NVIDIA Miyay Dhaafi Doontaa Apple Iyo Microsoft?

NVIDIA Miyay Dhaafi Doontaa Apple Iyo Microsoft?

Suuragal miyay tahay in shirkad aan sidaa caan-u-ahayn dhaafto Apple iyo Microsoft? Waa wax aan loo baran sow ma ahan?

Nvidia, oo caan ku ah soo saarista chips-ka elektarooniga ah, ayaa ka mid ah shirkadaha ugu qiimaha badan adduunka, iyada oo ay ugu wacan tahay soo if baxa ama kor u kaca ku yimid majaalka AI-da (Garaadka Samayska Ah).

Chips-yada ay soo saarto Nvidia waxa si weyn u isticmaala shirkadaha tignoolajiyada si ay u horumariyaan majaalada kala duwan ee ay AI-da gasho, taasoo kor u kac weyn u keentay baahida loo qabo chips-yadan.

Saamiyada Nvidia ayaa markhaati ka ah in ka badan lix-laab korriin ah, tan iyo bilowgii sannadkii hore.

Sida laga soo xigtay Business Insider, qiimaha Nvidia ayaa hadda kor u dhaafay qiimaha Amazon, oo lagu qiyaasay $1.8 trillion, iyo Alphabet, oo ah shirkadda leh Google, oo iyadana lagu qiimeeyo qiyaastii $2.1 trillion.

Saadaasha ayaa sheegaysa in NVIDIA ay dhaafi doonto Apple, oo ah shirkadda labaad ee ugu qiimaha badan adduunka, markii laga yimaado microsoft, taasoo lagu qiimeeyo qiimo dhan $2.99 trilliton dollar.

Sidoo kale, saadaasha ayaa sheegaysa in NVIDIA aysan dhaafi doonin oo kaliya Apple, ee laga yaabo xitaa in ay dhaafto Microsoft, oo haatan ah shirkadda ugu qiimaha sarraysa adduunka, taasoo lagu qiimeeyo qiimo dhan $3.1 trillion.

NVIDIA badeecadaheeda iyo wax-soo-saarkeedaba si toos ah uma isticmaalno, hasa ahaatee qab weyn ayay ka yihiin isiticmaalkeena maalinlaha ah.

Sidee?

Ugu badnaan, si maalinle ah baynu u isticmaalnaa agabyadan soo socda qaar kood ama ugu yaraan midkood: iPhone, Phone, iPad, MacBook, Laptop, Desktop, Playstation iyo Xbox.

Sidoo kale, Google ayaan si maalinle ah wax ka raadinaa, Youtube-na wax uga daawanaa, ha ka reebin baraha bulshooyinka kale sida TikTok, Facebook, X, iwm.

Waxaan meesha ka madhneed wixii maaliyadda iyo dhaqaalaha ku saabsanaa sidii iibka online-ka ah, bank-yada, xawaaladaha, qodidda cryptocurrency-da (crypto mining), iwm.

Dhammaan waxaan xusnay oo idil, waxay u baahan yihiin chips-yo elektarooniga ah oo horumarsan, si loo adeegsado, ama ay ula falgalaan (AI – Garaadka Samayska Ah) taasoo keentay ama kor u qaaday qiimaha shirkadda NVIDIA.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Basic Computer And Office Mastery
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

8 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *