Shaqayso adigoo gurigaaga jooga (6 shaqo)

  • December 24, 2022
  • Comment 8

Shaqayso adigoo gurigaaga jooga (6 shaqo)

Shaqayso adigoo gurigaaga jooga (6 shaqo)

Waayadan dabne, waxaa caan noqotay in guriga laga dhex shaqaysto, badalkii la shaqo tagi lahaa, shaqayso adigoo gurigaaga jooga.

Waxaa jira sababo badan oo lagu doonayo dabacsanaanta uu ganacsiga gurigu bixin karo. Haddii isbeddelka hab-nololeedku yahay waxa aad raadinayso, markaa waxaad u baahan doontaa inaad si fiican u eegto xirfadahaaga iyo danahaaga si aad u doorato shaqooyinka badan ee shaqada-guriga ah ee kugu habboon.

Fikradaha Ganacsiga Guriga

Shaqaale kasta oo shaqa taga, badankoodu waxay ku riyoodaan ama ay ku fikiraan inay shaqada ay hayaa mar uun ka tagaan, oo ay bilaabaan ganacsi iyaga u gaar ah.

Nasiib wanaag, wakhti xaadirkan, riyadani waxay noqon kartaa mid dhab ah oo fudud.

Haddii aad leedahay kombuyuutar iyo internet, waxaa jira fikrado ganacsi oo badan oo aad ka shaqayn karto adigoo gurigaaga jooga, uguna horreeyaan kuwan soo socda:

1. Macallin online ah

Haddii aad khabiir ku tahay maaddo gaar ah, sida xisaabta ama bayoolajiga, waxaa laga yaabaa inaad awoodo inaad aqoontaas la wadaagto ardayda raadinaya inay horumar ka gaaraan.

2. Turjumaan

Haddii aad taqaan luqado badan, waxaad u adeegi kartaa shirkadaha iyo macaamiisha siyaabo badan oo kala duwan. Waxaad turjumi kartaa maqaallada, war-saxaafadeedyada, buugaagta elektaroonigga ah, muuqaalada, podcasts-yada, iyo qaabab kaloo badan. Waxaa intaa dheer, waxaad la xiriiri kartaa shirkadaha caalamiga ah, si aad turjumaan ugu noqoto shirarka ay qabanayaan ama wicitaanada telefoonka macaamiishooda.

3. Naqshadeeye

Haddii aad ku fiican tahay naqshadaynta oo aad tahay qof aragti dheer u leh, waxaad ku shaqaysan kartaa nqashadaynta adigoo gurigaaga jooga, waxaadna shirkadaha aanan haysan wakhti ama karti ay ku qabtaan shaqadan naqsahadaynta ah, aad u samayn kartaa naqsahadaynta boodhadhka, xayaysiisyada khadka tooska ah, badeecadaha, iwm.

Sii Daalaco: Sideed U Noqon Kartaa Naqshadeeye Guulaysta?

4. Blogging

Waa mad ka mid ah habaka aad ku shaqaysan karto adigoo gurigaaga jooga, waxaadna soo daabici kartaa maqaalada, lagana yaabaa inaad u baahato maalgashi yar, maadaama aad u baahan doonto inaad iibsato domain name, iyo hosting, waxaa intaa dheer in shirkadeena ay kugu caawinayso midan, iyadoo kuu dhisaysa blog-xirfad leh, wattana agabyadiisa.

Sii Daalaco: 3 Siyaabood Oo Aad Lacag Uga Samayn Karto Blog-Kaaga

5. Affiliate Marketing

Habkani waa mid aad faa’iido u leh, maadaama aad adigu dooranayso alaabta ama adeega aad rabto inaad suuqgayso, si loo iibsado, iib kaste oo adiga dartaa u dhaca, waxaa ku leedahay faa’ido cayyiman, oo ku xidhan alaabta ama adeega aad iibiso iyo goobta kuu ogolaatay inaad u suuqgayso alaabtooda ama adeegooga.

Sii Daalaco: 3 Talo Oo Ku Saabsan Affiliate Marketing

6. Maamulidda warbaahinta baraha bulshada

Maanta, ganacsi kasta, wuxuu u baahan yihiin baro bulsheed si ay ula falgalaan dhadwanahooda, la socdaan, oo kor u qaadaan wacyiga sumaddooda.

8 Comments

  1. Mansha allah waa fikradda wacan in adduunkan casriga ah si dhow looga shaqaysto adiga oo gurigaaga jooga waana mid aad u anfacaysa dhalinyarada jamacaddadaha ku jira
    Mahadsanid ustaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *