Search Engine-da ugu caansan uguna isticmaalka badan adduunka

Search engine-da ugu caansan uguna isticmaalka badan adduunka
  • October 27, 2022
  • Comment 1

Search engine-da ugu caansan uguna isticmaalka badan adduunka

Search engine-da ugu caansan uguna isticmaalka badan adduunka

Dad badan ah ayaa maalin kasta ku tiirsan Search Engine-da, si ay u helaan macluumaadka ay uga baahan yihiin dhinacyadooda kala duwan, waxaana loo arkaa Search Engine-da in ay yihiin qaar ka mid ah adeegsiyada ama isticmaalka ugu caansan internetka gabi ahaanba. In kastoo Google uu awood badan ku leeyahay suuqa Search Engine-da, haddana sannadihii u dambeeyay waxaa soo if baxayay Search Engine kale, kuwaas oo aan wax badan ka duwanayn Google, balse loo adeegsado dookh ahaan ama ku qanacsanaan shaqsiyeed, maadaama mid walba uu leeyahay faa’iidooyin u gaar ah.

Maqaalkan ama qormadan, waxaynu ka hadlaynaa -eebe idamkii- qaar ka mid ah Search Engine-da ugu caansan uguna isticmaalka badan adduunka.

1. Google

Google waxa ay bixisaa adeegyo badan oo awood leh sida raadinta sawirada, muuqaalada, buugaagta, iyo wararka oo ay weheliso habab waxtar leh sida habaynta wakhtiga raadinta, taageerada luuqadaha kala duwan.

Google waxa ay isticmaashaa algorithms adag, kuwaas oo siisa isticmaaleyaasheeda macluumaadyada la xidhiidha raadintooda, lana isku halayn karo islamarkaana tayo sare leh, marka loo eego search engine-da kale ee wax laga raadiyo.

Google waa search engine-ka ugu caansan uguna isticmaalka badan adduunka. Waana website-ka ugu booqashada badan adduunka.

2. Bing

Bing waa mid ka mid ah search engine-da ugu caansan adduunka marka laga reebo Google, oo ay leedahay shirkadda caanka ah ee Microsoft.

Bing ayaa caan ka ah Maraykanka marka loo eego aduunka intiisa kale, iyadoo lagu qiyaaso dadka isticmaala 7%, marka la barbardhigo Google oo ah 87%.

3. Yahoo

Yahoo waa mid ka mid ah search engine-da ugu caansan adduunka marka laga reebo Google, iyo Bing, wuxuuna bixiyaa adeegyo badan oo kala duwan sida raadinta wararka, muuqaalada, iyo cododka.

Japan ayaa ka mid ah wadamada sida aadka ah u isticmaala Yahoo, iyadoo isticmaalkeedu uu yahay 15%, halka Google-ka laga isticmaalo Japan uu yahay ilaa 75%.

4. Yandex

Yandex waa search engine laga leeyahay dalka Ruushka, waxaanu caalamka kaga jiraa kaalinta afraad, In kasta oo uu yahay search engine-ka ugu caansan Ruushka, Hadana sidoo kale waxa oo uu leeyahay qaar ka mid ah isticmaaleyaasha waddamada kale sida Turkiga, Belarus, Kazakhstan iyo Uzbekistan.

Heerka isticmaalka Yandex ee dalka Ruushka waa 49%, marka loo barbardhigo Google oo ah 48%.

5. Baidu

Baidu waa mid ka mid ah search engine-da ugu caansan dalka shiinaha, lagana leeyahay. Waxayna caalamka kaga jirtaa kaalinta shanaad. Waxayna bixisaa adeegyo kala ah: raadinta dukumentiyada, sawirrada, faylasha, muuqaalada iyo bogagga internetka.

Marka loo eego tirakoobyadii ugu dambeeyay, search engine-ka Baidu waxaa isticmaala tiro dhan 75.54% dadka Shiinaha, search engine-da Bing iyo sidoo kale Sogo, ayaa caan ka ah Google marka la joogo gudaha Shiinaha, kaas oo leh 3.5.

Search Engine-da ugu caansan ee ku saabsiisan raadinta xogaha Sayniska iyo tacliinta

Waxaa jira search engine-no u heellan helitaanka xogta iyo macluumaadyada ku saabsiisan sayniska iyo tacliinta, waa kuwan kuwooda ugu caansan:

Search Engine-da ugu caansan ee ku saabsiisan raadinta muuqaalada

Waxaa jira Search Engine-no badan oo u heellan raadinta muuqaalada, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin:

Search Engine-da ugu caansan ee ku saabsiisan raadinta sawirada

Waxaa kale oo jira Search Engine-no u heellan raadinta sawirada, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin:

Sii Daalaco: Wax Ka Ogow Sida Ay U Shaqeeyaan Search Engine?

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *