Koosrada Bilaashka Ah Ee Ay Bixiso IBM (Cyber Security Analyst)

Koosrada Bilaashka Ah Ee Ay Bixiso IBM (Cyber Security Analyst)

Koosrada Bilaashka Ah Ee Ay Bixiso IBM (Cyber Security Analyst)

Koosrada Bilaashka Ah Ee Ay Bixiso IBM (Cyber Security Analyst)

Hackers-ku waxay mar kasta sii wadaan inay galaan, oo ay xadaan xogaha xaasaasiga ah ee ay leeyihiin ururada iyo shirkadaha, iyagoo adeegsanaya tignoolajiyada cusub, waxaana sii kordhaya tirada weerarada internetka, sidaa darted waxaa baahi weyn loo qabo falanqeeyayaasha amniga internet-ka (Cyber Security Analyst), shirkaduhuna waa inay qaadaan tillaabooyin adag oo ay ku ilaalinayaan shabakadahooda iyo xogtooda.

Falanqeeyaha amniga internet-ka, oo sidoo kale loo yaqaan Cyber Security Analyst, wuxuu tixraaci karaa noocyo badan oo kala duwan oo shaqooyin ah oo soo hoos gala mihnadda amniga internet-ka. Doorka iyo mas’uuliyaduhu way kala duwan yihiin iyadoo lagu saleynayo doorsoomayaasha sida warshadaha iyo cabbirka shirkadda, laakiin falanqeeyaha amniga internetka ayaa guud ahaan mas’uul ka ah ilaalinta shabakadaha ururka iyo server-yada.

Waxa kale oo uu horumariyaa istaraatiijiyado firfircoon oo ku aadan dhanka ammaanka, si looga hortago jebinta iyo in la hubiyo in hantida dhijitaalka ah ay tahay mid sugan.

Waxaa intaa dheer, inuu mas’uul ka yahay horumarinta hanti-dhawrka iyo qiimaynta amniga iyo samaynta kormeer joogto ah oo lagu sameeyo nidaamyada.

Saadaashu waxay muujinaysaa in shaqada ah amniga internet-ka ay kordhi doonto, shirkaduhuna ay baahi weyn u qabi doonaan sanadaha soo socda, iyadoo Xafiiska Shaqada (Bureau of Labor) ee Mareykanka uu rajeynayo in shaqada goobtani ay kordhi doonto 35% tobanka sano ee soo socda, taasoo afar jeer ka dhakhso badan celceliska dhammaan xirfadaha kale.

Falanqeeyayaasha amniga internetka waxay qaadaan mas’uuliyado muhiim ah, sidaa darteed shirkaduhu waxay xoogga saaraan shaqaaleysiinta dadka leh xirfadaha saxda ah iyo khibradda farsamo ee lagu heli karo tababar saxan.

Sidaa darteed, jaamacado badan oo caalami ah iyo shirkado waaweyn ayaa bixiya koorasyo kaa caawinaya inaad horumariso xirfadahaaga ku aadan dhanka amniga internet-ka, waxaan maanta xusi doonaa koorsada bilaashka ah ee ay bixinayso IBM:

IBM Cyber Security Analyst Professional Certificate (Shahaadada Falanqeeyaha Amniga Internet-ka)

(IBM) waxa ay bixisaa koorsadan, iyada oo loo marayo madasha Coursera, oo ah mid ka mid ah goobaha waxbarashada online-ka ah ee ugu muhiimsan adduunka.

IBM Cybersecurity Analyst Professional Certificate waxa ay ka kooban tahay 8 koorso oo tababar ah, waxayna ay ku siinaysaa wax kasta oo aad uga baahan tahay in aad ka barato goobtan.

Inta lagu jiro barashada takhasuskan, waxaad baran doontaa wax ku saabsan aasaaska nidaamyada iyo shabakadaha, iyo aaladaha falanqeeyaha amniga internetka, oo ay ku jiraan: ilaalinta xogta, nidaamyada ilaalinta dhamaadka, macluumaadka amniga iyo maaraynta dhacdada (SIEM), waxaad sidoo kale baran doontaa mowduucyada ugu waaweyn la xidhiidha u hoggaansanaanta.

Waxaad koorsadan ku baran doontaa xirfadaha amniga internetka adigoo adeegsanaya aaladaha amniga gaarka ah ee isha furan, markaad dhameysid koorasyadan, waxaad dhammaysatay in ka badan hal mashruuc oo wax ku ool ah, waana inaad samaysataa fayl (portfolio) oo kaa caawinaya inaad dhex gasho tartanka xirfadan. Waxaad sidoo kale u baahan doontaa inaad qaadato shahaadadeeda, (hadii aan laga maarmayn) si aad si guul leh u dhammaystirto safarkaaga ku aadan barashada xirfadan.

Sii Daalaco: Wax Ka Ogow WEB 3.0, Kacaanka Cusub Ee Internetka

Mudada ay qaadaneyso barashada kooraskan ayaa ah 3 bilood, waxaana la filayaa in ay qaadan doonto qiyaastii 10 saacadood todobaadkii, maadaama ay ka kooban tahay 8 koorso oo tababar ah, kuwaasi oo kala ah.

      • Introduction to Cybersecurity Tools & Cyber Attacks.
      • Cybersecurity Roles, Processes & Operating System Security.
      • Cybersecurity Compliance Framework & System Administration.
      • Network Security & Database Vulnerabilities.
      • Penetration Testing, Incident Response and Forensics.
      • Cyber Threat Intelligence.
      • Cybersecurity Capstone: Breach Response Case Studies.
      • IBM Cybersecurity Analyst Assessment.

Faahfaahinta Koosrada Bilaashka Ah

      • Qiimaha: Bilaash
      • Muddada barashada: 3 bilood.
      • Tirada koorsooyinka: 8 koorsooyin.
      • Heerka: ku habboon dadyawga bilowga ah.
      • Ma jirtaa shahaado: haa, laakiin bilaash maaha.

Coursera ayaa siisaa kaalmo dhaqaale kuwa aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka shahaadada, koorsadanina waxay leedahay ikhtiyaarka gargaarka maaliyadeed (Financial aid available) ee ay bixiso madashan.

Guji ama taabso ikhtiyaarka (Financial aid available) ka dibna buuxi foomka, intaa ka dib waxay qaadan kartaa ilaa 15 maalmood, waxaadna dib ka heli doontaa iimayl kuu sheegaya haddii lagu  ogolaaday ama lagu diiday.

Intaa waxaa dheen, inaad heli doontaa calaamad dhijitaalka ah ee IBM lafteeda, iyada oo kuu aqoonsanaysa kartidaada ku aadan dhinaca amniga internetka.

6 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *