Lacag Samaynta Blogging-ka

  • August 30, 2023
  • Comment 8

Lacag Samaynta Blogging-ka

Lacag samaynta blogging-ka waa mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan uguna caansan ee internet-ka lacag looga sameeyo, iyagoo xitaa ay jiraan dhalinyaro badan oo soomaali ah oo lacag ka sameeya blogging-ka, taasoo qeexaysa muhiimadda iyo faa’iidada ay leedahay goobtan ku magacaaban “BLOGGING-KA”.

Maqaalkan, waxaan si guud uga hadli doonaa “Lacag Samaynta Blogging-ka“, iyadoo la raacayo tallaabooyin la taaban karo oo wax ku ool ah.

Lacag samaynta blogging-ka waa beer aad u baaxad weyn, waxayna leedahay waddooyin iyo waddooyin-hoosaadyo badan oo lacag looga samayn karo, isla mar ahaantaana la isku haleyn karo.

Mid ka mid ah khaladaadka ugu caansan ee ay galaan dadyawga bilawga ku ah blogging-ka ayaa ah in aysan qeexin wadda ama habka ay lacagta ku samaynayaan, ama inaysan bilawga hore diiradda saarayn hal hab oo kaliya, oo ay dhowr hab isku wadaan.

Taasi waa sababta aan u aragno blogging-no badan oo si buuxda u joojiyay soo daabacidda maqaaladda, sababtoo ah ma sameeyaan wax dakhli ah.

Waxaa jira habab badan oo lacag looga kasbado blogging-ka sida:

  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Xayaysiisyada.
  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Freelancing.
  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Goobaha Soo Daabacidda Maqaalada Ku Bixiya Lacagta.
  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Affiliate Marketing.
  • Lacag Samaynta Ku Salaysan Goobaha Lagu Iibiyo Badeecooyinka Dhijitaalka Ah.

Iyo habab kaloo badan, haddiise aad ku cusub tahay goobtan blogging-ka ah, oo aadan aqoon dhammaan fursadaha lacagta looga sameeyo, waxaan kugula talinayaa inaad dib u eegto dhowrkan maqaal soo socda, kaawsoo aad ka heli doonto dhammaan macluumaadka aad u baahnayd:

Dib u milicso maqaalada aynu kor kuugu xusnay, oo ka soo bogo fursadaha lacagta looga sameeyo blogging-ka, ka dibna ka fikir oo dooro hababka ku habboon danahaaga gaarka ah, iyo heerkaaga qoraaleed, iyo si guud ku habboon nolol-maalmeedkaaga shaqo.

Dadka qaarkiis ma jecla habka “Freelancing-ka“ah, halka ay jiraan kuwa kale oo aan doorbidin inay ku tiirsanaadaan “Xayaysiisyada” sababtoo ah habkani wuxuu badanaa qaattaa wakhti. (Midna ogsoonoow, wax walba oo wakhti iyo dadaal badan la galiyo, wuxuu ugu danbayntii soo celiyaa faa’iido badan ama khasaaro badan (hadba halka wakhtiga iyo dadaalka la galiyay)).

Taasi waa sababta aan marka hore u rabno inaad naftaada wakhti siiso, si aad si qoto dheer leh uga fikirto habka aad dooranayso, isla mar ahaantaana aad diiradda saarto habkaa, muddo ka dibna aad ku darto hab kale, sidaana aad tallaabo tallaabo hore ugu socoto.

Waxaana jira qodobo muhiim ah oo ay tahay inaad sidoo kale marka hore si qoto dheer leh uga fikirto, si aad mustaqbalka u damaanad qaaddo guushaada blogging-ka ah, waxaana ka mid ah dhowrkan qodob:

  • Inaad bilawga hore dooratid Niche (nuxur) gaar ah.
  • Inaad hubisid nuxurka aad dooratay inuu faa’iido leeyahay iyo in kale, iyo inay jiraan dadyaw daneeya nuxurkaa.
  • Inaad si qoto dheer leh u fahamto dadwaynahaaga (sida dhibaatooyinka ay ka cabanayaa, waxyaabaha ay xiiseeyaan, heerkooda aqooneed, caadooyinkooda, afkooda, iwm).
  • Inaad dib raacdo, lana socoto wax kasta oo ku cusub nuxurka aad dooratay.
  • Inaad si joogto ah u wanaajiso hab ama qaab qoraalkaaga.

Hagaag, haddaba hadii aad rabtid inaad bilawdo blogging-ka, waxaa lama huraan noqonaysa inaad yeelatid website, si aad ugu soo daabacdo maqaalada, hadii aanad garanaynna sida loo dhiso website, ha wel-welin, Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERBICES Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.

Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Hadaynu nahay GELLE BASHIR, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

8 Comments

  1. ustaad sideen uqurxiyaa qoraalka maqaalka aan qoro waan ku dhibanhy arinkaa in moddo ah. Haddii ay macquul tahay wxaan rabaa in aan
    kaga daydo qaabka aay ukala sarsaaran taho qoraalkaaga in aan u qoro oo aan kaaga daydo.

  2. Waxan samaystay blogg an ku macabay thebetteryouth.
    Inaan articles badan qoro wan karayaa si an lacag uga sameeyo laakiin wuxuu iiga baahanyahay payment modality ga galiyo nasib daro Ethiopia o jigjiga ah Ayan ku nolahay visa card international ahna ma hayso. Fadlan caqabadas mad iga caawin kartaa.
    Mahadsanid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *