Mid Ka Mid Ah Ganacsiyada Elektarooniga Ah Ee Guulaystay “Amazon”

Mid Ka Mid Ah Ganacsiyada Elektarooniga Ah Ee Guulaystay “Amazon”

Ganacsigan ee aynu xusi doono –eebe idamkii- waa ganacsi online ah ama elektaroonig ah ama e-commerce-ah (waa isla halkiiyee) kaasoo in muddo ah suuqa ku jiray, isagoo ku guulaystay ganacsigan, ka miradhaliyay hadafkiisii.

Si kastaba ha noqotee, ganacsiga aynu ka hadlaynaa waa “Amazon” waxayna ka war bixinaynaa taariikhdiisoo yar kooban, se adigu ka akhriste ahaan waxaa habboon inaad si buuxda u daalacado mid walbaa taariikhdeedoo buuxa, waase hadii aad danayso ganacsiga e-commerce-ga ah.

Amazon, waxay tusaale cad u tahay ganacsigan lagu magacaabo “GANACSIGA E-COMMERCE-GA” intaa uun ma ahee waxaa lagu tiriyaa inay icon ama sumad cad u tahay ganacsigan.

Amazon waa mid ka mid ah goobaha ganacsiga elektaroonigga ah ee ugu horreeyay uguna caansan ee ka soo muuqday maraykanka iyo adduunka guud ahaan.

Shirkaddu waxay ku guuleysatay oo ay ka miro-dhaliysay ganacsigan e-commerce-ga ah, iyadoo dadka qaar wax soosaarkooda u oggolaatay inay ku dhex iibiyaan website-kooda, sidoo kalena laf-ahaanteedana ay bixiso tiro badan oo badeecooyin ah, kuwaasoo kala duwan oo kala nuxur ah.

Shirkadan oo ah shirkadda ugu weyn wakhti xaadirkan marka laga hadlayo ganacsiga elektarooniga ahi, markeedii hore ma aysan ahayn shirkad ganacsi elektaroonig ah.

Jeff Bezos, marka uu bilaabay amazon, sanadii kun 1994, ma uusan iibin jirin wax aan buugaag ka ahayn, waxaana amazon loo arki jiray maktabad online ah oo kaliya, wuxuuna 4 sano oo buuxda iibinayay buugaag oo kaliya, intaa ka dibna wuxuu bilaabay inuu iibiyo alaabo kale sida CD-da, elektarooniga, game-ka, ilaa ay amazon maanta noqoto goob laga helayo wax walba ugu badnaan.

Sheekadan waa tusaale yar oo aynu ka fahmayno in aanuu ganacsigu u baahnayn in hal mar oo qura lawada bilaabo wax walba, ama in hal mar oo qura la bixiyo dhowr adeeg ama la soo saaro dhowr badeecad.

Ee waa in marka hore ganacsiga lagu bilaabaa hal goob ama hal majaal, dabeeto la koriyaa maalinba maalinta ka danbaysa, mana haboona in la dedejisto natiijada, kaliya waa in la samro, lana tijaabiyo, isla mar ahaantaana la koriyo ganacsiga maalinba maalinta ka danbaysa.

Isku soo wada duub, hadii aad si dhab ah u rabtid barashada ganacsiga iyo ka shaqaynteedaba waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, tasood ku baran doontid ganacsigan bilaw ilaa dhamaad.

Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442, Ama Telegram Link: https://t.me/gellebashi, Ama aad gujjiso badhankan hoose.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *