9 Fikradood Oo Aad Lacag Dheeraad Ah Ka Samayn Karto, Adigoo Watta Shaqadaada

  • October 16, 2023
  • Comment 13

9 Fikradood Oo Aad Lacag Dheeraad Ah Ka Samayn Karto, Adigoo Watta Shaqadaada

Qaar badan oo naga mid ah ayaa isku daya inay raadiyaan habab hal abuur leh oo dabacsan oo u suurtagalinya inay helaan lacag dheeraad ah, iyagoo watta shaqadooda. Raadinta iyo ka shaqaynta shaqooyin fudud, waa sida ganacsi yar oo barbar socda shaqadaada.

Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa 9 ka mid ah shaqooyinka fudud ee barbar socon kara shaqooyinka caadiga ah, iyadoo dakhli fiican oo dheeraad ah laga samayn karo, mid walbana uu leeyahay faa’iidooyin u gaar ah.

Shaqooyinka aynu xusi doono –eebe idamkii- waxay hoos imanayna 3-dan gooobood, oo kala ah:

  • Freelancing (Shaqooyinka Madaxa-Banaan)
  • E-commerce (Ganacsiga Elektarooniga Ah)
  • Content Creation (Curinta Nuxurka)

Freelancing (Shaqooyinka Madaxa-Banaan)

1. Qoraa Ama Tafatire

Qoraa ama tifaftire ahaan, waa shaqooyinka fudud ee barbar socon kara shaqooyinka caadiga ah, qofka qoraa ama tafatire ahina wuxuu soo saari karaa qoraalo, blog-yo, qormooyin, tirakoobyo, wargaysyo, iyo wax kastoo qoraalka ku saabsan oo soo jiidasho leh.

Ganacsiyada iyo shakhsiyaadka leh mashaariicyo gaar ah ayaa had iyo jeer raadiya eray-bixiyaqaanno karti leh si ay uga caawiyaan inay farriimahooda si soo jiidasho leh u soo baxaan.

2. Naqshadeeye

Naqshadeeyuhu, isagoo adeegsanaya xirfadiisa hal-abuurnimeed iyo aqoonta uu u leeyahay software-rada naqshadaynta, wuxuu soo saari karaa naqshado bilic ahaan iyo muuqaal ahaanba qurux badan, sida naqshadaynta Post-yada, Logo-yinka, Buugaagta, Magazine-nada, Shahaadooyina, Presentation-nada, iwm.

Naqshadayntu waxay ka mid tahay shaqooyinka ugu fiican uguna fudud ee barbar socon kara shaqooyinka caadiga ah ee dhakhliga dheeraadka ah laga samayn karo.

3. Samaynta Iyo Naqshadaynta Website-Yada

Haddii aad taqaanid sida loo sameeyo website-yada, sida loo hirgaliyo, iyo sida loo naqshadeeyaba, waxaa wakhti xaadirkaa kugu habboon inaad ku shaqaysato xirfadahan aad taqaano, adigoo xirfadahan lacag fiican oo dheeraad ah ka samayn kara.

4. Injineerinimada Ku Salaysan “GARAADKA SAMAYSKA AH”

Injineerinimada ku salaysan “GARAADKA SAMAYSKA AH – Artificial Intelligence – AI” waa shaqooyin wakhti xaadirkan aad u soo kobcaya, isla mar ahaantaana baahi weyn loo qabo.

Haddii aad khibrad u leedahay AI-da guud iyo waxa loo yaqaan “Machine Learning – ML” isla mar ahaantaana aad haysato wakhti firaaqo ah, ka shaqaynta xirfadan waxay noqon kartaa shaqooyinka ugu wanaagsan ee aad dakhli dheeraad ah ka samayn karto.

E-Commerce (Ganacsiga Elektarooniga Ah)

5. Dropshipping

Waa ganacsi ka kooban 3 xubnood, xubinteeda koowaad waa alaab-qaybiyaha ama alaab-sameeyaha laftiisa, xubinteeda labaadna waa macmiilka, teeda sadexaadna waa dhexdhexaadiyaha oo adiga ah.

Hasa yeeshee, diinteena suubani waxay iibka sharciga ah ee ku aadan qofka iibiyaha ahi ka dhahday, waa in qofka iibiyaha ahi uu “LEEHYAHAY” ama uu “WAKIIL” ka yahay “WAXA” uu iibinayo.

Sidaa darteed, badanka ganacsiyada ku salaysan dropshipping-ka ma ahan kuwo sharci ah, maadaama uu ganacsigan asal ahaanba ku salaysan yahay iibinta wax aanad lahayn, ama aanad wakhti xaadirkaa mulkiyadaada ku jirin.

Si aad uga fogaato inaad ku dhacdo iibka aan sharciga ahaynna, waxaad marka hore la xidhiidhaa alaab-qaybiyaha ama alaab-sameeyahay laftiisa, adigoo ka codsanaya inaad wakiil ka noqoto iibinta alaabtiisa.

Haddaba, hadii aad si dhab ah u rabtid barashada ganacsiga e-commerce-ga iyo ka shaqaynteedaba waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran, tasood ku baran doontid ganacsigan bilaw ilaa dhamaad.

Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira TheoryPractise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

6. Print On Demand (Daabacaadda Dalabka)

Daabacaadda dalabka waxay kuu ogolaanaysaa inaad iibiso alaabta sida gaarka ah loo nashqadeeyay sida funaanadaha, koobabka, iyo boodhadhka adoon ka welwelin alaabta lafteeda ama dhoofinta alaabtaba.

Kaliya waxaad samayn doontaa naqshado soo jiidasho leh, waxaadna ku daabaci badeecadaha gaarka loo naqshadeeyey ee aan kor ku xusnay.

7. Affiliate Marketing-Ka (Suuqgeynta Kumishinka Ah)

Affiliate Marketing: waa hab suuqgeyneed oo ku dhisan mabda’a ah faa’iido wadaag kaasoo u dhexeeya cidda iska leh alaabta ama adeega la iibinayo – iyo qofka suuqgeynaya badeecadaas ama adeeggaas si loo iibsado, (waxa la iibinayana wuxuu noqon karaa wax la taaban karo iyo wax aan la taaban Karin Physical/Digital).

Content Creation (Curinta Nuxurka)

8. Blogging

Qorista blog-yada waa nooc ka mid ah qorista madaxa-bannaan, kaas oo ah curinta nuxur la habeeyey oo u gaar ah dadwayne gaar ah, taas oo lagu beegsanayo dhagaystayaal gaar ah ama dadweyne gaar ah.

Waxaad kaloo samayn kartaa, halkii aad wax u qori lahayd blog-yo ay leeyihiin dadyaw kale, waxaad adu laf-ahaantaada u samaysan kartaa blog kuu gaar ah.

9. Podcast

Bilaabida podcast waxay noqon kartaa mid madadaalo iyo faa’iido leh, dhanka kale hadii laga eegona, waxay noqon kartaa mid adag oo jahawareer ah marka hore, iyadoo ku xiran hadafyadaada.

Podcast waa majaal soo jiray ilaa 2003, wuxuuna ka kooban yahay 2 eray “Pod” oo laga soo gaabiyay agabka iPod ee ay leedahay shirkadda apple iyo “Broadcast” oo ay mecnaheedu tahay baahin.

Podcast-ku waa baahin maqal ah oo lagu baahin karo internetka, wuxuuna raadiyaha kaga duwan yahay in aad wakhti kasta dhagaysan karto, oo aan kaliya ahayn wakhtiga sida tooska ah loo tabinayo. Podcast-kuna wuxuu noqon karaa mid maqal ah ama maqal iyo muuqaal ah.

13 Comments

  1. Ustadi ku mahadsanid qoraladda qimaha badan, xambarsan dhira galinta jogtada ah, waxan go’ansaday inan E-commerce course ah ka barto, kadibna an aniga sameyo online Store on Amazon (FBA), shopify, iyo print on demand(prinfy) Etsy.
    Mahadsanid.
    Ibrahim

  2. Ustaadii aadbad umahadsan tahay runtii cashar qiimo badan leh Oo wax badan laga faaiidayo ayaad soo galaysay ustaad. Ustaadii waxan kamida ahay dhalinta xiisaynaysa Ganacsiga internetka markaa waxan jeclaan lahaa inaan gaar kuula soo hadlo whasapkaagana iisoo sheegto ustaadii

  3. Baladkii Nugaaleed

    Aad iyo aad ayaan ujeclahay qorshayaashaada waxaadna tahay qof kudayasho mudan
    Waana ku xidhnahay
    Dhamaan telegram Facebook
    Waxaana kuu ahay arday aan aqoonsi kaahaysan ogaantaa
    Horay usoco wlle geele bashiir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *