Wax Ka Ogow Sida Ay U shaqeeyaan Search Engine?

Wax Ka Ogow Sida Ay U shaqeeyaan Search Engine?
  • October 11, 2022
  • Comment 4

Wax Ka Ogow Sida Ay U shaqeeyaan Search Engine?

Wax Ka Ogow Sida Ay U shaqeeyaan Search Engine?

 

Internetku waa duni aad u ballaadhan, Waana ilo muhiim ah oo laga helo macluumaadka iyo xogha, waxayna ku dhowdahay inay noqoto isha kaliya ee laga xigto gebi ahaanba, sababtuna waa sahlanaanta helitaanka macluumaadka iyada oo ay ugu wacan tahay mashiinda raadinta ama Search Engine Ingiriisi ahaan.

Dabcan, waxaad isticmaali kartaa siyaabo kale oo aad wax ku baadho, sida inaad browser-kaaga ku qorto link-ga (is ku xidhha) bogga aad rabto, taas oo laga yaabo inay mararka qaarkood aanay suurtogal ahayn iyada oo ay ugu wacan tahay tirada badan ee link-ga (isku-xirayaasha) iyo magacyadooda dheer ee kakan.

Haddii ay dhacdo inaadan garanayn ama aadan aqoonin link-ga bogga aad raadinayso oo buuxa, (xitaa hadii ay ka dhiman tahay xaraf ama lambar), ma helaysid bogga aad raadinayso, Markaa waxaa lama huraan ah inaad adeegsatid ama aad isticmaashid mashiinada raadinta (Search Engine), adigoo soo gaabinayya waqtigaaga iyo dadaalkaaga.

Search Engine sida Google ama Bing ayaa ah albaabbada internetka, maadaama ay ururiyaan xogo iyo macluumaadyo aad u badan oo laga heli karo internetka, iyagoo ay kala soocaan oo ay kala habeeyaan xohaha oo ay gaaraan go’aano ku saabsiisan macluumaadka ku habboon raadiyaha wax baarayya, si ay uga jawaabaan su’aalaha la waydiinayyo.

Sideen uga faa’idaysanaa Search Engine Si aan u helno macluumaadyo wax tar leh?

Kahor intaadan guda galin inaad wax ka raadiso Google, Bing ama Search Engine kale, In yar ka fikir ereyada aad isticmaalayso, sababtoo ah aad ayey u saameenyaan natiijooyinka raadinta.

Haddii aad isticmaasho Erayo tira ahaan yar-yar ama dhowr kelmadood, waxaa laga yaabaa inaad hesho xogo badan oo macluumaad ah, laakiin haddii aad isticmaasho Erayo badan oo dhaadheer, waxaa laga yaabaa inaadan wax natiijo ah helin haba yaraatee.

Maxaan Samaynaa Haddaba?

Hagaag, marka aad rabto inaad hesho jawaabta su’aal gaar ah, sida: “Waa maxay jaamacadaha adduunka ugu fiican?”, ka fikir ereyada muhiimka ah.

Dabcan, waad qori kartaa Erayo badan oo dhaadheer ah, laakiin Search Engine waxay u badan yihiin inay iska indhatiraan qaar ka mid ah ereyada dhaadheer ee aad qortay.

Waxaad markaa soo gaabin kartaa waqtigaaga iyo dadaalkaaga, adigoo qorayya ereyada muhiimka ah sida: “ugu fiican”, “jaamacadaha” iyo “adduunka”. Waxaadna heli doontaa isla natiijadii!.

Hadda waxaa laga yaabaa inaad is weydiiso, waa sidee? Tani waxay noo horseedaysaa inaan ka hadalno sida ay u shaqeeyaan Search Engine-nadu

Sidee bay u shaqeeyaan Search Engine?

Search engine-nadu waxay qabtaan saddex shaqo oo ugu muhiimsan, laakiin aan ku koobnayn, oo kala ah:

      • Gurguurasho (Crawling)
      • Tilmaan-siinta (Indexing)
      • Qiimaynta (Ranking)

1. Gurguurashada (Crawling)

Waxaan dhihi karnaa in gurguurashadu (Crawling) ay tahay habka sahaminta Search engine-nada, halkaas oo Search engine-nadani ay soo diraan kooxo robot-yo ah (bots) si ay u helaan xogo cusub ama xogahii la cusuboonaysiiyay.

Robot-yadani wax kale maaha ee waa barnaamijyo kombuyuutar ah, kuwaas oo abaabulan isla markaana si habaysan uga raadiyaan shabakada caalamiga ah ee internetka. Waxaana loogu yeeraa magacyo kale sida:

      • Web Crawlers
      • Spiders
      • Bots

Sidee bay robot-yadu (bots) u ogaadaan xogta cusub?

xogtu waxay noqon kartaa qaabab kala duwan. Sida: bog shabakad, sawir, muuqaal, faylka PDF ama shay kale, laakiin dhammaantood waxaa helaya Crawles isagoo adeegsanaya is ku xidhka (URL-ka).

Waa Sidee?

Aan soo qaadanno Google tusaale ahaan: Googlebots waxay ku bilowdaan inay booqadaan dhawr bog ama dhawr website oo ku jira shabakada internetka, ka dibna way sahamiyaan dhammaan isku xidhka links-yada gudaha (Internal Links) iyo kuwa dibadda (Externalm Links) ee boggagaas ama website-kaas, Intaa kadib waxay u guurtaa bogga kale ama website kale oo cusub, waxayna samaysaa intii ay samaysey markii hore, sidaasina ayey u shaqaynaysaa, ilaa shabakada sahaminta ay ballaarato oo wax kastoo cusub laga helo.

Inta lagu jiro habkan ee dhex mara isku xirka (link) iyo boggaaga, bot-ka Google-ku wuxuu qaataa koobi ka mid ah isku xirka (link) bog kasta oo uu booqdo, sidaasina uu u uruuriyo xogtii, waxaana xogta lagu daraa tusmada (index) Google ee loo yaqaan Caffeine.

2. Tilmaan-siinta (Indexing)

Ka dib markii ay helaan macluumaad cusub, Search Engine-nadu waxay habeeyaan macluumaadka cusub waxayna ku habeeyaan tusm gaar ah, taas oo ah xog ururin weyn oo la helay intii lagu jiray geedi socodka gurguurashada (Crawling), kaasoo mar dambe loo tixraacayo si loo soo saaro xiriiriye ku habboon oo ka jawaabaya weydiinta raadiyaha.

Sidee loo tilmaan-siyaa ama loo tusmeeyaa isku-xirayaasha (links)?

Inta lagu jiro habka tilmaan-siinta ama tusmaynta, Search Engine-nadu waxay isku dayaa inay ogaadaan waxa ku jira boggaaga ama website-kaaga, sida in ay falanqeeyaan oo ay kala saaraan sawirada, muuqaalada iyo noocyada kale ee tusmada ee ku salaysan arrimo badan oo ay ka mid yihiin algorithms-yada, intaa ka dib xogta la aruurinayyo waxa lagu kaydiyaa kayd aad u wayn oo lagu kaydiyay kombiyuutaro tiro badan.

3. Qiimaynta (Ranking)

Marka qof uu wax ka baadho intarneedka, Search Engine-nadu waxay dib ugu noqdaan tusmooyinkooda oo ay soo doortaan links-yada (isku-xidhayaasha) sida aadka ah u quseeya waydiinta raadiyaha, ka dibna way u soo bandhigaan raadiyaha, iyagoo rajaynaya inay bixiyeen jawaab ku haboon raadiyaha.

Habkan qiimaynta iyadoo loo eegayo sida ay ula xidhiidho waydiinta su’aasha, waxa loo yaqaan Ranking. Markasta oo ay sareeyso qiimaha goob, waa inta ay u badantahay in uu soo bandhigo gaabtaas, si uu uga jawaabo su’aasha ama weydiinta la waydiiyay. Tani waa sababta natiijooyinka ugu horeya ee ka muuqada bogga natiijooyinka raadinta inta badan ay u yihiin kuwa ugu fiican.

Maxaad u danaynaysaa inaad ogaato sida ay u shaqayso Search Engine?

Ogaanshaha sida Search Engine-nadu ay u shaqeeyaan kaliya maaha inay kaa caawinayso inaad si fiican wax uga raadiso ama uga baadho internetka, adoo adeegsanaya erayada saxda ah, laakiin sidoo kale waxay door muhiim ah ka ciyaartaa sida aad u dhisti lahayd website-kaaga.

Halkan, waxaa laga maarmaan ah inaad ogaataa; si goobtaadu ay uga muuqato natiijooyinka raadinta, waa inay marka hore u muuqato Search Engine. Tani waa qaybta ugu muhiimsan ee habka SEO: haddii goobtaada aan la arki karin, ma awoodi doontid inaad sinaba uga muuqato natiijooyinka raadinta.

Haddii website-kaaga aan loo dhisin qaab ay Search Engine-nadu fahmi karaan oo ayna tilmaami karin, markaa joogitaankooda iyo maqnaanshiyahooda internetka, waa isku mid.

Hubi in website-kaagu uu si wanaagsan u habeesna yahay, Si Search Engine-nada wax raadiya ay u helaan, una tilmaamaan, una kala sarreesiiyaan. waana waxay ku saabsiisan tahay SEO.

Sii Daalaco: Waa Maxay Keywords? Iyo Muhiimada Ay Leedahay

Sidoo Kale: Fikrado Ku Saabsiisan Website-Yada Ugu Lacag Samaynta Badan Sanadka 2022

4 Comments

  1. waad ku mahdsan tahay Maqaalkaagan, waxaan aamin sanahay Muhiimaddu waa Keywords ka iyo Hash tagska in aad ku lifaaqdo Articol kasta iyo isticmaalkaaga social Media haba si aad u hesho Macmiil badan. Mahadsanid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *