Waa Maxay Noocyada Digital Products (Badeecadaha Dhijitaalka Ah) Ee Ugu Muhiimsan? Isla Mar Ahaantaana Aad Passive Income Ka Samayn Karto

Waa Maxay Noocyada Digital Products (Badeecadaha Dhijitaalka Ah) Ee Ugu Muhiimsan? Isla Mar Ahaantaana Aad Passive Income Ka Samayn Karto

Sanadihii la soo dhaafay, suuqa alaabooyinka dhijitaalka ah (Digital Products) ayaa kor u kacay, oo ay ugu horrayso samaynta koorsooyinka online-ka ah, hase ahaatee, koorsooyinka online-ka ah ma ahan nooca kaliya ee ka mid ka ah noocyada Digital Products.

Run ahaantii, waxaa jira ilaa dhowr nooc oo kala duwan oo ka mid ah Digital Products ama alaabooyinka dhijitaalka ah, mid kastaana wuxuu leeyahay astaamo iyo faa’iidooyin kala duwan oo u gaar ah.

Waxaana soo qaadanaynaa ilaa 5 noo oo ka mid ah Noocyada Digital Products ugu waaweyn uguna caansan:

1. Buugaagta Dhijitaalka Ah Ama Elektarooniga Ah

Buugaagta elektaroonigga ah ama Ebook-yadu waa badeecad aad caan uga ah Digital Products-ka.

Caannimada buugaagta dhijitaalka ah waxaa sabab u ah in habka diyaarinteedu, qeybqeybinteedu iyo isticmaalkeeduba ay yihiin hab fudud.

Waxaa sidoo kale suurtagal ah in buugaagta elektaroonigga ah ama Ebook-yadu si degdeg ah loo gaarsiin karo macaamilka iyada oo aan la-la kulmayn wax dhibaato ah, kaliya loo dirayo, macmiilkana uu soo dagsanayo.

Macmiilkuna wuxuu buuga dhijitaalka ah akhrin karaa goor walba iyo goob walba oo joogo, taas oo si weyn u fududaynaysa wax-akhriska iyo daraasadda.

Waxaadna adigu curin kartaa buug dhijitaal ah, oo ka hadlaya majaal gaar ah, sida buug ka hadlaya lacagta iyo ahamiyadeeda, ama buug ka hadlaya tignoolajiyaddan cusub ee loo yaqaan ama garaadka samayska ah.

2. Muuqaalada Tacliinta Ah Ama Koorsada

Muuqaalku: waa nooca nuxurka ugu isticmaalka badan uguna caansan adduunka.

Waxaad koorso dhamaystiran ku diyaarin kartaa qiimo jaban, adigoo adeegsanaya kaamiradda tilifoonkaaga ama kaamirad caadiya, waxaadna sidaa ku samayn kartaa lacag, taasoo kuu noqon karta il dhakli sugan.

Dabacn sidaa soo dhan uma fududa, dadkuna iskama iibsanayaan kooro walba, ee waxay iibsanayaan koorso ka haqab tiraysa dhamaan macluumaadkii iyo xogihii ay u baahnaayeen.

Waana inaad dhowrkan arimood tixgaliyaa marka aad samaynayso koorso:

  • Waa in koorsado xogta ay xan-baarsan tahay yeelataa qiimo, isla mar ahaantaana ay adag tahay in si free ah lagu helo
  • Waa inaad ku duubtaa meel ama goob degen, isla mar ahaantaana ka madhan buuq iyo qaylo
  • Waa in tayada muuqaalku uu noqdaa mid aad sarraysa ama ugu yaraan uu noqdaa ilaa heer macquul ah, oo la arki karo dhamaan faahfaahinta iyo tafaasiisha aad sharaxayso
  • Waa inaad adigu laf-ahaantaada isu-soo diyaarisaa, laga bilaabo inaad soo akhrisato ood soo muraajacayso xogaha aad rabto inaad markaa sharaxdo, ilaa wanaajinta jawiga ama xaalada aad ku jirto
  • Waa inaad tixgalisaa arimaha farsamada (haday suurtagal tahay), sida iibsashada kaamirad heer sare ah, mikrafoon, leedh, sabuurad, kumbiyootar oo aad dhamaadka ku habayn doonto koorsada, iwm

Aad bay u fiicantahay in aad makarafoon adeegsato marka aad wax duubayso,  si codkaaga si fiican uu u maqlo ardayga, inta uu daawanayo muuqaalka, una hadal si tartiib tartiib ah oo dagan marka aad wax sharaxayso, hana ku degdegin sharaxaadda fikradaha

Isku day inaad fikradda koorsada soo koobto oo aad ku soo bandhigto bilowga koorsada, ama bilawga muuqaalka, si aad ardayga ama raacatada uga caawiso inay si wax ku ool ah u fahmaan fikradda koorsada.

Se haddii aad ka mid tahay dadka ka xishooda kaamirada ama soo muuqashada, waxaan kuu sheegayaa inay tani tahay wax iska caadi ah, oo u baahan tababr iyo dulqaad, adigoo xishoodka ka gudbaya wakhti ka dib.

Adeegso xeeladan, hadii aad la il daran tahay xishoodka:

Istaag kaamirada horteeda wakhti gaaban maalin kasta, isla mar ahaantaana duub hadalkaaga, una hadal sidii adiga oo wax sharaxaya ama cashar bixinaya oo kale, diiradda saar dhaq-dhaqaaqaaga jidheed iyo luqadaada jidheed, iskuna day inaad soo jeediso war-bixin kooban.

Intaa ka dib, muuqaalka waxaad u dirtaa saaxiib ama qof aad aaminsan tahay, misna ku fiican arimaha muuqaal duubsita ama ugu yaraan ku aqoon dhaama, waxaadna ka codsataa inuu qiimeeyo muuqaalka, markaa ka dibna dhagayso taladiisa, oo isku day inaad ku dhaqanto, waqti ka dibna waxaad isku arki doontaa –eebe idamkii- inaad ku fiicnaatay muuqaal duubsita.

3. Muuqaalada Screencasts Ah

Muuqaalada screencasts-ka ah waa habka ugu dhakhsaha badan uguna fudud ee loo curin karo muuqaal.

Haddii aadan aqoon waxa loola jeedo muuqaalada screencasts-ka ah, hadda ayaan kuu sharaxayaa:

Waa muuqaalo laga duubay shaashadda kombayutarka, ama shaashadda telefoonka, kuwaas oo duubaya wax kaste oo ka dhex dhacaya shaashadda, wuxuuna ardaygu sidaa ku daawanaya wax kasta oo uu macallinku sharraxaya.

Faa’iidada habkani ay leedahay ayaa ah in ay yarayso khrashaadkii ku bixi lahaa muuqaalada tacliinta ah ee lagu duubayay kaamirad, waxayna barayaasha ama macalimiinta u sahlaysaa inay muuqaalada ku diyaariyaan kharashka iyo wakhtiga ugu yar.

Farsamadani waxay aad ugu badan tahay koorsooyinka sharaxaya isticmaalka software-da ama isticmaalka website-da.

4. Buugaagta Maqalka Ah

Buugaagta maqalka ah waa nooc ka mid ah Noocyada Digital Products, isla mar ahaantaana aad u baahsan, iyadoo buugii dhamaa maqal ahaan loo dhagaysanayo.

Diyaarinta buug maqal ah waa mid aad u fudud, waxa kaliya ee aad u baahan tahay ayaa ah makarafoon tayo sare leh, meel ka madhan qaylada iyo hadalka, iyo aalad aad ku duubto maqalka.

Dabcan, qaabka nuxurka aad diyaarinayso, waa inuu ku suntanaadaa: MP3.

5. Podcast

Podcasts-ku sidoo kale waa cajalado maqal ah oo u eg sidii barnaamijyada raadiyaha oo kale.

Caadi ahaan, podcasts-ku waa waraysi ama doodo dhex mara koox dad yar ah.

Podcast-ka ayaa sidoo kale faa’iido u leh dadweynaha sababtoo ah waxaa lagu dhagaysan karaa aalado kala duwan: sida iPads, taleefannada casriga ah, iwm.

Iyadoo podcast-ka la dhagaysan karo marka cuntada la karinayo, guriga la habaynayo, la sii seexano, iyo xittaa marka gaadhiga la wado, iwm.

Sii Daalaco: 3-da Siyaabood Ee Ugu Sarreeya Ee Aad Internetka Lacag Uga Samayn Karto

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *