Waa Kuma Ninka Adduunka Ugu Taajirsan Wakhti Xaadirkan

Waa Kuma Ninka Adduunka Ugu Taajirsan Wakhti Xaadirkan
  • February 18, 2023
  • Comment 0

Waa Kuma Ninka Adduunka Ugu Taajirsan Wakhti Xaadirkan

Waa Kuma Ninka Adduunka Ugu Taajirsan Wakhti Xaadirkan

Waa ganacsade maal qabeen ah oo u dhashay dalka Faransiiska. Magaciisana waa Bernard Arnault Marka laga sootago shirkaddiisa, waxa uu sidoo kale aruuriyaa farshaxannada qiimaha badan.

Waxa uu dhashay 5-tii bishii March ee sanadkii 1949, haddana da’diisu waa 73 sano.

Hantidiisa oo bishii March, 2020 ahayd $76 bilyan oo doolar ayaa kor ugu dhacday $110 milyan oo dheeraad ah muddo 14 bilood gudahood ah. Baahida loo qabo hantida ay shirkaddiisu iibiso ayaa aad sare ugu kacday intii uu socday cudurka Covid-19.

Sida ay shaacisay Majalladda Forbes, Mr Musk waxa uu hadda heystaa lacag dhan qiyaastii $197bn.

Dhanka kale, ninka hadda noqday qofka ugu hantida badan caalamka, Bernard Arnault ayaa hantidiisa lagu qiimeeyay $214 bilyan oo doolar.

Elon Musk ayaa lagala wareegay booska Ninka Adduunka Ugu Taajirsan ee liiska dadka ugu hantida badan caalamka ka dib markii uu sanadkan hoos u dhac weyn ka sameeyay saamiga uu ku leeyahay shirkadda soo saarta gawaarida korontada ku shaqeeya ee Tesla.

Sida lagu muujiyay xogta Majalladaha ka faallooda dhaqaalaha ee Forbes iyo Bloomberg labadaba, Mr Musk waxaa booska ka qaatay nin kale oo lagu magacaabo ernard Arnault, oo ah madaxa shirkadda hantida qaaliga ah iibisa ee LVMH.

Elon Musk qudhiisu waa madaxa shirkadda Tesla ahna qofka saamiga ugu weyn ku leh dhaqaalaha shirkaddaas. Waxaa lasoo tebiyay in saamigiisu uu yahay qiyaastii 14%.

Bishii October ayuu dhammeystiray heshiis uu kula wareegay shirkadda Baraha Bulshada ee Twitter, taas oo u uku iibsaday lacag dhan $44 bilyan oo doolar.

Heshiiska uu Mr Musk ku iibsaday shirkadda Twitter ayaa la dhammeystiray ka dib dhowr bilood oo uu socday dagaal dhinaca sharciga ah. Dadka u kuur gala arrimaha dhaqaalaha qaarkood ayaa aaminsan in sababta uu uga baxay booska ugu sarreeya ee liiska ay tahay la waregista Twitter oo hoos u dhigtay saamiyadii uu ku lahaa Tesla.

Ka dib markii uu saami ku yeeshay Twitter billowgii sanadkan, Mr Musk ayaa bishii April ku yaboohay in uu shirkadda kula wareego 44 bilyan oo doolar, inkastoo dadka qaar ay qiimahaas ku tilmaamayeen mid aad u sarreeya.

Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta Twitter ayaa tallaabo sharci ah u qaaday si ay Mr Musk ugu khasbaan fulinta heshiiskii uu ballan qaaday.

Dan Ives oo ka tirsan shirkadda maalgashiga ee Wedbush Securities ayaa sheegay in “muranka” ku gedaannaa heshiiska Twitter ay sababtay hoos u dhaca qiimaha ay ku fadhiyeen saamiyada Tesla.

“Musk wuxuu ka tagay booskiisii ahaa halyeyga Tesla waxa uuna noqday laadar waddooyinka taagan, maadaama uu la socdo qof walba oo wax kusoo qora Twitter,” ayuu ku yiri BBC-da.

“Muranka ka taagnaa Twitter-ka ayaa waxyeello u geystay magaca Musk iyo heerka ay suuqa saamiyada ka taagneyd shirkadda Tesla. Musk waa Tesla Tesla-na waa Musk.”

Mr Musk ayaa balaayiin doolar ku iibiyay saamiyo qeyb ka ahaa shirkadda Tesla si uu ula kaashado la wareegista Twitter-ka, taasoo horseedday in saamiyada ay qiimo ahaan hoos u dhacaan.

Maalgashadeyaasha ayaa sidoo kale ka welwelsanaa in ay yaraatay baahida loo qabo gawaarida korontada ku shaqeeya ee shirkadda Tesla, maadaama ay sii daciifeyso.

Qormadan waxaa laga soo xigtay BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *