Maxaa qofka ku kallifa inuu shaqeeyo? Kaliya ma lacag baa?

Maxaa qofka ku kallifa inuu shaqeeyo? Kaliya ma lacag baa?
  • October 13, 2022
  • Comment 0

Maxaa qofka ku kallifa inuu shaqeeyo? Kaliya ma lacag baa?

Maxaa qofka ku kallifa inuu shaqeeyo?, shaqeyso

Weligaa ma ka fikirtay waxa kugu dhiirigelinaya inaad si adag u shaqeyso? Inteena badan jawaabtu way dhaafsiisan tahay lacag ama faa’iido maadi ah, su’aasha ah maxaa qofka ku kallifa ama ku dhiirigaliya inuu shaqeeyo?, maxaa dadka ku kallifa oo ku dhiirigaliya inay shaqo tagaan maalin kasta? iyo sababta ay dadaalkooda oo dhan isugu geeyaan, SI GUUD, Dadka hab-dhaqankooda waxa qaabeeya qiyamkooda, caqiidadooda, dareenkooda iyo waaya-aragnimadooda, iyo sidoo kale baahiyaha aasaasiga ah ee aadanaha, sida korriinka iyo xidhiidhka.

Nasiib wanaag, shakhsiyaadka qaarkood – sida Daniel Pink, oo ah qoraa wax ka qora ganacsiga iyo habdhaqanka aadanaha ayaa aad uga hadlay arrimahan, Wuxuuna soo jeediyay muxaadaro ku saabsiisan waxyaabaha dadka dhiirigelinaya isagoo ku soo bandhigay filim gaaban oo animated ah.

Filimkan, Daniel waxa uu ka hadlayay natiijada cilmi-baadhisyo ku saabsiisan waxa dadka ku kallifa in ay si adag uga shaqeeyaan shaqadooda, waxa la yaab leh, inaysan natiijado noqon wax ku saabsiisan lacag. Ee ay ku saabsiisan tahay rabitaanka qofka iyo baahida loo qabo hormarka, korriinka, iyo wax ku biirinta.

Waxaana ka cad cilmi-baarista in dareenka iyo hal-abuurku ay si wadajir ah u soo saaraan dhiirigelin, Daraasad lagu daabacay Joornaalka Neuroscience ayaa muujisay in ka qaybgalayaashu ay yihiin kuwo dhiirigelin badan marka ay ka qayb qaadanayaan hawl gaar ah, in ka badan amygdala-dooda (oo ah meesha ugu dareenka badan maskaxda).

Dadka waxaa haga qiyamkooda iyo fikradahooda, ee maaha isku dayga dadka kale inay saameyn ku yeeshaan iyaga ama xitaa duruufaha dibadda, tani waxay khusaysaa haddii aad rabto inaad ogaato waxa kugu kallifa ama kugu dhiirigelinaya inaad si adag u shaqeyso ama kugu riixaya inaad samayso dadaal dheeri ah, iyo inaad gaadho yoolalka qaarkood, ama xitaa inaad wax ka bedesho naftaada.

Maxaa Dadka Ku Dhiirigeliya Inay Shaqeeyaan?

Ilaa iyo inta shaqaalaha si ku filan loo siinayo mushaarkooda si ay u gutaan shaqadooda, waxaa jira shan ujeedo kale oo aan dhaqaale ahayn oo ka dhigaya shaqaaluhu inay si adag u shaqeeyaan waana: madaxbannaani, karti, ujeedo, xamaasad, iyo muhiimadda.

1. Madaxbanaanida

Shaqaaluhu waxa ay u baahan yihiin in ay dareemaan inay xirfad u leeyihiin shaqadooda islamarkaana lagu aamini karo; Sidaa darteed, awood u yeelashada madax-bannaani heer macquul ah goobta shaqada waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu waxtarka badan ee dhiirigeliya dadka.

2. Kartida

Dhammaystirka shaqaalaha shaqadooda waa qayb muhiim ah oo ka mid ah waxa dadka ku kallifa oo ku dhiirrigeliya inay ficil sameeyaan. Se hadii la waayo agabkii lagu shaqayn lahaa, xogahii la isdhaafsan lahaa, iyo baahiyii kale ee shaqaaluhu gaarka u lahaa, way adkaanaysaan in shaqadaas la gutto, markaa hubi in qof kasta oo bilaabaya shaqada inuu haysto agabkii looga baahnaa shaqada. iyo xogaha ku saabsiisan shaqada, iyo waxyaabaha kale ee uu u baahan yahay si uu ugu wanaajiyo shaqadiisa.

3. Ujeedada

Maxaa kugu dhiirigelinaya inaad si adag u shaqeyso? Dhiirigeliyaha ugu wanaagsani waa dareenka ujeedada shaqada. Lacagtu badanaa dadka kuma dhiirigeliso inay si adag u shaqeeyaan; Dareenka ujeedada iyo waxtarka ay ku leeyihiin shaqooyinkooda ayaa ku dhiirigaliya inay si adag u shaqeeyaan. Markaa ilaali Hadii aad tahay loo shaqeeyaha Joogitaanka shaqaalaha iyo niyadooda, waxaadna fahmi doontaa waxa shaqaalaha ka dhigaya mid faraxsan oo u heellan shaqadooda.

4. Xamaasadda

Xamaasad la’aan haday jirto noloshu waa caajis. Waxaadna u baahan tahay xamaasad xagga cilaaqaadka iyo xiisaha shaqada, Waana ta ina siinaysa tamar aan xad lahayn.

5. Muhiimadda

Muhiimadu waa mid ka mid ah waxyaabaha dadka ku dhiirigeliya inay shaqeeyaan. Muhiimada laga hadlayyana waa aqoonsiga iyo ixtiraamka shaqaalaha. Dadku waxay ku dhiiradaan inay si adag u shaqeeyaan markay dareemaan in ay muhiim yihiin lana aqoonsan yahay oo la ixtiraamo.

Maxaa qofka ku riixa inuu nafstiisa badalo?

Waa inaad ka faa’iidaysato waxa kugu dhiirigelinaya inaad si adag u shaqeyso, si aad uga shaqeyso korriinkaada shaqsiyeed, inaad badasho dabeecad shakhsiyeed waxay noqon kartaa mid aad u adag, Dadku inta badan waxay ku dhagganaadaan caadooyin hore oo la yaqaan, ilaa ay timaaddo sabab adag oo ku kallifaysa ​​inay isbadalaan mooyaane.

Maxay cilmi-baadhistu ka leedahay waxa qofka ku riixayya inuu isbadalo? Cilmi-baadhistu waxa ay soo tebisay in isbaddalka hab-dhaqanku uu ku yimaado laba waji: gudaha/dibadda, natiijooyin xun/fiican iyo fikrado taban/togan. Cabbiraadahani waxay isu geeyaan afar siyaabood oo kala duwan, mid walbana wuxuu soo saaraa saamayn ka duwan kan kale:

  1. Marka uu qofku ku dhiirado inuu baddalo arrimo gudaha ah: sida xamaasadda, natiijooyinka wanaagsan, iyo xaqiijinta riyooyin ama yoolal, waxay u badan tahay inuu ku guuleysto ​​​​isbaddalka naftiisa.
  2. Marka uu qofku ku dhiirado inuu baddalo arrimo dibaddda ah: sida duruufo iyo natiijooyin wanaagsan; Waxay u badan tahay inuu ku guuleysto inuu naftiisa baddalo ugu yaraan qayb.
  3. Marka uu qofku ku dhiirado inuu baddalo arrimo gudaha ah iyo natiijooyin xun: sida khatarta guul-darrida ama khasaaraha; Waxa laga yaabaa inuu ku guulaysto inuu naftiisa baddalo ilaa xad, laakiin waxa jirta khatar ah inuu dib ugu noqdo dhaqan aan loo baahnayn.
  4. Marka uu qofku ku dhiirado inuu baddalo arrimo dibadda ah iyo natiijooyin fiican: Uma badna in qofku ku guulaysan doono heer kasta oo isbadal shakhsi ahaaneed ah.

Ugu Danbayntii

Waxa kugu dhiirigaliya inaad shaqayso way ka duwanaan kartaa waxyaabaha kale ee dhiirigaliya dadka kale, ha sa yeeshee shantan arimood ee aan kor ku xisnay ayaa laga soo minguuriyaa guud ahaan.

Sidee arrimahan loogu sheegi karaa maamulaha doonaya inuu dhiirrigeliyo shaqaalihiisa? Sideese u qaadi kartaa tallaabo baaxad leh oo aad ku dhaqan geliso xeeladaha kor u qaadista wax soo saarka?

Sii Daalaco: Waa Maxay Shaqooyinka Loogu Baahi Badan Yahay Internet-Ka

Sidoo Kale: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato

Sidoo Kale: Forum cusub ban sameeyey oo su’aalo iyo jawaabo la isku weydin karo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *