Mashaariicyada Laga Helo passive income (Dakhliga Dadban)

Mashaariicyada Laga Helo Passive Income (Dakhliga Dadban)

Mashaariicyada Laga Helo Passive Income (Dakhliga Dadban)

Waxa la yidhaahdaa celceliska milyaneerka caadiga ah waxa uu leeyahay 7 il dhaqaale oo kala duwan (lama hubo odhaahdan).Laakiin badi milyaneerada adduunku waxaa laga yaabaa inaysan haysan 7 shaqo oo kala duwan. Haddaba maxaa sabab u ah?, waxaabad mooddaa inay u badan tahay inay ka faa’iidaysteen awoodda dakhliga dadban si ay u dhistaan hantidooda.

Ugu horrayn, waa in la ogaadaa in internetka laga helo karo dakhliga dadban, isla mar ahaantaana noqota il dhaqaale oo sugan, waxaana halkan ku xusi doonaa mashaariicyo dhalinaya dakhliga dadban, oo ay ka mid yihiim kuwan soo socda:

1. Sameenta Buug Elektaroonig Ah

Buugaagta elektarooniga ah waa mid ka mid ah ilaha laga helo dakhliga dadban, isla mar ahaantaana lagu tiirsanaan karo, iyagoo dhalinaya faa’iido joogto ah, oo soconaysa muddo fog, ilaa iyo inta ay gaarsiisan tahay baahida loo qabo buuga.

Waxaa jira mawduucyo badan oo kala duwan oo looga dhex hadli karo buuga, kaasoo koobsanaya macluumaad waxtar u leh akhristayaashaada.

Tusaale ahaan, waxaad ka hadli kartaa hage la taaban karo oo ku saabsan wax aad si fiican u taqaano ama khibrad wax ku ool ah oo aad leedahay.

Waa inaad wakhti iyo dadaalba ku bixisaa diyaarinta nuxurkaaga ku aadan buugaaga elektaroonig ah iyo suuqgeyntiisaba, taas oo ah mas’uuliyadda koowaad ee gaadhista iibka.

Sii Daalaco: Waa Maxay Passive Income (Dakhliga Dadban)?

2. Sameenta Kanaal Youtube

Samaynta kanaal YouTube waxay kaa caawin kartaa inaad samaysato dakhli badan, adigoo kanaalkaaga ku soo badhigaya nuxur faa’iido u leh daawadayaasha, kuna kallifaya shirkadaha iyo xayeysiiyayaashu inay kula soo xidhiidhaan, si ay xayaysiintoodu uga soo muuqato kanaalkaaga.

Dhab ahaantii waxay u baahan tahay dulqaad iyo shaqo adag bilowga hore, laakiin dulqaad iyo dadaal badan ka dib waxaa dhalan doonta –eebe idamkii- il dhaqaale oo sugan oo ku tiirsan mabda’a dakhliga dadban.

3. Duubista Buugaagta

Ka faa’iidayso xirfadahaaga ku aadan cod bixinta kuwaas oo aad ka dhali karto dakhli dadban. Dad badan ayaa iibsada buugaag maqalka ah si ay u dhegaystaan wakhti kasta, sidaa darteed duub oo iibi buugaagta maqalka ah.

4. Iibinta Sawirada Iyo Muuqaalada Gaarka Ah

Sawirada iyo muuqaalada gaarka ah ayaa caan ku ah makiinadaha raadinta (Search Engines), aadna waa looga raadiyaa sababta oo ah waxaa loo isticmaali karaa ujeedooyin badan oo ay ugu horrayso nuxurka, si loo fudaydiyo fahamkeeda.

Xirfadahaaga ku aadan sawir-qaadista iyo muuqaal duubista ayaa kuu dhali kara dakhli dadban oo la isku halayn karo, adiga oo iibinaya oo ku soo bandhigaya sawirradaada iyo muuqaaladaada goobaha lagu iibiyo sawirada iyo muuqaalada sida iStockphoto iyo Fotolia.

Qaad sawiro iyo muuqaalo tayo sare leh si aad uga sare marto tartamayaashaada, isticmaal kamaradaha awooda sare leh, fiiro gaar ahna u yeelo iftiinka iyo tayada codka, ka faa’iidayso casharrada iyo koorsooyinka bilaashka ah ee lagu bixiyo internetka, si aad u horumariso xirfadaada.

Ka dhig sawiradaada iyo muuqaaladaada kuwo xirfad leh adigoo ku tafatiraya app-ka saxda ah ee lagu tafatiro sawirada iyo muuqaalada, sida sawirada Photoshop iyo Illustrator, iyo muuqaalada Premiere Pro iyo After Effects.

4 Comments

  1. Masha Allah wan ka hely wxd iga caawisa wxn ku dawakhay online business kwrn hddi aan bilabo clickbank course aan qaato adigu aad bixiso mise blogging ayan ku horeyey iga caawi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *