Sideed u noqon kartaa naqshadeeye guulaysta?

naqshadeeye guulaysta
  • September 5, 2022
  • Comment 3

Sideed u noqon kartaa naqshadeeye guulaysta?

naqshadeeye guulaysta

Xirfadda naqshadeynta waa mid ka mid ah xirfadaha hormuudka u ah wakhtigeena waxaana si weyn looga raadiyaa goobaha freelancing, macaamiisha intooda badani waxay door bidaan inay si toos ah ula macaamilaan naqshadeeye garaafeed guuleysta kaas oo awood u leh in uu dhamaystiro mashaariicda marka ay ku heshiiyaan labada dhinac ee shuruudaha qaarkood, sida kharashka iyo wakhtiga bixinta.

Waxa kale ee ay ku fiican tahay goobtani waa In aad dooran karto wakhtiga iyo goobta ku haboon ee aad ku hal-abuuri lahayd shaqadaada oo aad ku dhamaysa tiri lahayd mashaariic tayo sare leh, taas oo ah runtii waxa khuseeya macmiilka. Waa maxay tillaabooyinka ugu muhiimsan ee kaa caawinaya inaad noqoto naqshadeeye garaafeed guuleysta?

10 tallaabood oo ka hadlaya sida loo noqdo naqshadeeye guulaysta

Hadii aad doonayso inaad shaqo madax-banaani ku qabato goobta naqshadaynta garaafyada, waxaanu ku siin doonaa talaabooyinka ugu muhiimsan ee taageeraya bilawga fudud ee shaqadaada:

  1. Baro oo baro aasaaska naqshadaynta

Waa in aad aqoon u leedahay macluumaadka fudud ee ku saabsan naqshadaynta garaafyada iyo software-ka loo isticmaalo goobtan, waxa aad runtii u baahan tahay waa in aad si qoto dheer leh u barato oo aad wax badan ka barato agabka loo isctimaalo iyo qaab dhismeedkooda. Dabcan, waxaad u baahan doontaa wakhti kugu filan oo aad ku hanan karto xirfadan.

Waxaa jira siyaabo badan oo lagu barto naqshadeynta, sida casharrada laga heli karo mareegaha ama koorsooyinka xarumaha waxbarashada, hana ka reebin buugaagta daabacan.

  1. Dooro nuxur ama takhasus

Goobta naqshadeynta garaafyada waxaa ku jira takhasusyo badan; Sida samaynta xayaysiisyada, qoraalada warbaahinta bulshada, ama animation. Sidaa darteed, waxaad u baahan tahay inaad qiimeyso khibradaada ku saabsan takhasuska aad dooratay, oo go’aamiso waxa aad runtii ku raaxaysato si aad u soo bandhigto mashaariicda ugu fiican, xirfad ahaan iyo tayo ahaan.

  1. Hel barnaamijyada naqshadynta aasaasiga ah

Mid ka mid ah aasaaska naqshadaynta garaafyada ayaa ah in aad ku isticmaasho kumbuyuutarkaaga barnaamijyada naqshadeynta ee ugu weyn uguna caansan siada barnaamijyada Adobe, kuwaas oo ah Adobe Photoshop, Adobe Illustrator, Adobe InDesign, Adobe XD kuwaas oo ka mid ah kuwa ugu xiisaha iyo xirfadda badan leh haddii si sax ah loo isticmaalo, wayna fudud yihiin isticmaalkooda gaar ahaan dadka bilowga ah.

Intaa waxaa dheer, waxaa lagama maarmaan ah in lagu taageero kombuyuutarkaaga barnaamijyada ilaalinta ka hortagga faragelinta iyo fayrasyada kuwaas oo khatar u keeni kara shaqadaada iyo naqshadahaaga.

  1. Raac ama la soco dhammaan wixii ku cusub goobtan

Waa inaad wakhti ku bixisaa inaad raacdo naqshadeeyayaasha garaafyada, shaqadooda iyo fikradahooda, waana muhiim inaad raacdo naqshadeeyayaasha xirfadleyda ah ee goobta si ay u huriyaan male-awaalkaaga hal-abuurka ah oo ay ku siiyaan dhiirigelin joogto ah si aad u soo bandhigto shaqo cusub oo xirfad leh.

Waa inaad sidoo kale cusboonaysiisaa barnaamijyada naqshadeynta hadii la cusboonaysiiyo, kaas oo ku siinaya astaamo cusub iyo qaab dhismeed cusub cusbooneysiin kasta oo aad sameyso, Markaa mar kasta oo aad cusboonaysiiso barnaamijka aad isticmaasho waa markasta oo kuu sahlanaanaysa isticmaalkiisa.

  1. Had iyo jeer hormari shaqadaada

Kuma kaafinayso inaad kaliya barato aasaaska oo aad ku dabaqdo ficillo fudud, laakiin haddii aad rabto inaad noqoto naqshadeeye garaafeed run ahaantii guuleysta, waa inaad had iyo jeer horumarisaa qaabkaaga oo aad samayso fikrado kala duwan oo hal abuur leh iyo naqshado ku habboon takhasuska aad ka dooratay goobtan ballaaran ee naqshadeynta garaafyada. Sidoo kale, la wadaagida shaqadaada naqshadeeyayaasha kale iyo isdhaafsiga fikradaha waxay kor u qaadi doontaa awoodaada inaad samayso naqshado cusub oo gaar ah.

  1. Samee profile kuu gaar ah

Markaad guda gasho goobaha iskaa-u-shaqeysiga ah ama freelancing, waa inaad samaysaa fayl ka kooban muunado ka mid ah shaqadaada hal-abuurka ah ee aad jeceshahay iyo shaqada gaarka ah ee goobtaada, oo ay la socoto sharaxaad iyo faahfaahin. Qof kasta oo doonaya inuu qandaraas kula galo oo ka mid ah macaamiisha wuxuu rabi doonaa inuu arko naqshadahaaga iyo qaabka shaqadaada. Sidaa dartee ku dadaal inaad hagaajiso profile-kaaga oo aad ku soo bandhigdo naqshadahaaga ugu xiisaha badan leh.

  1. Dooro inaad ka shaqeyso meel kugu haboon

Waxaa la og yahay in shaqada fog-fog ay tahay sifada ugu badan ee iskaa-u-shaqeysiga noocyadeeda kala duwan. Markaa doorashada meesha saxda ah ee aad ka shaqayn karto adiga ayay kugu xidhan tahay (sida: isticmaalkeeda, lacag bixinata kala duwan, ogolaashaha dalka, iwm). Sidaa darteed raadso meel xasiloon oo kugu haboon.

Goobuhu waxay iskaga eg yihiin habka shaqada, laakiin waxay ku kala duwan yihiin dajjinta qiimaha mashaariicda iyo khidmadaha. Wakhti ka dib waxaad yeelan doontaa waayo-aragnimo kugu filan oo ku saabsan doorashada goobaha kugu habboon iyo la macaamilka macaamiisha.

  1. Raadi fursado ku habboon shaqa

Markaad diyaar u tahay inaad u shaqeyso sidii naqshadeeye garaaf madax-bannaan oo guuleysta, waa inaad iska diiwaan gelisaa goobo badan oo madax-bannaan, kuwaas oo ah isku xirka muhiimka ah ee u dhexeeya macaamiisha ganacsiga iyo naqshadeeyayaasha garaafyada.

  1. Habbee wakhtigaaga iyo shaqadaada

Waxaa laga yaabaa inaad u aragto tillaabadan mid aan u qalmin in la xuso, laakiin waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay inaad sameyso naqshadeeye ahaan. Abaabulka wakhtigaaga waxa ay soo dedejin doontaa geedi socodka fulinta mashruuca, waxa ay ku geyn doontaa wakhtiga kuna kasban doonta kalsoonida macaamiisha.

Intaa waxaa dheer, habaynta shaqadaada ayaa kuu go’aamin doonta inta shaqo ee aad qaban karto muddo cayiman. Markaa waa inaad xisaabisaa wakhtiga aad ku bixinayso naqshad kasta oo aad ka shaqeyso.

  1. Suuqgee naftaada iyo ganacsigaaga

Ma khaldana in aad suuq geyso ganacsigaaga, taa lidkeeda, waxaad u baahan tahay inaad u tartanto si aad uga dhex muuqato suuqa xorta ah iyo suuqgeynta naftaada ayaa ah habka ugu fiican.

Sidaa darteed, soo bandhigida ganacsigaaga, gaar ahaan baraha bulshada, waxay kuu furaysaa albaabo ballaaran oo aad la kulmeyso macaamiil cusub oo joogto ah, iyadoo ay kuu dheer tahay kordhinta dadka raacsan iyo kuwa xiiseeya daawashada ganacsigaaga.

Sii Daalaco: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato

Sidoo kale: $25 Maalinkasta ka shaqeyso Canva iyo Fiverr

Talooyin gaar ah oo ku saabsan naqshadeynta garaafyada

Tallaabooyinka hore ayaa ku filan inay kaa dhigaan naqshadeeye guul iyo xirfad leh. Si uu maqaalku wax tar kugu sii yeesho, halkan waxaa ah talooyin aad u baahan doonto bilowga safarkaaga:

  • Si xirfadaysan ula macaamil macaamiishaada, sii macmiilka iyo mashruuciisa xaqqa uu mudnaa, islamarkaana ixtiraam oo ilaali wakhtiyada ballanka dhamaystirka iyo bixinta mashaariicda.
  • Faa’iidada ama lacag ka samaynta waa hadafka ugu weyn ee freelancing, laakiin waxaad u baahan tahay inaad yeelato macaamiil joogto ah, markaa fiiri qiimahaaga, ka dibna qiimee qiimaha naqshadahaaga si ay ula mid noqdaan qiimaha naqshadayaasha kale ee suuqa kugu la tartamaya, Taas oo ku dhiirigelisa macaamiisha inay kula soo xiriiraan.
  • Qaado faallooyinka iyo fikradaha asxaabtaada iyo kuwa raacsan (following), sababtoo ah tani waxay kugu dhiirigelin doontaa inaad horumariso shaqadaada oo aad samayso naqshado cusub oo cajiib ah.
  • Laga yaabaa inaad la kulanto caqabado,waana wax dabiici ah in shaykastaaba uu leeyahay ugu yaraan caqabad, sida adigoo arkaya in naqshadahaagu aysan gaarsiisneyn heerkii loo baahnaa, Laakiin ha niyad jabin, tani waa caadi. Kaliya niyad sami iyo joogteen ayey u baahan tahay (badanaana waa talada qofkastaaba uu ku siin lahaa markaad caqabada la kulanto).

Dhab ahaantii, xirfadda naqshadeynta garaafyada waa mid ka mid ah xirfadaha loogu doonista badan yahay suuqa shaqada iyo suuqa xorta ah, markaa haddii aad u dooratay goobtan xirfaddaada, ku kalsoonow in doorashadaadu sax tahay. Had iyo jeer ku dadaal inaad qanciso macaamiisha adoo siinaya dhammaan tayada cusub iyo kuwa sare si aad u kasbato macaamiisha joogtada ah.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *