Aaladaha Bilaashka Ah Ee Lagu Tafatiro Sawirada​

Aaladaha Bilaashka Ah Ee Lagu Tafatiro Sawirada​

Aaladaha bilaashka ah ee lagu tafatiro sawirada

Hormarka wakhti xaadirkan la gaaray awgeed, uma baahnid inaad khabiir ku noqoto isticmaalka Photoshop si aad sawiradaada uga dhigdo sawiro xirfad leh, qof kasta oo leh aqoon yar oo shaqo oo ku saabsan aaladaha tafatirka sawirada, wuxuu si fudud u hagaajin karaa sawirradiisa.

Aaladaha tooska ah ee wax ka beddelka sawirada ama tafatirka sawirada ee bilaashka ah isla mar ahaantaana badankoodu ay ku dhisan yihiin AI ayaa ka dhigaya mid fudud in la tafatiro sawirrada iyada oo aan la gelin faahfaahin badan. Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay leeyihiin filtarro gudaha ah oo aad isticmaali karto si aad si fudud oo xirfad leh wax uga bedesho sawiradaada. Hoos waxaan ku xusi doonaa 3 ka mid ah kuwa ugu caansan ee aaladahan.

1. Autoenhance AI

Aaladaha Bilaashka Ah Ee Lagu Tafatiro Sawirada​

Aalada Autoenhance waxay leedahay sifooyin badan oo lagu tafatiro sawirada, iyadoo la adeegsanayo AI, kuwaas oo kuwa ugu caansan ay yihiin:

      • CIRKA BEDELKA: Habkani wuxuu kuu ogolaanayaa inaad bedesho cirka cawlan ee ka muuqda gadaasha sawirka, kaas oo yareynaya quruxda sawirka, si kastooy cimiladu tahayba, habkani wuxuu kuu ogolaanayaa inaad si fudud wax uga badesho sawiradaada ku aadan cirarka ka muuqda gadaasha sawirka.

Aaladaha Bilaashka Ah Ee Lagu Tafatiro Sawirada​ 

      • Iftiiminta Sawirka: Habkani waxay kaa caawiynaysaa wanaajinta iftiinka sawirada, iyadoo iftiiminaysa qaybaha mugdiga ah ee uu leeyahay sawirku, iyo muujinta sawir guud ahaan cad.

Aaladaha Bilaashka Ah Ee Lagu Tafatiro Sawirada​

2. Hotpot Tools

Aaladaha Bilaashka Ah Ee Lagu Tafatiro Sawirada​

Aaladani Hotpot Tools waxay is kugu jirtaa habab badan oo tafatir ah oo ku salaysan AI, oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:

      • AI Art Maker: Sawir caadi ah ayaa loo rogayaa farshaxan.
      • AI Picture Colorizer: Sawir bilaa midab ah, sida sawir lagu qaaday madawo iyo cadaan ayaa loo bedelayaa sawir midab leh
      • AI Picture Restorer: Wanaajinta sawiradii hore, iyada oo meesha laga saarayo xagashada, iyo jeexjeexyada, korna loogu qaadayo midabada sawirka.

Sii Daalaco: Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Vector Graphics?

Intaa waxaa dheer, (AI Background Remover) oo sawirka ka saaraysa background-ka ka danbeeya, iyo (AI Object Remover) oo sawirka ka saaraysa shay gaar ah.

3. LunaPic

Aaladaha Bilaashka Ah Ee Lagu Tafatiro Sawirada​

LunaPic waa aalad online ah oo sahlan oo tafatirta sawirada, isla mar ahaantaana ku salaysan AI, kaliya soo gali sawirka aad rabto inaad wax ka bedesho, dooro mid ka mid ah saameeyayaasha iyo filtarada ku jira, oo sug in muddo ah inta ay aaladu kuu hagaajinayso sawirka.

Aaladan waxa kale oo ay leedahay sifooyinka tafatirka sawirada ee aasaasiga ah sida: goynta, rogidda, ka saarista, ka bedelka, iyo qaar kaloo badan.

Sii Daalaco: Waa Maxay Barnaamijyada Ugu Fiican Raster Graphics?

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *