Waa maxay shaqooyinka loogu baahi badan yahay internet-ka

Waa maxay shaqooyinka loogu baahi badan yahay internet-ka

Waa maxay shaqooyinka loogu baahi badan yahay internet-ka

Waa maxay shaqooyinka loogu baahi badan yahay internet-ka

Waa maxay shaqooyinka loogu baahi badan yahay goobaha shaqada xorta ah (freelancing)? ama si guud, shaqooyinka loogu baahi badan yahay internet-ka? Sanadihii la soo dhaafay, goobaha shaqada xorta ah (freelancing) baahida loo qabo ayaa aad u badatay. Dad badan ayaa bilaabay ama u soo jeestay inay iskood u shaqaystaan, sababtoo ah freelancing-ku ama iskaa-u-shaqeysigu wuxuu bixiyaa ama siiyaa qofka xoriyad iyo dabacsanaan, marka loo eego shaqooyinka caadiga ah. Markaa haddii aad rabto inaad guda gasho goobaha shaqada xorta ah, waa inaad ogaataa shaqooyinka ugu wanaagsan ama shaqooyinka ugu baahida badan, Isla mar ahaantaana faa’iido wanaagsan soo saara ama lacag badan laga sameeyo.

Haddaba, in kasta oo mar walba la innagu dhiirri-geliyo ama aynu isku dhiiri-galino naf-ahaanteen inaan dooranno shaqooyinka la xidhiidha xirfadaheena iyo xiisaheena. si aan u gaarno hadafkeena ah madax-bannani dhaqaale. Maqaalkan waxa aynu dib-u-eegis ku samayn doonaa shaqooyinka ugu muhiimsan ee baahida weyn loo qabo, faa’iido wanaagsanna laga helo, ama lacag badan laga sameeyo. Waana kuwan:

Shaqooyinka ugu muhiimsan ee loogu baahi badan yahay internet-ka uguna caansan

1. Programming

Programming ama Barnaamij-samaynta waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu baahida badan internetka, si guud. waxayna leedahay ama laga sameeyaa dakhli badan, maadaama baahida loo qabo guud ahaan ay tahay mid si joogto ah u kordheysa. Programming-ku ama Barnaamij-samaynta waa goob, majaal ama takhasusu ballaaran, waxaana ka mid ah: Desktop Software Development, Data Analysis, Game Development, Software Development, Artificial Intelligence, Graphic Interface Development,

Sidaa darteed, waxaa lagama maarmaan ah in lagu takhasuso goob gaar ah, sidoo kale waxaa iyaduna lama huraan ah doorashada luqadda barnaamijka aad ku shaqeyn doonto mustaqbalka (Haduu Eebe Idmo), maadaama luqadaha barnaamijyada qaarkood ay baahi weyn u qabaan suuqa shaqada xorta ah marka loo eego luqadaha kale. Luqadaha ugu caansan waxay kuu dammaanad qaadayaan fursad weyn oo aad ku heli karto shaqo dakhli dhaqaale sare leh.

Shaxda soo socotaa waxay natusinaysaa luqadaha barnaamijka ugu caansan ama loogu adeegsiga badan yahay.

Waa maxay shaqooyinka loogu baahi badan yahay internet-ka

2. horumarinta web-ka

Waa mid ka mid ah shaqooyinka iyo xirfadaha loogu baahi badan yahay internet-ka, haddii ay noqon lahayd shirkad ama shaqsi, arrinta farxadda leh ayaa ah in shaqsi kastaa uu baran karo horumarinta web-ka isaga oo aan wakhti iyo kharash badan ku bixin barashadiisa, iyadoo ay jiraan casharro iyo duruusyo iyo xitaa koorasyo badan oo bilaash ah oo sharxaya ama faahfaahinaya horumarinta web-ka oo aad kala socon karto Intarneet-ka waxnana ka baran karto. Qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta web-ka ee aadka loogu baahi badan yahay ayaa ah:

      • Soo-saarayaal ama hormariyayaal buuxa (full stack developers)
      • Soo dajinta iyo wax ka baddalka WordPress (Install and modify WordPress)
      • naqshadeynta bogga hore ee landing page (Landing page design)
      • Horumarinta plugins-yada iyo themes-yada WordPress (Development of WordPress plugins and themes)
      • Dhisidda dukaan online ah (Building an online store)
      • Dhisidda website shirkadeed (Building a company website)

3. Horumarinta App-ka

Mid ka mid ah shaqooyinka ugu muhiimsan uguna baahida badan ayaa ah Hormarinta App-ka ama Samaynta App-ka hadaan si kale u dhogo, Curinta App-ka. Taleefannada casriga ah ayaa si weyn u fidayya 10-kii sano ee u danbeeyay, iyadoo waayadan danbe si aad ah loo adeegsanayo, haday noqon lahayd wax iibsiga, wax barashada, raadinta macluumaadka, maaraynta ganacsiyada, iyo dalbashada tagsiga, iyo xitaa dalbashada cuntada. Qaar badan oo ka mid ah milkiilayaasha leh ganacsiyo ama bixiya adeegyo ayaa raadinaya qof u dhisa ama u hormariya app ku salaysan ganacigooda ama adeegyada ay bixiyaan. Sidaas darteed inaad ka shaqayso shaqadan oo laga helo faa’iido iyo dakhli badan ayaa u baahan inaad barato xirfado iyo farsamooyin badan oo adag, waxaadna u baahan tahay inaad barato in muddo ah, ha sa yeeshee shaqadan waxay kuu dammaanad qaadaysaa dakhli dhaqaale oo aad u sarreeya.

4. Naqshadaynta

Waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah shaqooyinka aadka looga baahan yahay suuqa shaqada xorta ah, laamaheeda iyo takhasuskeedana aad ayey u badan yihiin, qof kastana wuu baran karaa isagoo gurigiisa jooga islmarkaana wuu ku shaqaysan kara. waxaa intaa dheer in ay dammaanad qaadayso dakhli dhaqaale oo wanaagsan. Barnaamijyada ugu caansan ee naqshadeeyayaashu ay ku tiirsan yihiin ama ay adeegsadaan badankooda waa barnaamijyada Adobe gaar ahaan Adobe Photoshop, Illustrator, InDesign, iyo kuwa kale.

Sii Daalaco: Sideed U Noqon Kartaa Naqshadeeye Guulaysta?

5. Suuqgeynta Dhijitaalka ah

Kumanaan mashruuc oo dhijitaal ah ayaa la sameeyaa ama la curiyaa maalin kasta, mashaariicdani waxay u baahan yihiin suuqgeyn si ay u suuq geeyaan alaabtooda iyo adeegyadooda. Sidaa darteed, shaki kuma jiro in ay jirto koror joogto ah oo ku saabsan baahida khubarada suuqgeynta dhijitaalka ah. Suuqgeynta dhijitaalka ah waa goob aad u ballaaran, waxaana ka mid ah kuwan, laakiin aan ku xaddidnayn:

      • Content Marketing
      • Social Media Marketing
      • Relationship Marketing
      • Pink Marketing
      • Backstage Marketing
      • Value Marketing
      • SEO Marketing

Waxaana jira shaqooyin badan oo kale oo ah kuwa ugu baahida badan oo dammaanad qaadaya dakhliga sare iyo faa’iidada wanaagsan, sida:

      • Amniga internetka. (Cyber security)
      • Qoraalka (Writing)
      • Turjumaadda (Translation)
      • Goobaha la-talinta maaliyadda iyo xisaabaadka. (financial consulting and accounting)

Talooyin muhiim ah, marka aad dooranayso shaqooyinka madaxa bannaan

      • Marka aad dooranayso mid ka mid ah shaqooyinka laga shaqaysto ee suuqa shaqada xorta ah, doorashadaadu waa in ay ku salaysnaataa xiisaha aad u qabto shaqadaada oo marka hore ay ku habboonaato xirfadahaaga, hadaba maxay tahay faa’iidada ku jirta in aad ku takhasusto shaqo aanad bixin Karin ama tayo ahaan iyo qiimo ahaan liidata.
      • Waxaa muhiim ah in aad ka shaqeyso sidii aad u balaarin lahayd takhasuskaaga oo aad u fiirsato shaqooyinka aan kor ku soo xusnay, maadaama goobaha shaqadu ay badan yihiin, fursadahana way badan yihiin. waxaana dhici karta in uu jiro shaqooyin kale oo adiga kugu haboon oo aad ku guulaysan karto.
      • Shaqooyinka ama takhasusaadaka ugu muhiimsan looguna baahi badan yahay way badan yihiin, Sidaa darteed, waa inaad doorataa takhasuska kugu habboon adiga.
      • Sidoo kale waa inaad la socotaa wax kasta oo ku cusub takhasuskaaga ama shaqadaada, maadaama ay si isdaba joog ah isu bedelayaan, waxaana laga yaabaa in shaqooyinka qaar baahida loo qabo ay yaraato. waxaa sidoo kale iyaguna jira shaqooyin iyo takhasusyo badan oo soo if baxayya, markaa waa inaad la socotaa wax yaabaha ku cusub shaqadaada ama takhasusukaaga.

Sii Daalaco: 10 Xirfadood Oo Ay Tahay Muhiim Inaad Barato

Sidoo Kale: Sideed Ku Bilawdaa Freelancing (Shaqada Xorta Ah)

Sidoo Kale: Freelancing-Ahaan Sideen Ku Heli Karaa Macmiilkayga Ugu Horreeya

4 Comments

  1. Mohamed Hassan yacqub

    Waxaan Rabay inaan Barton freelancer mark waxaan ahay qof Somali joogo sideen ku baran karaa hir fadeen ugu fiican inaad Barato maa daama aan Somali joogo waad mahad santahay

    1. Macmiil kusoo dhowow Shirkada Gelle Digital Services.

      Adeegyada aan bixino waxey kala yihiin

      1. Online Courses
      👉 E-Commerce & Digital Marketing
      👉 Somali Alibaba Online Course
      👉 Blogging ( Google Adsense)

      2. Branding Services
      👉 Website Design
      👉 Logo Design

      3 . Consultants ( Zoom Sessions )
      La talin bilaabida Ganacsi Online iyo in aan Kula dhisno ganacsi guulaysta .

      More info booqo Website kena Gellebashir.com Ama WhatsApp kan +252 905582875

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *