Waa Maxay Passive Income (Dakhliga Dadban)?

Waa Maxay Passive Income (Dakhliga Dadban)

Waa Maxay Passive Income (Dakhliga Dadban)?

Waa Maxay Passive Income (Dakhliga Dadban)?

Waxaa laga yaabaa inaad marar badan maqashay odhaahdan ah “LACAG SAMEE ADIGOO HURDA” waxayna noqon kartaa mid run ah. “HA IGA DEGDEGIN” Laakiin marka hore aan isla fahamno waa maxay Passive Income (dakhliga dadban)? maxaase magacaas loogu magacaabay? Waa maxayse farqiga u dhexeeya dakhliga dadban iyo dakhliga firfircoon?

Waa Maxay Passive Income (Dakhliga Dadban)?

Passive Income Ama Dakhliga dadban: waa inaad lacag samayn karto adigoon shaqo iyo dadaal badan mar kasta bixinin, kaliya aad bixinayso lacag, dadaal ama wakhti mar kaliya, Taa bedelkeedana aad si joogto ah u heli doonto faa’iido badan, iyadoon kaaga baahanayn joogitaankaaga, ayna siman tahay maqnaashiyahaaga iyo joogitaankaagaba.

Si kastaba ha ahaatee, dakhliga dadban ee internetka ayaa u baahan dadaal xoogan oo horudhac ah, ha ahaato inaad adigu laf ahaantaada ka shaqayso, ama aad shaqaalaysiiso qof kuu qabta shaqadaas.

Tusaale ahaan, haddii aad ka fekereyso inaad samayso koorso online ah, waa inaad ku dadaashaa inaad si fiican u diyaariso, u habayso, kana dhigto mid fahamkeeda fudud yahay, iskuna daydo in ugu yaraan yarayso in aysan soo noq-noqonin su’aalo ku saabsan nuxurka koorsada.

Intaa ka dib, waxaad kale oo aad u baahan tahay inaad dadaal yar oo dheeraad ah samayso, si aad u ilaaliso qiimaha nuxurka koorsada si joogto ah, adigoo ka jawabaya ama u idmanaya qof ka jawaaba faallooyinka iyo weydiimaha ardayda ku jirta koorsada.

Waa Maxay Sababta Passive Income Ama Dakhliga Dadban Loogu Magacaabay?

Sida aan soo sheegnay, dakhliga dadban macnaheedu waa inaad lacag samayso, adiga oo aan samayn dadaal muruqeed ama mid jireed oo weyn.

Isla sidaas oo kale, waxaa jira dakhli dadban oo ku salaysan nolosha dhabta ah ee aynu noolnahay, ee aan ahayn internetka, sida kiraynta waxyaabaha aad adigu leedahay, ama xitaa maalgashiga hantida maguurtada ah.

Waa Maxay Farqiga U Dhexeeya Dakhliga Dadban Iyo Dakhliga Firfircoon

Dakhliga firfircoon, oo sidoo kale loo yaqaan dakhliga la kasbaday: waa dakhli kastaa aad hesho kadib dadaal aad samaysay. Hadii si kale loo dhigo waa musharka aad qaadanayso bishii, todobaadkii, ama maalintii ka dib shaqo aad qabatay, sida inaad tahay darewal, macalin, dhakhtar, ama inaa tahay looyar.

Marka ay taagan tahay dakhliga firfircoon, wakhtigu dhab ahaantii waa “LACAG”, adigoo wakhtigaaga iyo dadaalkaaga ku bedelayso lacag.

Tusaale ahaan, haddii aad tahay shaqaale aadna ka shaqeyso shirkad, ama goob kale, oo ay dhacdo inaad maqnaato maali ama aad soo daahdo (habsaanto) saacado sabab kasta ha noqotee, waxaa xaq laguugu leeyahay in lagaa jaro mushaharkaaga bishii maalmaha aad maqnaatay iyo saacadihii aad soo daahday.

Taas oo ay mecnaheedu tahay inaad wakhtigaaga ku bedelanayso lacagta, hadii aanad bixinna wakhti aanad helayn lacagta.

Sii Daalaco: Maxaa Qofka Ku Kallifa Inuu Shaqeeyo? Kaliya Ma Lacag Baa?

Taas bedelkeeda, dakhliga dadban wuxuu bixiyaa xorriyad dhaqaale oo buuxda iyo damaanad qaad badan marka loo eego dakhliga firfircoon. Isagoon mar kasta kaaga baahnayn joogitaankaaga, kaliya aad marka hore bixinayso dadaal, wakhti, iyo lacag, ka dibna aad heli doonto faa’idooyin badan, waliba si aan kala joogsi lahayn.

“DABCAN HADALKA SAAD U AKHRINAYSO YAYSAN KUULA FUDUDAAN WAXAAD MARKA HORE U BAAHAN TAHAY INAAD BIXISO DADAAL AAN KALA JOOGI LAHAYN, SI AAD U HESHO FAA’IIDO AAN KALA JOOGSI LAHAYN”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *