Maxay Yihiin Qodobada Guusha Leh Ee Hadii La Raaco Uu Guulaysan Karo Ganacsigan E-Commerce Ah?

Maxay Yihiin Qodobada Guusha Leh Ee Hadii La Raaco Uu Guulaysan Karo Ganacsigan E-Commerce Ah?

Wakhtiga iyo waayuhuba waa ay is bedeleen, waxaana aad u soo kordhay tirada dadka raba inay dhaqaala ahaan madax-bannaanaadaan, internetkuna waxa uu kaalin weyn ka qaatay fududaynta ka midho-dhalinta yoolkan, maadaama ganacsiga e-commerce-ga ahi uu yahay mid ka mid ah mashaariicda sumcadda iyo soo dhaweynta weyn helay.

Si kastaba ha ahaatee, way adkaan kartaa in aad ogaato sida loo bilaabo ganacsi e-commerce ah oo dhab ah oo guuleysta, kaas oo kuu keenaya faa’iidada aad rabto.

Hordhac Yar Oo Ku Saabsan “Ganacsiga E-Commerce-Ga Ah”

Waxaase xusid mudan in fikradda ganacsiga e-commerce-ga ahi ay tahay mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee internetka lacag looga sameeyo, fikradda ayaa ku salaysan iibinta badeecad/adeeg adigoo adeegsanaya internet-ka.

Badeecadduna waxay noqon kartaa mid la taaban karo (sida qalin, buug, dhar, iwm) iyo mid aan taaban karin (sida buugaagta digital-ka ah, kooroosyinka online-ka ah, iwm), waxaana suurtogal ah in la iibiyo adeegyo bedelkii la iibin lahaa badeecad.

Sidoo kale arinka ugu weyn uguna faa’iidada badan ee uu leeyahay ganacsigani waxaa ka mid ah, inaad iibin karto badeecad aanad adigu marka hore lahayn, intaa kaliya ma ahee, xittaa aanad ku khasbanayn inaad marka hore alaabta soo gadato.

Maxay Yihiin Qodobada Guusha Leh Ee Hadii La Raaco Uu Guulaysan Karo Ganacsigan E-Commerce Ah?

Marka su’aashan lagu weydiiyo, arrimahan soo socda ayay u badan tahay inay maskaxdaada ku soo dhacaan:

  • Naqshadaynta iyo dhisidda website cajiib ah.
  • Adeegga macmiisha oo ah mid heer-sare ah.
  • Sawirda badeecadaha oo tayo ahaan qurux badan.
  • Dalbashada iyo soo waarididda badeecad.

Dabcan waxa aad ku fekereyso shaki la’aan waa run, waa inaad bixisaa adeeg heer-sare ah si aad u guulaysato, sidoo kale waa inaad yeelataa website soo jiidasho leh oo la isku halayn karo, si aad macaamiisheeda u dareensiiso kalsooni iyo aaminaad una dhammaystiraan wax iibsigooda.

Hasa yeeshee, waa inaad tixgelisaa waxa si dhab ahaan u dammaanad qaadaya guusha ganacsigan e-commerce ah, waana isdhexgalka dhammaan arrimahan oo dhan.

isdhexgalka waxyaabahan ayaa ah waxa mashruucaaga 10 tallaabo u dhaqaajin doona xagga hore, halkii aad 1 tallaabo kaliya u dhaqaaqi lahayd.

Tanina waa waxa ganacsato badan oo cusub ay iska idha-tiraan kuwaasoo ugu danbayn ku guuldareystaan ​​ganacsigooda, waxaana aragnaa iyagoo iska illooba dhinacyo badan oo muhiim ah, isla mar ahaantaana kaliya diiradda saara dhisidda website bilic ahaan qurux badan, dhowr bilood ka dibna iska xidha ganacsigooda e-commerce-ga ah.

Sii Daalaco: Ganacsiga E-Commerce Ahi Ma Yahay Ganacsi Faa’iido Leh?

IIBKU” waa shidaalka ugu muhiimsan ganacsi kastaa, sidaa darteed kor u qaadista iibkaagu waa inay noqotaa wadnaha iyo udub-dhexaadka qorshahaagan ah “GANACSIGA E-COMMERCE-GA AH“.

Iibku waa tallaabada ugu horreysa ee guusha ganacsi kasta… Haddiise aadan wax iibin karin, hadaan wax kuu sheegayaa ka hor intaadan bilaabin ganacsigan “WAAD KU GUULDARAYSAN“.

Halkan Waxaa Ah Qodobo Qaar, Kuwaasoo Hadaad Raacdo Uu Guulaysan Karo Ganacsigaagan E-Commce-Ga Ah:

  • Lahaanshaha qorshe suuqgeyneed oo cad
  • Dhisida calaamad (brand) guul leh
  • Kor u qaad tayada alaabta
  • Bixinta habab lacag bixineed (payment gateway) oo badan
  • Dhisidda website bilic ahaan qurux badan
  • Fududaynta adeega gaarsiinta (delivery)
  • Bixinta adeegga heer-sare ah
  • Cadaynta siyaasadda lacag soo celinta iyo wax kala bedelashada (Return & Refund Policy)

Isku soo wada duub, hadii aad si dhab ah u rabtid barashada ganacsiga iyo ka shaqaynteedaba waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, tasood ku baran doontid ganacsigan bilaw ilaa dhamaad.

Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442, Ama Telegram Link: https://t.me/gellebashi, Ama aad gujjiso badhankan hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *