Sababta Ay Muhiim U Tahay Wanaajinta SEO-ga?

  • October 22, 2023
  • Comment 1

Sababta Ay Muhiim U Tahay Wanaajinta SEO-ga?

Hadii aynu soo koobno: Search Engine-nada ayaa ah isha ugu weyn ee keena booqdayaasha.

Sawirkan, waxaan ku muujinaynaa ilaha kala duwan ee laga helo booqdayaasha website-yada.

Sida aad arki karto, ku dhawaad ​​60% booqdayaasha caalamiga ahi waxay ka yimaadaan Google, haddii la isku darona dhamaan search engine-nada kale (sida Bing, Yahoo, iyo YouTube), waa 70.6% wadarta guud ee booqdayaasha.

Aan kuu sii faahfaahiyo muhiimada ay leedahay SEO-ga.

Tusaale ahaan: Aynu nidhaahno waxaad maamushaa shirkad ama webiste qabata shaqada “Website Samaynta“, sida aan ka soo xiganayno Google, 3,730,000 ku dhawaad 4 milyan oo baadhitaan ah ayaa la sameeyaa bil kasta.

Hadii aad eraygan “Website Samaynta” kaalinta koowaad kaga jirto natiijooyinka raadinta Google, wuxuu website-kaagu ka helayaa wadarta guud ee raadinta ku dhawaad 20% booqdayaal ah.

Taas oo micnaheedu yahay inaad helayso 800,000 oo booqdayaal ah bil kasta, (waa se hadii aad wali ku sii jirto kaalinta koowaad ee natiijada raadinta Google).

Waana halkan halka aad ku ogaanayso muhiimadda ay leedahay wanaajinta SEO-ga website-kaaga.

Hadii aynu in yar dul istaagno Google AdWords, oo ah shirkad raacsan Google-ka, taasoo qabata shaqada xayaysiinta, waxayna dadka raba inay wax xayaysiistaan ku soo dalacdaa halkii booqde ama halkii gujis qiyaastii $1.

Laakiin inagu aynu niraahno $0.5 halkii booqde ama halkii gujis, maadaama eray bixintu oo ah “Website Samaynta” ay noo lamaanayso eray qalaad oo ah “Website“.

Taas oo ka dhigan in ku dhawaad nalagu soo dalacayo $400,000 oo dollar (800,000 oo booqde*0.5= $400,000 – 800,000 ee booqde waxay u dhigmaan $400,000).

Sii Daalaco: Sidee Bay Ku Dhacday Inaan Kaalmaha Koowaad Ka Galno Natiijooyinka Raadinta Google

Dabcan bixinta lacag xaddigaas le’eg, wax aaaaaaaad iyo aaaaaaaad u adagggggg in ay dhacdo, hasa yeeshee waa suurtagal hadii uu soo saarayo wax intaa ka badan ama ku lab-laabbma.

Tanina waa mid kaliya ku eg uun eraygii aynu xusnay ee ahaa “Website Samaynta“, hasa yeeshee goobaha kale ama majaaladaka sida hantida ma guurtada ah, saamiyadaha, lacagaha dhijitaalka, gawaadhida, guryahay, ayaa iyagu intaa ka qaalisan, waxaana laga yaabaa inay kor u dhaafaan mararka qaarkood, iyo dalalka qaarkood ku dhawaad ilaa $20 dollar halkii booqde ama halkii gujis.

Natiijooyinka raadinta waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala duwan: natiijooyin dabiici ah iyo natiijooyin lacag ah, natiijooyinka raadinta lacagta ahna ayaa ugu sarrayn doonta, kana sarrayn doonta tan dabiiciga ah.

Wanaajinta SEO-ga waa mid ka mid ah hababka lagu taliyo marka ay timaaddo kordhinta booqdayaasha. Algorithms-yada cusub ee Google-ka ayaa la horumariya labadii sanaba hal mar, hadafkooda ugu weynina waa inay isticmaalayaasha siiyaan waayo-aragnimo hor leh isla mar ahaantaana faa’iido leh.

Shirkadaha iyo mashaariicda online-ka ah, waxay aad u daneeyaan inay kaalmaha hore kaga jiraan natiijooyinka raadinta Google, waana waxa nagu dhaliyay inaan bixinno adeeg ku magacaaban SEO.

Haddaba, ma wanaajin kartaa natiijooyinka raadintaaada ee ku aadan Google?

Dabcan haa, adigoo u maraya Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERVICES, taasoo si fiican u og faa’iidooyinka uu leeyahay SEO-ga, inagoo had iyo jeer ku dadaalayna inaan bixinno adeegyada SEO-ga ugu wanaagsan, si aan goob katsa uga dhigno mid ka soo muuqda kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *