Robots-yo Badalaya Malaayiin Shaqaale

Robots-yo Badalaya Malaayiin Shaqaale
  • November 22, 2022
  • Comment 0

Robots-yo Badalaya Malaayiin Shaqaale

Robots-yo Badalaya Malaayiin Shaqaale

Sida laga soo xigtay Oxford, Kunawaad 20 milyan oo shaqo ayaa laga yaabaa inay la wareegaan Robots-yo xilli ay taariikhdu tahay 2030-ka.

Dhaqaale-yahannadu waxay falanqeeyeen isbadalada muddada-dheer ee ku saabsiisan qaadashada automation-ka (otomaatiga/iswadidda) ee goobta shaqada, iyagoo xusay in tirada robots-yada adduunka laga isticmaalo ay kordheen saddex laab labaatankii sano ee la soo dhaafay ilaa 2.25 milyan.

Iyagoo cilmi-baarayaashu ay saadaaliyeen in kororka robots-yo ay keeni doonaan faa’iidooyin dhinaca wax soo saarka iyo kobaca dhaqaalaha, waxay sidoo kale qireen cilladaha la filayo inay soo baxaan isku mar.

Khubarada Robotics-ku waxay u heellan yihiin inay naqshadeeyaan mashiinnada barnaamijyada la samayn karo ee loo yaqaan bots.

Dunida maanta, tignoolajiyada AI waxay ka caawinaysaa robots inay qabtaan hawlo badan oo cusub, Robotyadu waxay qayb ka ahaayeen nolol maalmeedkeena muddo tobanaan sano ah: laga soo bilaabo wiishashka, mashiinada dhaqida otomaatiga ah iyo nadiifiyaha guryaha ilaa gacmo farsamo oo waaweyn oo ku yaal khadadka wax soo saarka warshaddaha.

Bots-yadu waxaa markii hore loogu talagalay inay fuliyaan hawlaha aasaasiga ah iyadoo ujeedadu tahay in la dhimo culayska shaqada ee dadka. Markii ay soo ifbaxday caqli-galnimada macmalka ah, fursadda lagu naqshadeeyo jiil cusub oo Robots ah ayaa suurtagal noqonaysa, jiil ay robot-yadu awood u leeyihiin inay falanqeeyaan oo dhammaystiraan hawlaha waqtiga dhabta ah qaatta, iyo hawlo markii hore ay adkeyd in si toos ah loo fuliyo.

Koritaanka Robot-yada

Sida laga soo xigtay sahanka, tirada Robots ee la geeyay goobaha shaqada afartii sano ee la soo dhaafay waxay la mid tahay tirada robots ee la geliyay shaqada siddeedii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa la saadaaliyay in sanadka 2030-ka, in ka badan 1.5 milyan oo shaqo ay la wareegi doonaan robots-yada gudaha dalka Mareykanka, tiradaas ayaa la filayaa inay kor u dhaafto Shiinaha 11 milyan. Guud ahaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub Ayaa ku dhawaad ​​2 milyan oo shaqaale ay ku waayi doona shaqooyinkooda sababo la xiriira automation-ka. (otomaatig/iswadid).

iyada oo dhaqaalaha labaad ee adduunka ugu weyn uu yahay ku dhawaad ​​​​shan-meelood meel saamiyada adduunka ee robots-yada.

Sii Daalaco: Canada Oo Qorsheyneysa Inay Soo Dhoofsatao Nus-Milyan Qof Oo Xirfadlayaal Ah Sanadka 2025-Ka

Dejinta Siyaasad Cusub

Inkasta oo ay suurtogal tahay in shaqo la’aan ay dhacdo, daraasaddu waxay kula talisay siyaasiyiinta inaysan xaddidin ama dejin sharci ka hortagaya faafitaanka automation-ka (otomaatig/iswadid).

“Siyaasad-dejiyayaasha iyo daneeyayaasha kale waa inaysan u isticmaalin natiijooyinkan (oo ah suurtaglnimada shaqo la’aanta) inay carqaladeeyaan hirgelinta tignoolajiyada robot-ka.” Ujeeddada, sida ay cilmi-baarayaashu qabaan, waa in ay ahaataa “in loo qaybiyo qaybinta robots-yada si siman oo caddaalad ah iyadoo la caawinayo dadka u nugul shaqada, si ay ugu diyaargaroobaan oo ay ula qabsadaan carqaladaha ay keeni doonto.”

Cilmi baadhayaashu waxay soo jeediyeen in dawladuhu ay dhiirigelin dhaqaale siiyaan shirkadaha iyo shaqaalaha, si ay uga qayb qaataan dadaallada dib-u-tabaridda maxalliga ah. Waxay sidoo kale ku booriyeen mas’uuliyiinta inay hirgeliyaan dadaaladan si looga hortago ama loo yareeyo saameynta xun ee automation-ka (otomaatig/iswadid).

Shaqaalaha ayaa sidoo kale lagula taliyay inay ogaadaan shaqooyinkooda u gaarka ah si ay si fiican u fahmaan dheelitirka awoodaha aadanaha ee lagama maarmaanka ah iyo xirfadaha laga yaabo inuu la wareego robot-yada.

Sii Daalaco: Robots-Yado Ma Noqon Doonaan Baddalka Bini’aadamka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *