Samaynta Website-yada, Mid ka mid ah adeegyada aynu bixino

Samaynta Website-yada, Mid ka mid ah adeegyada aynu bixino
  • November 24, 2022
  • Comment 9

Samaynta Website-yada, Mid ka mid ah adeegyada aynu bixino

Samaynta Website-yada, Mid ka mid ah adeegyada aynu bixino

Samaynta website waxay ganacsi katasaa u noqotay lama huraan, xitaa haddii aan lagu bixinayn adeegyo, ama badeecado.

Maqaalkan, waxaynu ka hadli doonaa -eebe idamkii- muhiimada ay leedahay samaynta website, iyo sida ay uga faa’ideysan karaan ganacsatada, iyo shakhsiyaadka caadiga ah, si ay u dardargeliyaan kobaca mashaariicdooda oo ay u soo jiitaan macaamiil badan.

Samaynta website-yada waxa ay noqotay hababka ugu kalsoonida badan ee uu ku koro ganacsiga, waana tillaabada ugu horeysa ee ay qaadaan ganacsatada, ama shakhsiyaasdka caadiga ah, maadaama uu hoy u yahay fursado badan oo ganacsi ah, waana il aan la soo koobi karin faa’idadeeda.

Qiyaastii 4.33 bilyan isticmaale ayaa si firfircoon u isticmaala internetka, waxayna ku qaataan ku dhawaad ​​lix saacadood iyo badh maalintii celcelis ahaan, Internetku waa goob aad u wayn oo aan xadidnayn oo si xawli ah u fidaya, waxaana rubuci labaad ee sanadkan 2019 la diiwaan galiyay in ka badan saddex meelood meel oo u dhiganta 1 bilyan oo Domain Name ah. Qof kastaana waxa uu ku degdegayaa sidii uu boos uga heli lahaa Internetka.

Samaynta website u gaar ah mashruucaaga, waxay kuu furi doontaa aragtiyo ballaadhan, waxay kaa caawin doontaa inaad soo jiidato macaamiil cusub, kordhiso iibka, oo dadka tusiso alaabtaada iyo adeegyadaada. Macaamiisha intooda badan waxay galaan internetka, si ay u raadsadaan alaabta iyo adeegyada ay u baahan yihiin, haddii se ay dhacdo inaad ka maqnaato saaxadda internetka, waxaa shaki la’aan ah in aad waayi doonto macaamiil badan, oo ay u wareegi doonaan tartamayaashaada suuqa kugu la jira.

Nasiib Darro

Ganacsiyada iyo shirkadaha qaarkood ayaa iska indha tira muhiimada ay leedahay samaynta website u gaar ah ganacsiga ama mashruuca, iyagoo luminaya fursado iyo faa’iidooyin badan oo laga yaabo inay ka faa’idaysan lahaayeen, hadii ay yeelan lahaayeen website.

Waa Maxay Ujeedada Loo Samaynayo Website-Ka?

Hadafka ama ujeedada laga leeyahay samaynta website-yada ayaa ah in ay gacan ka geysataa sidii macaamiisha loogu gaarsiin lahaa badeecadaha sida ugu wanaagsan, si loo hubiyo kalsoonidooda. Muhiimadda ay leedahay samaynta website-yada ayaa sidoo kale looga golleeyahay in lagu kordhiyo wax soo saarka shaqada.

Shirkadeena Door Muhiim Ah Miyay U Leedahay Samaynta Website-Yada

Si kasta oo ay tahay sababta ka dambeysa samaynta website kuu gaar ah, waxaad ku sugan tahay goobta saxda ah ee aad ka heli karto dhamaan wixii aad uga baahnayd samaynta website xirfad leh (Bilaw ilaa dhamaad), oo kuu gaar ah ama u gaar ah ganacsigaaga.

Shirkadeena ka GELLE BASHIR Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.

Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Hadaynu nahay GELLE BASHIR, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir.

Sii Daalaco: Mid Ka Mid Ah Adeegyada Aynu Bixinno: Branding Services

9 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *