Miyay adag tahay inaad ka shaqaysato ganacsiga e-commerce-ga ah?

Miyay adag tahay inaad ka shaqaysato ganacsiga e-commerce-ga ah?

Miyay adag tahay inaad ka shaqaysato ganacsiga e-commerce-ga ah?. Ugu horrayn, goobtan ganacsiga e-commerce-ga ahi waxay leedahay magacyo badan, sida “ganacsiga elektaroonigga ah, e-ganacsi”, waana ganacsiyadii maxalliga ahaa oo loo bedelay mid elektaroonigga ah, iyadoo hawlgaladoo dhami ka dhacayaan internet-ka dhedeeda, laga bilaabo wax iibsiga, gadashada, iyo wax iibintaba.

Ganacsiga E-commerce-ga Ahi waa dhaqdhaqaaq kasta oo ganacsi oo ka dhaca intarneedka dhexdeeda, haday noqon lahayd wax iibsiga iyo iibinta badeecadaha/adeegyada, iyadoo u ogolaataa dadka, ganacsatada, iyo hay’adaha inay ganacsigooda ka shaqeeyaan iyaga oo aan wax xaddidaad ah la kulmin, haday noqon lahayd mid juqraafiyeed ama mid wakhtiyeedba.

Sidaa darteed, waxaa jira arday iyo dadyaw badan oo raba inay bartaan oo ay ka shaqaystaan ganacsiga e-commerce ahi, hase yeeshee waxay aamin san yihiin inay adag tahay barashadeeda iyo ka shaqaynteeda, halka qaar kalena ay aamin san yihiin inay u baahan tahay raasamaal badan.

Isku soo wada duub “Miyay adag tahay inaad ka shaqaysato ganacsiga e-commerce-ga ah?”, jawaabta oo kooban waa “MAYA“, maxaa yeelay ganacsiga e-commerce-ga ahi waxay ka mid tahay ganacsiyadaha ugu dhakhsaha iyo miro-dhalka badan, oo ay u dheertahay fudaydnimo, waxaana xittaa baran kara oo ka shaqaysan dadka aanan haysan lacag badan oo raasamaal ah.

Markii dhan kale laga eego, dabcan wuu leeyahay dhibaato, si la mid ah ganacsi ama shay walbaa uu u leeyahay faa’iido iyo khasaareba, laakiinse heerka dhibkiisu waa ay ku kala duwan yihiin qofba qofka kale, iyadoo loo eegayo habka iyo waddada (way-ga) uu u marayo.

Halkanna waxaan kugu tusayaa qaar ka mid ah faa’iidooyinka uu leeyahay ganacsiga e-commerce-ga ahi, iyo noocyadiisaba, si ay kuugu fududaato fahamkeeda, iskuna diyaariso barashadeeda iyo ka shaqaynteedaba sidoo kalena ka ma madhno khasaaraheeda:

Faa’iidooyinka uu leeyahay ganacsiga e-commerce-ga ahi

  • Inaad kharash yari ku bilaabi karto
  • Inuusan kaaga baahanin kiraynta goob ama aag gaar ah (maxaa yeelay ganacsiga e-commerce-gu gabi ahaanba wuxuu ku salaysan yahay internet-ka)
  • Inuu wakhti kastaa furan yahay 24-ka Saac, 7-da Maalmood ee Todobaadka, iyo 12-ka bilood ee sanadka, (si ka duwan ganacsiga maxalliga ah oo badankoodu xilli gaar ah la furo, isla xilli gaar ahna la xidho (sida in la furo 6-da ama 7-da subaxnimo oona la xidho 10-ka ama 11-ka habeenimo)
  • Inaad hesho dakhli joogto ah, maadaama uu ganacsigu furan yahay xilli walbaa
  • In ay suurtagasho in la helo macaamiil badan isla hal wakhti (waxaana dhacdo ah in ay 1000 qof ama ka badanba ay mar qura wax kaa iibsadaan, taasoo lid ku ah ganacsiga maxalliga ah oo aad u baahnaan lahayd inaad shaqaalaysiiso dadyaw badan, si ay ugu adeegaan 1000-kaas qof)
  • Inaad si fudud ganacsigaaga ugu soo dari karto badeecooyin aan tiro iyo xadba lahayn (si ka duwan ganacsiga maxalliga ah oo aad u baahanayso goobo aad ke xarayso badeecooyinkaas)

Soo daalaco hadii aad danaynayso faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan faa’iidooyinka uu leeyahay ganacsiga ee e-commerce-ga ahi.

Khasaaraha uu leeyahay ganacsiga e-commerce-ga ahi

  • Isagoo xumaada ama cilladooba Website-ka aad wax ku iibinayso ama uu ku dhisan yahay ganacsigu (taasoo joojinaysa dakhligaaga)
  • Macmiilka oo aan tijaabin karin badeecadda aad iibinayso, maxaa yeelay waxa kaliya uu macmiilku arkaa waa muuqaalka badeecadda (si ka duwan ganacsiga maxalliga ah oo uu awoodo macmiilku inuu taabto badeecadda, misna u fiir-fiirsan karo), laakiin khubarada qaar ee ku takhasusay arimahan ayaa sheegay inaysan sii jiri dooto muddo dheer, iyada oo la adeegsan doono tignoolajiyada dhabta ah ee VR iyo AR.
  • Inaanad heli karin wakhti buuxa oo aad kaga jawaabi karto macmiil kasta su’aashiisa, gaar ahaan haday ay macaamiishaadu badan yihiin
  • Inay gaarsiinta (delivery) mararka qaar qadato todobaadyo iyo biloba, taasoo dhibaysa macmiilka

Soo Daalaco hadii aad danaynayso faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan faa’iidooyinka iyo khasaaraha uu leeyahay ganacsiga e-commerce-ga ah.

Noocyada Ganacsiga E-Commerce-ga Ah

  • Ganacsiga B2B (Business to Business – Ganacsi ilaa Ganacsi)
  • Ganacsiga B2C (Business to customer – Ganacsi ilaa Macmiil)
  • Ganacsi C2B (Customer to Business – Macmil ilaa Ganacsiga)
  • Ganacsiga C2C (Customer to Customer – Macmiil ilaa Macmiil)
  • Ganacsiga B2G (Business to Government – Ganacsi ilaa Dawlad)
  • Ganacsiga G2B (Government to Business – Dawlad ilaa Ganacsi)

Hadii aad doonayso faahfaahin intaa dheeri ah oo ku saabsan “Noocyada Ganacsiga E-Commerce-ga Ah” soo daalaco maqaalkan.

Anagoo ka duulayna muhiimaddan weyn ee ay leedahay ganacsiga e-commerce-ga ahi, waxaan ogaanay in barashada ganacsiga e-commerce ahi iyo ka shaqynteedaba ay xiiseeyaan oo ay daneeyaan arday iyo dadyaw badan oo doonaya inay gaadhaan madax-bannaani dhaqaale, isla mar ahaantaana la jaan-qaaqaan ganacsiyada kale ee dhiggooda ah.

Aduunka Ganacsiga Elektaroonigga Ahi waa adduun weyn oo ballaadhan, se hadii aanad garanayn meel aad ka bilawdo, waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran oo kaa haqabtiraysa dhamaan wixii aad uga baahan lahayd galitaanka Ganacsiga Elektaroonigga Ahi, laga bilaabo helidda fikrad, dhisidda qorshe dhamaystiran, helidda badeecadaha ugu iibka fiican, samaynta website, suuqgeynteeda (Digital Marketing),  iyo xittaa curinta nuxurka (Content Creation).

Koorsadani kunawaad waxay ka kooban tahay 50 video, oo iskugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta Ganacsigaaga Elektaroonigga Ah, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir. Ama aad gujjiso badhankan hoose.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *