Multimedia

Multimedia

Sida magaca kore aad ka aragtaan waxaan halkaan ku faaqidi doonaa Multimedia oo ah Xirfad
aad loogu baahi baxay waayihii ey jirtay waana mida ugu shaqada badan marka la joogo Dunida
casriga ah gaar ahaan Warbaahintii hore iyo tan Casriga ah waxaa badanaa aad u isticmaali
jiray Xirfadaan Warbaahinta Mass mediaha loo yaqaan sida Idaacadaha Telefeshinada iyo
Wargeysyada waayahaan dambe Warbaahinta casriga ahbaa si xad dhaaf ah u isticmaasha sida
Youtuberska dadka Facebookga saameenta ku leh iyo Bloggerska xitaa.

Qeybaha Multimedia

Multimedia inta qeyb ee ka kooban tahay uguna caansan wa dhowr inkastoo wax walba
mediaha casriga ah loo isticmaalo magacaa soo hoos galayo hada sedex nuuc baa ugu balaaran
xirfadaan waana sedexda loogu isticmaalka badan yahay magacaana lagu xasuusto waxaana
eey kala yihiin sida tan.

Graphic Design

Waa qeybta ugu weyn ee isticmaalaan dadka wax daabaca sida Madbacadaha bookshopska iyo
wargeysyada intaa kaliya maaha ee xitaa warbaahinta casriga ah aadbeey u isticmaalaan
ayagoo ku sameynaya Banners ama Posts qurxoon si bulshada ku xiran usoo jiitaan qeybaha
Graphic Design ugu waaweyn waxaa eey kala yihiin .
Adope Photoshop
Adope Illustrator
Adope indesgin

Waa kuwa ugu tunka weyn marka naqshadeynta barnaamijyo yaryar oo kale waa jiraan laakiin
Productska shirkada Adope baa dunida naqshadeenta ugu caansan.

Video Editing

waa nuuc kale oo muhiim u ah Dunida casriga ah diyaarinta ama tifaftirka muuqaalada waa
xirfad weyn oo maanta Shirkadaha Aflaanta soo saara aad u isticmaalaan sidoo kale cid walba o
Film makers shaqadooda bud dhig u ah Softwareska ugu caansan ee Vedio editingka waa,
Adope Premier pro
Final cut pro

labadaan baa ugu caansan marka qaabka Professionalka ah laga hadlayo ama nuuca ugu
wanaagsan ee diyaarinta muuqaalada waxaase jira kuwa kale oo badan loona isticmaalo Vedio
Editingka waxaa ka mid ah.

Sonny Vegas pro
Camtasia Studio
Filmora

waa kuwa dadka bilowga ah aad u anfacaya dhank howsha lagu qabanayo halka labada kore
xoogaa yara adag yihiin barashada laakiin qofku haduu mar walba hibo ahaan u jecel yahay waa
baran karaa dhamaantood.

Motion Graphics

tan waa qeybta inta badan lagu sameeyo waxyaabaha Annimationska ah ama Slow motionka la
yiraa waana qeyb Ganacsiga warbaahinta iyo Social mediaha aad looga isticmaalo wexeeyna
soo koobtaa marka lagu diyaariyo arin wakhti cabaar ah la sheegi lahaa sidoo kalana indhaha
qofka soo jiidasho fiican beey u sameysaa waxyaabahaa Slideshowga ah ama isbad badalya.

Qaabkee U Bartaa?

Waxaa jira xirfadaan meelo badan oo aad ka baran karto sida Schoolo iyo meelo kale oo Online
ah Dalka hadaad joogto waad ka raadin kartaa meelo lagu barto sida ugu fiicana waa inaad
Onlineka ka barataa Siiba Youtubeka oo aad Casharo bilaash ah aad ka heleyso ama Courses
baad iibsan kartaa adigoo qarash yar bixinaya si aad xirfado ku anfaca u barato.

Gunnaanad

Multimedia waa muhiim ama Xirfad ahaan u baro sidoo kale Ganacsigaaga inaad ku koriso u
baro waa qeyb noloshaada mustaqbal anfaceysa hadaad Dhalinyaro tahay sababtoo ah
Aduunkaan Digitalka noqday waa hirar balaaran oo aad waxyaabo badan kala duwana u baahan
doonto si aad macmiil usoo jiidato waxyaabaha waxaa hor kacaya Xirafadaha Digitalka ah sida
tan iyo kuwa kaloo badan.

7 Comments

  1. M.a run ahaanti waan ka helay sharaxadaada horay usoco cadowgaa uma liicdid waan baran lahaa waliba adiga ayaan kaa baran lahaa lkn qarash ma heysto lkn waan dadaalayaa waana jeclahay inaan barto

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *