Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?

Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?
  • September 23, 2022
  • Comment 1

Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?

Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?

Waxaa shakki la’aan ah ama laga yaabaa inaad wax ka maqashay NFT ayaa lacag laga sameeyay, oo aad ku fikkirtay sidee ku dhici kartaa? Sideen lacag uga samayn karaa wax aan la taaban Karin? Waa su’aalo ay iswaydiiyaan dadku, xitaa iyagoon rabin inay NFT lacag ka sameeyaan, kaliya raba inay NFT wax ka ogaadaan iyo sida lacagta looga sameeyo. Waxaana intaa u dheer, Bini’aadamka sidiisba wuxuu u heelan yahay inuu wax ogaado, gaar ahaan marka uu arinku la xidhiidho lacag iyo shaqo.

Maqaalkan, Waxaynu isku dayaynaa inaan fududaydino fikradda ah Sideen NFT Lacag Uga Samayn karaa? Inagoo si kooban u faahfaahinaynaa waxa ay tahay NFT iyo Sida ay u shaqayso.

Kahor intaynaan guda galin maqaalkeenan, aynu si kooban u tilmaamno waxa ay tahay NFT, iyo sida ay u shaqayso.

Waa Maxay NFT?

NFT waa erey laga soo gaabiyay (Non-Fungible Token) soomaalina ku noqonaysa (Calaamadaha Aan Labadali Karin).

Marka la soo koobo, NFT waa calaamad gaar u ah qaabkeeda oo aan wax kale ama unug kale lagu baddali karin.

NFT waxa ay leedahay lahaansho u gaar ah, oo aan wax kale lagu baddali Karin. Halka Lacagaha dhijitaalka ah sida Bitcoin la baddali karo, taasoo la micna ah in lacag lagu baddali karo lacag kale oo la qiimo ah. Ha se yeeshee NFT way ka duwan tahay midaas, NFT-kasta waxa ay leedahay qiimo u gaar ah iyada.

Waxay U Muuqataa Inaadan Wali Fahmin, Aynu Sii Faahfaahinno.

Tusaale Ahaan: Waxaad u baahatay inaad saaxiibkaa/saaxiibaddaa ka amaahato (ka daynsato) lacag taasoo qiimaheedu yahay $100 islamarkaana aad u soo celinayso mudo cayyiman, Hagaag, saaxiibkaa/saaxiibaddaa ayaa ku amaahiya $100 oo warqad caddaan ah, Haddaba markii lago gaaro muddadii cayyimneed waxaa lagaaga baahan yahay inaad soo celiso amaahdii lagu amaahiyay, waxaadna amaahdaas ku celin kartaa lacag kaste oo $100 oo warqad ah, sidoo kale waxaad dayntaada ama amaahdaad ku bixin kartaa aaladaha kale ee aynu isticmaalno Sida: ZAAD, EVCPLUS, E-DAHAB iyo Bank iyo Xitaa lacag kale oo la qiimo ah, Muhiimna ma ahn ama kuma khasbanid inaad amaahdii (dayntii) ku celiso isla warqdii lacagta ahayd ee uu ku amaaahiyay saaxiibkaa/saaxiibadda (haduusan shardi kaaga dhigin markuu ku amaahinayay oo uu ku odhan isla warqaddaa waa inaad ii soo celisaa. Taana waa heshiis kale oo idinka dhaxeeya). Sababtoo ah lacag kaste oo warqad ah oo isku qiimo ah ama isku mid ah waxay ay leedahay qiimo isku mid ah. HADDABA, Taa Baddalkeeda NFT-kasta waxa ay leedahay qiimo u gaar ah oo ka duwan NFT-yada kale, Kala soociddaanina waxay ay tilmaamaysaa ama ay caddaynaysaa kala duwanaanshaha calaamadda. Sidaas darteeda ayaa loo yidhi waa calaamad aan la baddali Karin.

Tilmaamta ama sifada kaliya ee ay wadaagaan Hawadeenan Caadiga ah iyo NFT waa mid kaliya, kaasoo ah inaanan lataaban Karin labadooduba

Haatan Waxaan Rajaynayaa Inaad Fahantay.

Sidee ayay u shaqaysaa NFT?

Si Fudud, NFT-yadu waxay ku xiran yihiin server-yada blockchain ee adduunka oo dhan, gaar ahaan lacagta caanka ah ee Ethereum.

Sideen NFT Lacag Uga Samayn karaa?

Waxaa jira dhowr hab oo aad lacag uga samayn kartid NFT, Ha sa yeeshee waxaynu soo qaadanaynaa labo ka mid ah, waana 2-da hab ee ugu fiican uguna fudud ee aad lacag uga samayn karto NFT (calaamadaha aan la badali karin).

      1. Inaad samayso ama aad curiso NFT kuu gaar ah

Samaynta ama curinta NFT kuu gaar ah waxay noqon kartaa Sawwir, Muuqaal, Maqal, Tweets, Memes, iyo qaybo farshaxanka ka mid ah iyo xitaa wax yaabalaha qaar ee la xidhiidh internetka.

Intaa ka dib wixii aad curisay ama aad samayso ku soo bandhig goobaha lagu iibiyo NFT-yada Sida: OpenSea oo loo caleemo saaray suuqa ugu wayn uguna caansan NFT, iyo sidoo kale Binance Qaybteeda NFT oo iyaduna ka yaraysan OpenSea, iyo qaar kaloo kale badan Sida: Rarible, SuperRare iyo Nifty Gateway.

Intaa ka dib waxaad awood u leedahay inaad iibiso NFT oo aad lacag ka samayso.

      1. Inaad Maalgashato NFT

Waxaad awoodda inaad NFT lacag ka samayso aidoo maalgashanaya NFT oo iibsanayya islmarkaana iibinayya

Tusaale Ahaan: waxaad iibsanysaa Sawwir NFT ah, waxaadna ku iibsanysaa qiimo hooseeya, intaa kadib waxaad sugaysaa qaamaha aad ku iibsatay inuu kor uga kaco, kadibna waad iibinaysaa. Sidaasina waxaad lacag uga samaysay NFT.

Sidoo Kale, waxaa jira habab kale oo aad lacag uga samayn kartid NFT Sida: Gaming iyo Staking.

Goobaha Lagu iibiyo islamarkaana laga iibsado NFT

Hadda, waxaa jira dhowr goobood oo lagu iibiyo lagana iibsado NFT, qaar ka mid ahina ay bixiya adeegga samyanta iyo diiwaangelinta NFT. Waxaana ka mid ah kuwan:

Qiimaha NFT Yaa Go’aamiya?

Marka laga hadlayo hantida dhijitaalka ah ee NFT qiimuhu wuxuu ku xiran yahay mala-awaal iyo buunbuunin, iibiyuhu wuxuu dejin karaa qiime kasta ee uu rabo. iibsadayaasha ayay ku xiran tahay inay ku iibsadaan qiimahaas.

Laakin marka ay timaado hantida jireed (aan dhijitaalka ahayn) ee NFT, qiimaha waxaa inta badan lagu go’aamiyaa qiimayn lagu qiimaynayo aduunka dhabta ah.

Maxay NFT-yadu Qaali U Yihiin

Baahida iyo dalabaadka ayaa ah waxa jaan-gooya ama sare u kiciya qiimaha suuqa, taas oo ay ugu wacan tahay naadirnimada shayga iyo baahida sare ee ay u qabaan maalgashadayaasha ayaa dad badan ku kalifayya inay lacag badan ku bixiyaan iibsashada NFT.

Tusaale Ahaan: waxaad dhul ama Jago ka iibsatay meel la jecel yahay, sidoo kala u dhaw baahiyihii aasaasiga ahaa sida: suuqa, astaanka basaska, Tariinka, goobaha caafimaadka, marinka waddooyinka, iwm. intaa ka dib waxaad sugtay in muddo ah, muddadii aad sugaysay, waxaa kor u kacayay qiimaha dhulkaas, sababtoo ah baahida loo qabo iyo naadirnimada dhulkaas oo aan badanaa la helin dhul leh baahiyihaas oo dhan. NFT-na waa saasoo kale mar kaste oo uu yahay shagan la iibinayo mid naadir ah sidoo kale baahida loo qabona ay badan tahay waa mar kaste uu qiimaha sarreeyo.

Noocyada Hantida kala duwan Ee Loo Badali Karo NFT?

Hantida dhijitaalka ah iyo Hantida jireed (aan dhijitaalka ahayn) ayaa loo badali karaa NFT.

Noocyada hantiyeed ee loo badali karo NFT gabi ahaanba waa kuwo aan dhammaad lahayn. Ilaa iyo inta shayga dib loogu celin karo mulkiilaha asalka ah, fursadaha loogu badali karo NFT way furan yihiin, iyadoo loo marayo tijnoolajiyadda blockchain. waxayna hanti kasta ku xidhan tahay hab-raacyada u gaarka ah ee samynta iyo iibinta NFT-yada.

Qaar ka mid ah hantida dhijitaalka ah ee loo badali karo NFT. waxaana ka mid ah kuwan soo socda:

      • Qoraalada Baraha Bulshada
      • Memes
      • Muusikada
      • Ciyaaraha
      • Farshaxanka Dhijitaalka Ah
      • Kaararka Ganacsiga Dhijitaalka Ah
      • Maqaalada Dhijitaalka Ah

Qaar ka mid ah hantida jireed (aan dhijitaalka ahayn) ayaa sidoo kale loo badali karaa NFT. waxaana ka mid ah kuwan soo socda:

      • Hantida Ma-Guurtada Ah Ee La Degan Yahay
      • Hanti Ma Guurtada Ah Ee Ganacsi
      • Taarikada
      • Farshaxanno
      • Dhagxaan Qaali Ah
      • Diiwaanka Cajaladaha Codka Ee Vinyls
      • Jawharado
      • Qadiimiga

Sii Daalaco: Waa Maxey Cryptocurrency ?

Sidoo Kale: Waa Maxey Bitcoin ?

Tusaalooyinka Ugu Caansan Ee NFT

Waa kuwan qaar ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan ee ku saabsan NFT:

1- Rinjiyeynta Beeple

Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?

Rinjiyeentan waxaa cinwaan looga dhigay Beeple’s “Everydays: The First 5000 Days” Waa mid ka mid ah NFT ugu caansan iyadoo lagu iibiyo $69 milyan.

2- Pak’s ‘The Merge’

Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?

Waxaa loo yaqaan ‘Pak’s’ The Merge‘, waxaana laga iibiyay 30,000 oo aruuriyayaal ah, Iyadoo lagu qiyaasay 100 milyan oo doolar.

3- Farriinta Ugu Horeysa Ee Twitter-Ka

Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?

Aasaasihii Twitter-ka ayaa tweet-kiisii ​​​​ugu horreeyay u beddelay NFT, waxaana uu ku iibiyaya $2.9 milyan. Waxaana lagu magacaabaa Jack kaas oo uu ku yidhi:“just setting up my twttr” oo macnaheedu yahay:“ kaliya waxaan samaynayaa twitter-kayga

4- Pet Rock

Sidee NFT Lacag Looga Sameeyaa?

Pet Rock waxaa lagu iibiyay $46,300

Ugu Danbayntii

Waxaan ku soo gabagabeyneynaa saan hore ku xusanay in calaamadaha aan la badali karin ama NFT-yadu ay noqon karaa wax kaste, Qof kastana wuu iibin karaa wax kasta oo dhijitaal ah oo uu leeyahay.

Dariiqa guushu ma adka inaad gaadho balse waa inaad noqotaa mid dabacsan oo adkaysi leh. Sidoo kale, dulqaadka halkan aad ayaa loogu baahan yahay, maadaama marka hore laga yaabo inaadan lacag ka samayn NFT, se wakhti aan dheerayn ka dib lagayaabaa inaad ka samayso.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *