Sicirbararka Dunida

Sicirbararka

Dunida Waxaa Dunida ka socda dhanka Dhaqaalaha markaan eegno waa mushkilad weyn bilahaan
dambe qiimeenta dhaqaalaha wadamo badan oo Dunida ah shacabka ku nool baa awoodi
wayay ineey iibsadaan Badeecooyinka qaar taas oo loo sababeynayo arimo dhowr ah isna
biirsaday sida Dagaalada soo cusboonay iyo Xanuunkii Caalamku ka qeylshay ee Covid-19
Sidoo kale waxaa jira Wadamada wax soo saarka leh khilaaf xoogan oo dhanka diblomaasiyada
ah ayagoo isku heysta Canshuuraadka kala duwan wax dhoofinta Badeecooyinka.

Gaaska Cuntada

Waa meesha ugu weyn ee Bulshadu ka dareentay culeeska weyn Xitaa Dowladaha Horumaray
sida Yurub baa cabashooyin waaweyn ka keenay waxaana loo sababeyay Dagaalkii qaraara ee
Russia ku qaaday jaarkeeda Ukraine taas oo keentay in wax walba isbadalaan siiba Gaska
cuntooyin badan oo wadanka Ukraine dhoofin jiray sidoo kale hoos u dhac weyn baa ku yimid
haba ugu horeyso Qamadiga oo wadankaa caan ku ahaa mudo dheer.

Covid 19

Xanuunka Corono-Virus oo dhamaadkii 2019 ka dilaacay Dalka China gaar ahaan magaalada
Wuhan wuxuu noqday caqabada ugu weyn ee dhanka Dhaqaalaha heer Caalamku gaaray 2020
ilaa bilowga 2021 in dhoofitaanka badeecooyinka aad u yaraadeen Dakadaha mashquulka
ahaan jirayna noqdaan kuwa howshii lagu yaqiin hoos uga dhacay wali saameentiisa waa jirtaa
2022 taas oo wali taxadar Dalalka qaar ka muujinayaan .

Cryptocurrency

Isbadal weyn oo hoos u dhac ahbaa ku yimid sidoo kale lacagaha qaabka Digitalka ama Coinska
kuwaas oo Bitcoin ugu weyn yahay waxaana jiro qasaaro baaxad weyn lana kulmeen dadkii
maalgashaday sababtuna waa in hoos u dhacaa aadka u baaxada weyn saameen togan suuqa
ku yeeshay waxaana la dhihi karaa Xasaradaha Dunida ka jira sida dagaalada baa saameen ku
leh maadaba Dadku nabada ku macaashaan laakiin hadii colaad timaad qof walba xoolaha meel
ka yeela uu la baxayo.

Shidaalka iyo Raashinka

Wadanka Ukraine waxaa la sheega soo saarida dhanka Raashinka inuu kaalmaha hore Caalamka
uga jiro taas oo keentay dagaalka bilowday bilo ka hor inuu sababo in maciishada qaar naadir
noqoto sido kale Ruushka oo Kheyraadka Dabiiciga ah soo saara Yurubna u dhoofin jiray baa
asna cunaqabateyn Dunida qaar kusoo rogtay si uu dagaalka uga daayo wadanka dariskiisa ah

ee Ukraine taas oo iyadana keentay wadamo badan oo reer Yurub ah in shidaalka iyo gaasta
cuntadu ku yaraato.

Suuqyada Sarifka lacagaha

Inta badan marka dagaal ama Cunaqabateen dhacdo meelaha u waaweyn ee isbadalka laga
dareemo waa lacagaha inta dagaalka Bariga yurub ka socday waxaa hoos u dhac weyn ku yimid
lacagta Ruushka taas oo saameen sidoo kale ku yeelaneysa nolosha bulshada iyo Internetka
sarifka ka dhex dhaca intaba iyo guud ahaan lacagaha kale ee isku tiirsan marka suuqa la joogo
inta badana habka dowladaa loo ciqaabo ama loo cunaqabateyo beey lacagtuna noqoneysaa
Wadankaa laga leeyahay .

 

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *