Meta Waxay Bilawday Iibinta Adeegeeda Cusub “Meta Verified”

Meta Waxay Bilawday Iibinta Adeegeeda Cusub “Meta Verified”
  • February 22, 2023
  • Comment 0

Meta Waxay Bilawday Iibinta Adeegeeda Cusub “Meta Verified”

Meta Waxay Bilawday Iibinta Adeegeeda Cusub “Meta Verified”

Meta waxa ay bilaawday in isticmaalayaasheeda Facebook iyo Instagram ee ku kala nool Australia iyo New Zealand, ay ka iibiso adeegeeda cusub ee la magac baxay Meta Verified, kaasoo ah xaqiijinta akoonada ama sugnaanshaha akoonka saxda ah.

Shirkaddu waxay ku sheegtay war-saxaafadeed ay ku daabacday boggeeda, in dadka adeegyadeeda ka isticmaala mareegaha (website) dhexdeeda ay ku heli karaan adeegan qiimo gaadhaya $11.99 bishiiba, halka dadka adeegyadeeda ka isticmaala Android iyo iOS ay ku heli doonaan adeegan lacag dhan $14.99.

Macaamiisha iska diiwaan galisa adeegan Meta Verified waxay heli doonaa tilmaamo dhowr ah oo ay ku jiraan xaqiijinta akoonka ama sugnaanshaha akoonka saxda ah, ilaalin dheeraad ah, mudnaanta helitaanka adeegga taageerada caawimaadka, ka soo hor muuqashada xisaabaadka la xaqiijiyay, iyo ugu dambeyntii oo ay tidhi shirkadu “waxay heli doonaan astaamo gaar ah oo oggolaanaya isticmaaluhu inuu naftiisa ugu muujiyo hab gaar ah”.

Shirkaddu waxa hadalkeeda ku xoojisay in aanay waxba iska beddeli doonin xisaabaadyadii hore ee la xaqiijiyay, inta lagu guda jiro muddada tijaabada ah ee adeeggan, waxaanay intaa ku dartay in ay qorshaynayso inay bixiso dalabyo kale oo is-diiwaangelin ah oo cid kasta faa’iido u leh, sida kuwa wax soo saara, shirkadaha iyo guud ahaan isticmaaleyaasha.

Sii Daalaco: Facebook Ads

Waxayna mareegteeda (Meta) ku caddaysay shuruudaha xaqiijinta akoonada (Meta Verified) kaaswaa soo kala ah, in akoonku uu noqdo mid firfircoon, in qofka akoonka leh aanuu da’diisa ka yareen 18 sano, isagoo qofku soo gudbinaya dukumeenti caddaynaya shakhsiyaddaa uu sheeganayo.

Tillaabada ay qaaday Facebook waxay la mid tahay tillaabadii uu Twitter-ku sameeyay sannadkii hore, ka dib markii ay soo saartay adeega xaqiijinta akoonka ee Twitter Blue.  Wuxuuna bixiyaa adeegan ah Twitter Blue tilmaamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, in qofka laga yareeyo xayaysiisyada faraha badan ee uu arkayo, in uu awood u yeesho inuu soo daabaco qoraal gaadhaya ilaa 4000 oo xaraf, iyo qaar kale.

Elon Musk, oo ah maamulaha Twitter-ka, ayaa hore ugu ku dhawaaqay in shirkaddu ay kala noqonayso akoonadii hore ee la xaqiijiyay, hadii aysan iska diiwaan galinin adeegan Twitter Blue, taas oo Facebook aysan ku sheegin warkeeda, laakiin waxay si maldahan u muujisay suurtagalnimadaas, isagoo maamulaha shirkadda leh “akoonadii hore ee la xaqiijiyay waxay ahaan doonaa kuwo aan isbeddelin inta lagu jiro muddada Tijaabada”.

Sii Daalaco: Sidee Lacag Looga Sameeyaa Facebook?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *