Lacagaha Adduunka Ugu Caansan iyo Astaamahooda

Lacagaha Aduunka Ugu Caansan iyo Astaamahooda
  • October 25, 2022
  • Comment 1

Lacagaha Adduunka Ugu Caansan iyo Astaamahooda

Lacagaha Aduunka Ugu Caansan iyo Astaamahooda

Dunidu waxay maanta marqaati ka tahay horumar weyn oo dhinac walba ah, gaar ahaan dhanka lacagaha. Sida aynu lasocono wadan kasta ama dal kasta oo aduunka ka mid ah waxa uu leeyahay lacag u gaar ah. Maqaalkan ama qormadan, waxa aynu ka hadli doonaa -eebe idimkii- Astaamaha iyo soo gaabinta lacagaha aduunka ugu caansan.

Kahor intaynaan guda galin maqaalkeenan, aan yar dul istaagno waxa loola jeedo astaahama lacagaha iyo soo gaabintooda.

Atsaamha Lacagaha: waa calaamad lagu aqoonsado lacagta, sida ($, €, £, ¥,…).

Soo Gaabinta Lacagaha: waa saddex xaraf oo laga soo gaabiyey lacagta, sida (USD, EUR, GBP, YEN,…).

Sidoo kale waxaa mudan in la xuso halkan, suuqa sarifka lacagaha qalaad ee (Forex market) Waa mid ka mid ah suuqyada lacagaha adduunka ugu caansan uguna muhiimsan, waana mid ka mid ah suuqyada dareeraha ah; Xaddiga ganacsi ee ka jira waxa lagu qiyaasaa in ka badan trillion dollar maalintii, waxaana ganacsigan ka qayb qaata malaayiin xisbi.

Waa maxay lacagaha adduunka ugu caansan iyo Astaamahooda?

Waxaynu xusi doonaa -eebe idamkii- sida ay u kala horeeyaan 10-ka lacagood ee aduunka ugu caansan, inagoo xusi doono magaca lacagta, soo gaabinteeda, astaanteeda ama calaamadeeda, iyo macluumaadyada ugu muhiimsan ee ku saabsiisan lacagta:

1. United States Dollar ($) (USD)

Doolarka Maraykanka ayaa ah lacagta rasmiga ah ee dalka Maraykanka. Doolarka Maraykanka waa mid ka mid ah lacagaha aduunka ugu caansan uguna muhiimsan, iyadoo ay tahay lacagta ugu badan ee aduunka laga isticmaalo, taas oo macnaheedu tahay in dhamaan dawladaha aduunka ay haystaan lacagta dollarka ah. Doolarka Maraykanku waa “lacagta kaydka ah” ee ugu wayn aduunka oo ay haystaan ​​bangiyada dhexe iyo kuwa ganacsiguba, waana lacagta 1aad ee si weyn looga ganacsado caalamka oo dhan iyadoo celcelis ahaan maalintii ganacsigeedu yahay $2.9 trillion. waxaana soo saara baanka (Fed).

2. Euro (€) (EUR)

Lacagta Euro-da waxa ay ku jirtaa kaalinta labaad marka laga yimaado dollarka, Lacagta Euro-da waa lacagta rasmiga ah ee Midowga Yurub (EU), waana lacagta labaad ee ugu kaydka badan adduunka, Waxaa kale oo loo yaqaan Euro ama Aero, waana lacagta labaad ee ugu wax iibsiga badan adduunka iyadoo celcelis ahaan mugga ganacsiga maalinlaha ah uu ku dhow yahay $1.1 trillion, waxaana soo saara bangiga dhexe ee Yurub (ECB).

3. Japanese Yen (¥) (YEN)

Yen waa lacagta rasmiga ah ee dalka Japan, waana mid ka mid ah lacagaha ugu badan ee wax looga kala iibsado qaaradda Asia, sidoo kale adduunka waxay kaga jirtaa kaalinta saddexaad, waana lacagta saddexaad ee ugu kaydka badan adduunka. Maadaama qiimaha Yen-ku uu ku tiirsan yahay inta badan dhaqaalaha Japan, gaar ahaan qaybta warshadaha sida: baabuurta, qalabka elektaroonigga ah, mishiinnada korontada, iyo sidoo kale maraakiibta, iyo kuwa kale. waana lacagta seddexaad ee ugu wax iibsiga badan adduunka iyadoo celcelis ahaan mugga ganacsiga maalinlaha ah uu yahay $554 bilyan.  waxaana soo saara Baanka Japan (BoJ).

4. Pound Sterling (£) (GBP)

Lacagta Pound-ka Ingiriiska waa lacagta rasmiga ah ee Boqortooyada Ingiriiska, waxaanay ku jirtaa kaalinta afraad, waana lacagta afaraad ee ugu ganacsiga badan adduunka oo dhan iyadoo celcelis ahaan mugga maalinlaha ah uu ku dhawyahay ​​​​$422 bilyan.

5. Australian Dollar (AU$) (AUD)

Waa lacagta rasmiga ah ee dalka Australia, waa lacagta shanaad ee ugu ganacsiga badan adduunka, iyo lacagta shanaad ee kaydka ugu badan adduunka. waana lacagta shanaad ee ugu wax iibsiga badan adduunka iyadoo celcelis ahaan mugga ganacsi ee maalinlaha ah uu yahay $223 bilyan. Waxaana soo saara baanka Australia ee (RBA).

6. Canadian Dollar (C$) (CAD)

Waa lacagta rasmiga ah ee dalka Kanada, waa lacagta lixaad ee ugu ganacsiga badan adduunka; Kanada waxay qani ku tahay kheyraadka dabiiciga ah; waana lacagta lixaad ee ugu wax iibsiga badan adduunka iyadoo celcelis ahaan mugga ganacsiga maalinlaha ahi uu yahay $166 bilyan. waxaana soo saara Bangiga Kanada ee (BoC).

7. Swiss franc (SFr) (CHF)

Waa lacagta rasmiga ah ee dalka Swizerland, waxaana laga isticmaalaa qaar ka mid ah gobollada dalka Talyaaniga, waana lacagta toddobaad ee ugu ganacsiga badan adduunka, waana lacag xassiloon. waana lacagta toddobaad ee ugu wax iibsiga badan adduunka iyadoo celcelis ahaan mugga ganacsiga maalinlaha ahi uu yahay $164 bilyan, waxaana soo saara Bangiga Qaranka ee (SNB).

8. Chinese Yuan Renminbi (CNH) (CNY)

Renminbi-ga Shiinaha, oo mararka qaarkood loogu yeero “Yuan”, waa lacagta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, waana lacagta sideedaad ee ugu ganacsiga badan adduunka. In kasta oo ay tahay lacag soo koraysa, haddana waxa ay ku jirtaa kaalinta sideedaad ee ugu wax iibsiga badan adduunka iyadoo celcelis ahaan mugga ganacsiga maalinlaha ahi uu yahay $142 bilyan. waxaana soo saara Baanka Dadweynaha ee Shiinaha (PBoC).

9. Swedish Krona (Kr) (SEK)

Waa lacagta rasmiga ah ee dalka Iswidhan, waana lacagta sagaalaad ee ugu ganacsiga badan adduunka, si ka duwan lacagihii kale ee hore looma tixgaliyo lacag kayd ah.

10. New Zealand Dollar (NZ$) (NZD)

Waa lacagta rasmiga ah ee dalka New Zealand, waxayna ku jirtaa kaalinta tobnaad, Sidoo Kale Doolarka New Zealand maaha ama looma tixgaliyo lacag kayd ah, waxaana qiimihii dollarka New Zealand inta badan saameeya xidhiidhka ganacsi ee New Zealand, iyo qiimaha wax soo dejinta iyo dhoofinta dalka.

Sii Daalaco: 5 Siyaabood Oo YouTube Lacag Looga Sameeyo

Sidoo Kale: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *