Sideed ku heli kartaa lacag badan?

Sideed ku heli kartaa lacag badan?
  • November 28, 2022
  • Comment 7

Sideed ku heli kartaa lacag badan?

Sideed ku heli kartaa lacag badan?

Uma baahnid in aad noloshaada inta ka hadhay ku dhamaysato daalka shaqada, oo aad sugto sabtida iyo axada ilaa khamiis, oo aanad awoodin in aad iska bixiso waxyaabaha aad u baahan tahay bil kasta. taas beddelkeeda waxaan haysanaa doorashooyin caqli-gal ah oo aan hadda sameyn karno si aan nafteena ugu diyaargarowno waqtiyada dambe, laakiin tani waxay ka dhigan tahay inaan waxyaabo adag sameyno maanta.

Dadka badankoodu waxay leeyihiin aragti lacageed oo aad u gaaban, haddii aad diyaar u tahay inaad balaadhiso aragtidaas, waxaad samayn doontaa doorashooyin wanaagsan oo noloshaada horumarin doona.

Waana kuwan laba ka mid ah xulashooyinkaas oo aan u maleynayo inay ka mid yihiin sababaha ugu muhiimsan ee dadka qaarkiis ay ku helaan lacag ka badan kuwa kale:

1. Ku dadaal inaad noqoto kan ugu fiican:

Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya dakhliga u dhexeeya dadka ugu waxqabadka sarreeya iyo kuwa loo arko, tusaale ahaan, Waxaa jira kumanaan qof oo jecel inay ciyaaraan kubbadda koleyga, laakiin waxaa jira tiro yar oo geli kara NBA-da oo heli kara mushahar badan. Dadka leh wax qabad heer sare ah oo goob kasta ah waxay had iyo jeer kasbadaan wax ka badan kuwa kale, tanina waa wax iska cad, laakiin ogaanshaha sida loo noqdo wax qabad sare ma cadda.

Qoraaga Maraykanka ah ee Seth Godin waxa uu buugiisa ciwaankiisu yahay “The Dip” ku yidhi: “Sababta ay dadka badankiisu u guul darraystaan ​​waa in marka ay arrimuhu adkaadaan inta badan ay dib uga noqdaan, dhibaataduna waxa weeye in guushu ay timaaddo marka ay arrimuhu adkaadaan ka dib.

Maxay la macno tahay in la noqdo kan ugu fiican?

Aynu nidhaahno waxaad raadinaysaa naqshadeeye si uu kaaga caawiyo abuurista summadaada ganacsi ah, Naqshadeeyaha “ugu fiican” “adduunkaada” wuxuu noqonayaa qof qaabkiisu ku habboon yahay aragtidaada, ku habboon habkaaga shaqo, oo samayn kara wax kasta oo aad u baahan, kharash ahaana aad awoodid.

Hadafkeenu, waa inaan u noqono kuwa ugu fiican dadka aan la macaamiloonayno (la falgalno).

2. Si xikmad leh u dooro fursadahaaga:

Dhammaanteen waxaan leenahay waqti iyo tamar xaddidan, mana dhihi karno “haa” fursad kasta oo ina soo food saarta. Taas si fudud ayaa loo fahmi karaa aragti ahaan, laakiin way adag tahay in lagu dhaqmo adduunyo ay ka buuxaan waxyaabo badan oo carqaladeyn iyo fursado ah.

Waxaa laga yaabaa inaad u malaynayso inay jiraan wax badan oo la qaban karo, waana inaad tidhaahdaa haa intii aad awooddo, laakiin uma maleynayo; Sababtoo ah si fudud ayaad u mashquulin kartaa, waxaana laga yaabaa in tani ay ku dhacdo ganacsato badan, maadaama ay waqti badan iyo dadaal badan ku bixiyaan waxyaabaha khaldan, taas oo inta badan keenta guul darro. Mid ka mid ah daraasadaha la sameeyay ayaa lagu sheegay in sababaha ay shirkaduhu u fashilmaan ay tahay in ay sameeyaan (curiyaan) badeecad ama adeeg aanuu suuqu u baahnayn, bal qiyaas in aad lacagtaas, wakhtigaas iyo rajadaas aad geliso wax aanu qofna runtii u baahnayn.

Ugu Danbayntii

Haddii aad rabto inaad hesho lacag badan, uma baahnid inaad sugto wakhti ku habboon, maantaba waad bilaabi kartaa tallaabadaada ugu horreysa, ee ku aadan mashruucaaga ama wax barashadaada.

Dhisida ganacsi dakhli badan kaa soo gala, ama meherad aad ku raaxaysato, waxay qaadan kartaa wakhti, dhammaan dadku waxay rabaan inay lacag badan ku helaan wax-qabad ama dadaal yar, tanina waa sababta ay ugu adag tahay in tan la gaaro.

Sii Daalaco: 3 Talo Oo Aad Ku Noqon Kartid Qof Wax Soo Saar Badan Leh

Sidoo Kale: Soft Skills Kama Maarantid | Top 6

7 Comments

  1. Raxmo aadan cali

    Marar badan waxaan isku dayay in aan lacag kasameyo online ka lakiin waxaan umaleynayaa in aan aheyn gabar aan waligeed hormar gaarin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *