Waa Maxay Faa’idooyinka Ay Leedahay SEO?

Waa Maxay Faa’idooyinka Ay Leedahay SEO?
  • December 4, 2022
  • Comment 8

Waa Maxay Faa’idooyinka Ay Leedahay SEO?

Waa Maxay Faa’idooyinka Ay Leedahay SEO?

Shirkadeena ka GELLE BASHIR ahaan, si fiican ayaan u ognahay faa’iidada ay leedahay SEO? Waxaana had iyo jeer ku dadaalnaa inaan bixinno adeegyada SEO-da ugu wanaagsan si aan uga dhigno goobtaada mid ka soo muuqata natiijooyinka raadinta ugu horreysa.

Search Engine-nadu waxay raadiyaan bogag ay ku jiraan mawduucyo la xidhiidha waxa uu raadinayo isticmaaluhu, ka dibna way habeeyaan oo waxay u soo bandhigaan akhristaha si habaysan, iyada oo loo eegayo tayada nuxurka iyo heerka guusha goobta ay ku leedahay Search Engine-da. Maqaalkan, waxaan kuugu sharxi doonaa faa’iidada ay leedahay SEO? Si faahfaahsan.

Faa’iidada Ay Leedahay SEO?

Waxaa jira faa’iidooyin badan oo uu leeyahay SEO, oo loogu talagalay boggaga internetka ee shakhsiyaadka, ama shirkadaha mashaariicda iyo hawlaha ganacsiga, maadaama ay tahay isha ugu weyn ee booqashooyinka mareegaha, taas oo gacan ka geysata kordhinta faa’iidada shirkadaha iyo mashaariicda ganacsiga, iyada oo loo marayo booqashooyin bilaash ah (Free Organic Traffic), waxaa intaa dheer in ay jiraan fursado kale oo aad uga faa’iidaysan karto SEO, Iyadoo loo marayo olole xayeysiineed oo lacag ah.

Isku soo wada duub, qodobadan soo socda, waxaan ka hadli doonaa faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee ay leedahay SEO, kuwaas oo kala ah:

      • Helidda booqdayaal badan
      • Goobtaadu oo ay ka soo muuqato kaalmaha koowaad ee Search Engine-da
      • Haddii ay goobtaadu tahay goob bixisa badeecado ama adeegyo, waxaa kodhi kara iibkaaga.
      • Si fudud baa lagu gaadhi karaa dadka bartilmaameedka ah, ama suuqa bartilmaameedka ah.
      • Booqdaha ama macmiilka oo ku aamina, iyadoo ugu wacan tahay kaalmaha koowaad ee aad kaga jirto Search Engine-da.

Sii Daalaco: Wax Ka Ogow Sida Ay U Shaqeeyaan Search Engine?

Aaladaha Ugu Fiican Ee Loo Isticmaalo SEO-Da

Waxaa jira agabyo ama aalado badan oo loo adeegsado SEO, ha se ahaatee waxaynu xusi doonaa -eebe idamkii- qaar ka mid ah aaladahaas, oo loo isticmaalo in lagu wanaajiyo goobaha Search Engine-da, oo ay ku jiraan kuwa bilaashka ah iyo kuwa lacag ah, sida soo socota:

1- Google Search Console

Waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah aaladda ugu muhiimsan SEO, ee ay leedahay shirkadda Google, kaas oo bilaash ah oo kaa caawinaya tusmaynta goobta natiijooyinka Search Engine-da, muujinaya tirada gujisyada, iyo ka warbixinta xiriiriyeyaasha dibadda.

2- Google Analytics

Waxqabadkani wuxuu bixiyaa falanqaynta goobta iyo tirakoobka codsiga moobiilka marka loo eego tirada booqashooyinka goobta, iyo qaybaha shakhsi ahaaneed ee booqdayaasha goobta marka loo eego waddanka ay ku sugan yihiin, da’da, aalada ay isticmaalayaan, jinsiga, celceliska.

3- Seamarch

Seamarch waa aalad suuqgeyn dhijitaal ah oo bixisa la socodka tafatiran iyo falanqaynta mareegahaaga iyo mareegaha tartamayaasha labadaba. Waa mid ka mid ah aaladaha SEO ugu fiican uguna dhammayskatiran, ee loo isticmaalo:

      • Falanqaynta domain
      • Raadi ereyada muhiimka ah
      • Falanqaynta ereyada muhiimka ah.
      • Waxay ku tusinaysaa cilladaha mareegahaaga waxayna soo jeedinaysaa talooyin lagu hagaajinayo boggaaga.
      • Waxaad si faahfaahsan u kormeeri kartaa goobtaada oo aad samayn kartaa xisaab xidhka taraafikada dabiiciga ah iyo xisaab xidhka bogga.
      • Loo isticmaalo xayeysiisyada Google iyo daraasaadka warbaahinta bulshada.

Iyo Qaar kale oo ay ka mid yihiin kuwan

      • Screaming Frog
      • Rank Math
      • Yoast SEO
      • Keywordtool
      • MOZ
      • KWFinder
      • Majestic
      • Google Page Speed
      • Ubersuggest

Sii Daalaco: Search Engine-Da Ugu Caansan Uguna Isticmaalka Badan Adduunka

8 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *