oo qeexaysa nuxurka maqaalka ama nuxurka bogga.

keywords waa ereyada raadinta ee isticmaaluhu u isticmaalo inuu ka raadiyo mashiinda raadinta (Search Engine). si uu u helo waxa uu raadinayyo.

Aynu sii caddayno, tusaale ahaan, haddii aad Google ka raadinayso “kabaha kubbadda koleyga ee ragga,” Google wuxuu isku dayi doonaa waxa aad raadinayso inuu helo, oo uu kuu soo bandhigo liisaska boggaga ka hadlaya mawduucan. Markaa haddii goobtaadu (website, blog ama madal kale) isticmaasho ereyada uu raadinayo isticmaaluhu (“kabaha kubbadda kolayga“) ama ereyada la xidhiidha (sida “kabaha ragga“, “adidas” ama “kabaha kubbadda kolayga“), goobtaada waxay u badan tahay inay ka muuqato natiijooyinka raadinta.

Muhiimada ay leedahay adeegsiga keywords

keywords ama Furaha Erayada waa muhiim adeegsigeeda, sababtoo ah waa waxa kaliya ee u dhexeeya isticmaalaha wax raadinayya iyo waxa uu raadinayo. Sidaa darteed adeegso ereyada ku habbon una fudud raadiyaha inuu ka raadiyo makiinadaha raadinta. Dabcan, ereyada aad adeegsanayso waa in ay waafaqsanaadaan nuxurka aad bixinayso.

Hadafkaaga ah inaad kaalmaha hore kaga jirto makiinadaha raadinta, waxay ku salaysan tahay hagaajinta keywords ama Furaha Erayada, sidaa darteed waa inaad xoojisaa oo aad ka shaqaysaa ereyada aad dooranayso, si aad uga soo muuqato kaalmaha hore.

Maxay muhiim u tahay adeegsiga keywords?

Su’aal kale oo iswaydiin leh: Maxaynu u dooranaa keywords ama Furaha Erayada? Bogagga internet-ka waxaa ku jira macluumaadyo badan oo ay dadku raadinayaan, sidaa darteed marka bogga la qorayo, milkiilaha goobta waa inuu ka fikiraa ereyada keywords ee ay dadku isticmaali doonaan, si ay uga helaan goobtaada mashiinadaha raadinta. Marxaladda xulashada ereyada muhiimka ah waxay soo koobaysaa natiijooyinka raadinta, taasoo u sahlaysa dadka raadinaya macluumaadka qaarkood inay helaan, iyaga oo aan tagin bogagga aan bixinayn macluumaadka booqdaha u baahan yahay.

Ka Bilaw ahaan, muhiim ma tahay inaad adeegsato Keywords Dhaadheer?

Marka aad bilawga tahay, waxaa dhacdo ah inaad samayso qaladaad weyn, oo ay ka kaw tahay, adeegsiga ama wax ka qoridda ereyo muhiim ah oo “gaaban”, waxaa laga yaabaa inaad saacado badan iyo maalmo badan iyo xitaa bilooyin badan aad ku luminayso adeegsiga ereyada gaagaaban. Ilaa haddana aanay kuu muuqanayn wax natiijo ah. Sababtuna waxay tahay, inaad adeegsatay ama aad bartilmaameedsatay ereyo muhiim ah oo gaaban sida “koorsooyin – suuq-geyn” ereyda noocan ah waxay aad ugu tartamayaan mishiinadaha raadinta (Search Engine).

Haddii aad bilaw tahay, waa inaad marka hore bartilmaameed ka dhigtaa ereyada muhiimka ah ee dhaadheer.

Waxaa jira dhowr heer oo “keywords” ah marka loo eego sahlanaanta helitaanka, waxayna kala yihiin sidan soo socota:

      1. Fudud
      2. Dhexdhexaad
      3. Adag
      4. Aad u adag

Haddii aad bilaabayso degel cusub, ama aad bartilmaameedsan kartid ereyada heerka aadka u adag ama adag, waa inaad marka hore doorataa ereyada heerka fudud, ka dibna ereyada heerka dhexdhexaadka ah, ka hor intaadan dooran ama aanad tixgelinin ereyada heerarka sare.

Tusaale ahaan:

      1. Shirkaddaha SEO ee ugu fiican Somalia (Fudud).
      2. Shirkaddaha SEO ee ugu Fiican (Dhexdhexaad).
      3. Shirkaddaha SEO (Adag).
      4. SEO (Aad u adag).

Aynu Sii Caddayno, marka aad maqaal ku daabacdo internet-ka, tusaale ahaan, maqaalkaas Google wuxuu kaga jiri doonaa kaalmo kala duwan, tusaale ahaan waxaad adeegsatay weedha koowaad ee ahayd ” Shirkaddaha SEO Ee Ugu Fiican Somalia” waxaa suurtagal ah inaad ka muuqato kaalinta “1 ilaa 30”, halka hadii aad adeegsato weedha labaad oo ahayd “Shirkaddaha SEO Ee Ugu Fiican” aad kaga jiri karto, tusaale ahaan, kaalinta “90”, saddexaadna “120” iyo afraad “200”.

Haddii aad Google kaga jirto kaalinta koowaad, Ka dib adeegsiga weedha koowaad ee ahayd ” Shirkaddaha SEO Ee Ugu Fiican Somalia” waxaa kor u kici doona weedhii labaad oo ahayd “Shirkaddaha SEO Ee Ugu Fiican” oo ka soo muuqan doonto kaalin ka fiican tii hore, sidoo kale waxaa iyaguna kor u kici doona ereyada intiisa kale, si isdaba jog ah.

Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa istaraatiijiyad iyo dadaal aad u fudud iyo waqti gaaban, si aad kaalmaha hore uga soo muuqato Google oo ku saabsiisan weedha ah ” Shirkaddaha SEO Ee Ugu Fiican Somalia“.

Sideen website-kayga ama blog-kayga ugu daraa keywords ama ereyada muhiimka ah?

Habka ugu fudud ee lagu hormarin karo website-kaaga ama blog-gaaga waa in lagu daro keywords ama ereyada muhiimka ah, si makiinadaha raadinta ay si dhakhso ah u ogaadaan waxa degelkaagu ku saabsan yahay. Waxaad ku dari kartaa ereyada muhiimka ah boggaga HTML adigoo adeegsanyya Meta Keywords gudaha qaybta Head. Kadib waxaad taxdaa ama aad qortaa ereyada muhiimka ah ee khuseeya ganacsigaaga, nuxurka, cinwaanada, iyo sharaxaadaha sawirka guud.

Sii Daalaco: Fikrado Ku Saabsiisan Website-Yada Ugu Lacag Samaynta Badan Sanadka 2022

Sidoo Kale: Waa Maxay Shahaadada SSL Iyo Muhiimadda Ay Leedahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *