Muhiimadda Uu Leeyahay Website-ku

  • October 4, 2023
  • Comment 2

Muhiimadda Uu Leeyahay Website-ku

Wakhti xaadirkan, suurtagal ma aha inuu qofku yeesho ganacsi, isaga oo aan lahayn webiste, maxaa yeelay macaamiishu waxay booqdaan website-yada si ay wax uga ogaadaan macluumaadka ku saabsan alaabta ama adeega ay rabaan inay iibsadaan.

Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in qofkasta oo ganacsi leh uu yeesho website ay ku jiraan dhamaan warbixinada iyo xogaha uu macmiilku u baahan karo.

Waxaa laga yaabaa inaadan wali ku qancin faa’iidooyinka badan ee aad ka heli doonto marka aad yeelato website, laakiin se xqiiqda ayaa ah in website-ku uu leeyahay faa’iidooyin badan oo badan, isagoo awood kuu siinaya inaad kasbato iibab sare, kasbato kalsoonida macmiilka, isla mar ahaantaana uu faafo ama uu caan noqdo webiste-kaagu.

Inaad yeelato website waxay kaa caawin doontaa inaad soo jiidato macaamiil cusub, kordhiso iibabkaaga, oo dadka tusiso alaabtaada iyo adeegyadaada.

Macaamiisha intooda badan waxay galaan internetka, si ay u raadsadaan alaabta iyo adeegyada ay u baahan yihiin, haddii se ay dhacdo inaad ka maqnaato saaxadda internetka, waxaa shaki la’aan ah in aad waayi doonto macaamiil badan, oo ay u wareegi doonaan tartamayaashaada suuqa kugu la jira.

Yeelashada website-ku waxay noqotay hababka ugu kalsoonida badan ee uu ku koro ganacsiga, waana tillaabada ugu horeysa ee ay qaadaan ganacsatada, ama shakhsiyaasdka caadiga ah, maadaama uu hoy u yahay fursado badan oo ganacsi ah, waana il aan la soo koobi karin faa’idadeeda.

Ugu Horrayn, Waa Maxay Waa Maxay Website (Mareege)?

Qeexitaanka Website-ka Oo Kooban: waa boggag isku xidhan oo ku jira hal kombuyuutar, kuwaas oo dhammaantood wadaaga hal magac oo Domain ah, bixiyana macluumaad gaar ah ama alaabooyin iyo adeegyo gaar ah, waxaana maamula kara qof gaar ah ama shirkad.

Nasiib Darro, Ganacsiyada iyo shirkadaha qaarkood ayaa iska indha tira muhiimada uu leeyahay website-ku, iyagoo luminaya fursado iyo faa’iidooyin badan oo laga yaabo inay ka faa’idaysan lahaayeen, hadii ay yeelan lahaayeen website.

Waxaa jira sababo badan oo ku kalifay qofka inuu yeesho website, haba ugu horraysa “LACAG SAMAYNTA”,  iyadoo ay dad badani u janjeersadeen dhankaa iyo tignoolajiyadda, taasoo saamaxday inay ganacsiyo badan oo maxalli ahaa (dhaqameed), isu bedeleen ganacsiyo online ah, waxaana taa suurtagalisay yeelashada website.

Kacaankan xoogan ee aynu aragno ee ka dhanka ah internetka, wuxuu inuu sheegayaa yeelashada website in ay tahay lama huraan, maadaama website-ku ama guud ahaan internetku uu yahay habka ugu xoogan uguna wanaagsan ee lagu wada xidhiidho, laguna baran karo mashruucaaga.

Sidaa darteed ma rabtaa inaad yeelato websayt?

Si kasta oo ay tahay sababta ka dambeysa samaynta website kuu gaar ah, waxaad ku sugan tahay goobta saxda ah ee aad ka heli karto dhamaan wixii aad uga baahnayd samaynta website xirfad leh (Bilaw ilaa dhamaad), oo kuu gaar ah ama u gaar ah ganacsigaaga.

Shirkadeena ka GELLE BASHIR Ahaan, waxaynu ku takhassusnay samaynta, qaabaynta iyo horumarinta website-yada, haday noqon lahayd E-commerce website, Personal website, Small business website, Portfolio website, Blog website, News website, Educational website, Event website, IWM.

Sidoo Kale Shirkadeena waxay diyaar kuula tahay Curinta, Kobcinta, Iyo Hirgalinta Ganacsigaaga, Laga soo bilaabo Curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

Hana iloobin in ay shikadeenu u heelan tahay mar-walba caawimaadkaaga, si aad u gaadho hadafkaaga ah, madax-bannaani dhaqaale. Sidaa darteed, yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Hadaynu nahay GELLE DIGITAL SERVICES, waxaynu kuu dhisaynaa website ka midho dhaliya yoolalkaaga.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

2 Comments

  1. Waan xiiseeyaa barnaamijkaada ku dhisan aqoon waxaan jacelahay inaa qaato koorsada aan ka Hilay Aniga oo ah Omar Abdi Haaji waan ku salaamay calin geele bashiir mahadsanid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *