Waa Ayo Macaamiishaadu? Sideese Ula Dhaqantaa?

Waa Ayo Macaamiishaadu? Sideese Ula Dhaqantaa?
  • October 9, 2022
  • Comment 0

Waa Ayo Macaamiishaadu? Sideese Ula Dhaqantaa?

Waa Ayo Macaamiishaadu? Sideese Ula Dhaqantaa?

Waxa lagu ogaaday ra’yi ururin ay samaysay Gartner oo ah shirkad cilmi-baadhis ku samaysa suuqa, in 89% tartanka suuqa soo socda uu noqon doono dhinaca khibradda macaamiisha, taas oo la macno ah in shirkaduhu ay ka shaqayn doonaan sidii ay faa’iido u heli lahaayeen, isla markaana ay u kordhin lahaayeen iibka, iyadoo laga faa’iidaysanayyo ​​khibradda macaamiisha.

– Macmiilka kaliya ma ahan kan wax kaa iibsada, bal se waa qofka xiiseeya macluumaadka iyo xogaha ku saabsiisan badeecaddas ama si guud, ku saabsiisan shirkadaada ama ganacsigaaga.

Khibrada adeegga macaamiishu waa mid ka mid ah waayo-aragnimada gaarka ah, maadaama ay kuu horseedayso inaad la macaamilto qaybaha kala duwan ee macaamiisha, laga bilaabo macmiilka suurtagalka ah ee wax ka akhriya badeecadaada ama ka maqlay, iyo macmiilka difaacayya alaabtaada sida inuu isagu leeyahay alaabta.

Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan noqotay in la ogaado nooc kasta oo macmiil ah; Si loo horumariyo istiraatiijiyadda ku habboon ee lagula tacaali karo macmiil kasta.

Maqaalkan, waxaan ka wada hadli doonaa sifooyinka ama astaamaha noocyada macaamiisha ugu muhiimsan, iyo sida ugu wanaagsan ee aad ula macaamili karto mid kasta oo iyaga ka mid ah, si loo helo qanacsanaanta ugu badan.

1. Macmiilka Iman Kara

Waa qofka bartay alaabtaada ama adeegaaga markii ugu horeysay, waxaana laga yaabaa inuu ka arkay xayaysiisyada, talo bixin ka timid asxaabtiisa/teeda, ama baraha bulshada. Laakiin dhab ahaantii qofka noocaan ah looma tixgelin karo macmiil, maadaama uu san jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya isaga iyo alaabta ama adeegga.

Haddaba, macmiilkani waxa uu u baahan yahay fiiro gaar ah, si uu xiisihiisa alaabtaada uu u noqdo mid ku qanacsan oo la dhacsan oo uu u noqdo macmiil dhab ah. waxaadna u baahan tahay inaad qaado tilaabooykan soo socda:

      1. Isticmaal suuq-geyntan, oo muuji faa’iidooyinka uga iman doona ka dib iibsashada alaabtaada, sida inaad sharaxdo qiimaha ay alaabtu bixiso marka la barbardhigo alaabooyinka kale ee tartamayaasha, iyo soo bandhigidda dhibaatada ay alaabtaadu xallin doonto qaab ka duwan tartamayaashaada.
      2. Macmiilka noocan ahi xamaasad ama dhiirani uma qabo Alaabtaada ama adeegaaga, Sidaa darteed, waxaa muhiim ah inaad u bilowdo wadahadal ku saabsiisan badeecada iyo heerarka tayada ee lagu dejiyay, maadaama wadahadalkani uu samayn doono saaxiibnimo iyo ka fikirka badeecada, iyo nooc xiriir wax ku ool ah oo lala yeesho macmiilkan؛ Taas oo runtii gacan ka geysata in uu noqdo macmiil dhab ah.

2. Macmiilka Cusub

Run ahaantii, waxa kaliya ee aad qabatay tallaabadii hore, waa inaad macamiilka iman kara aad u badashay macmiil cusub, kadib markii aad ku qancisay Alaabtaada ama adeegaaga, laakiin markan si ka duwan sidii hore ayaa loola dhaqmayaa:

      1. U xaqiiji macmiilka cusub inuu ku saxnaa go’aankiisa ahaa iibsashada alaabtaada ama adeegaaga.
      2. U soo bandhig adeegyadaada bilaashka ah hadii aad leedahay ama adeegyada wax tarka leh ialamarkaana qiima ahaan jaban (marka loo eego tartamayaashaada), oo ku beer dammaanad adigoo ku boorinaya inuu la xiriiro waaxda adeegga hadii uu qabo wax su’aal ah ama hadii ay jirto dhibaato u baahan in la xalliyo.
      3. Weydii habka uu jecel yahay ee isgaarsiineed, iskuna day inaad la xiriirto isaga (qaab xilliyo ah), oo kala hadal wax soo saarka cusub iyo qiimo dhimisyada aad samayso; Si aad ugu booriso inuu mar labaad wax iibsado.

3. Macmiilka Joogtada Ah

Waa macmiilka dhabta ah ee qaadan kara eraygan MACMIIL, wuxuuna sii wattaa iibsiga alaabtaada iyo adeegaaga, isagoo qiimaynaya qiimaha ugu macquulsan ee uu ku heli karo alaabtaada ama adeegaaga, xitaa haduusan awoodin, Sidaa darteed, macmiilka noocaan ahi waa in lagu ilaaliyaa istiraatiijiyad gaar ah oo leh tillaabooyinka soo socda:

      1. La xidhiidh isaga qaab xilliyo ah adigoo isticmaalaya qaabka uu jecel yahay in loola xidhiidho.
      2. Had iyo jeer ugu yeedh magaciisa si cad, sababtoo ah way qurux badan tahay in macgaciisa loogu yeedho, halkii loogu yeedhi lahaa “macmiil” ama wax kale, oo uu u daraami lahaa in uu yahay shihsheeye fog, maadaama macmiilkani uu mar walba dareemayo muhiimadda uu ka helayo la macaamilka shirkaddaada iyo helitaanka alaabteeda ama adeegeeda.
      3. Weydii waxa uu jecel yahay ee ku saabsiisan shirkaddaada, oo hubi inaad ilaaliso sifooyinkaas mar kasta oo uu soo iibsanayyo alaabtaada.

4. Macmiilka Daacadda Ah

Macmiilka noocaan ahi waxa uu jecel yahay alaabtaada ama adeegaada, isaga oo aan eegayn waxa ay tartamayaashu suuqa ku soo bandhigaan (xitaa hadii ay ka fiican yihiin ama qiima ahaan ay ka jaban yihiin), maadaama xidhiidhka ka dhexeeya macmiilkan iyo alaabtaadu ama adeegaadu uu noqday xidhiidh saaxiibtinimo ah iyo mid shucuureed.

Macmiilka noocan ahi, waxaabad moodaa inuu yahay suuqgeeyaha alaabta ama adeega, waxaadna arkaysaa isagoo mar walba ka hadlayya ama hadal hayya sida isaga oo asxaabta iyo qoyska kala hadlyya wax kaste oo ku saabsiisan alaabtan ama adeegan haday tahay: sifooyinkeeda, iyo faa’iidooyinka uu qofku ka helayyo, iyo dhibaatada ay xallinayso, IWM. Sidaa darteed helitaanka macmiilka noocani ahi way adag tahay, ha sa yeeshee la macaalika macamiilkan waxay u baahan yihiin dhawr tillaabo oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:

      1. U muuji qaddarinta VIP ahaan, oo ku dar liis gaar ah oo aad dadka kala hadasho inta uu qadariyo oo uu jecel yahay alaabta.
      2. La tasho haday macquul, xitaa hadii aanad qaadanayn talada uu soo jeediyo.
      3. Had iyo jeer la xidhiidh isaga, oo kala hadal waxyaabaha ku saabsiisan dhammaan alaabta cusub.
      4. Ilaali oo tixgali ra’yigiisa, sidoo kale ilaali dareemihiisa shucuureed.
      5. Had iyo jeer ku dar liiska kuwa hela adeegyo bilaash ah iyo qiimo dhimisyo.
      6. Ilaali heerka xamaasadda uu u leeyahay alaabta, aadna uga taxaddar in jacaylkani aanu isu beddelin xumaan ama cadaawad xad dhaaf ah.

Ugu danbayntii, waxaaynu ogaanay siyaabaha kala duwan ee loola macaamilo nooc kasta oo macmiil ah, qaybta faalada noogu sheeg, nooca macmiilka aad raadinaysay, inaad ka ogaato habka ugu habboon ee lagula tacaali karo. Ma haysaa talo kale oo aad ku darto maqaalka?

Sii Daalaco: Sidee Interneedka Loogu Iibiyaa Adeegyadaada?

Sidoo Kale: Freelancing-Ahaan Sideen Ku Heli Karaa Macmiilkayga Ugu Horreeya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *