Sidee Ayaa Online Lacag Looga Sameeyaa

Sidee Ayaa Online Lacag Looga Sameeyaa

Hadii aad tahay qof si dhabba u raba inuu internet-ka lacag ka sameeyo, se aanan garanayn halkii uu ka bilaabi lahaa, ama goobihii uu lacagta ka samayn lahaa, qormadan waa qormadaadii.

Waxaa jira siyaabo badan oo kala duwan oo dadka u oggolaanaya inay internet-ka lacag ka sameeyaan, waxaana xusaynaa kuwooda ugu doorka fiican, una habboon qofka soomaaliga ah.

1. YouTube

Sida uu sawiran muujinayo, bishii hore ee 4-aad, waxaan youtube-kayga ka sameeyay ku dhawaad lacag dhan $800.

Lacag samaynta YouTube, waa mid ka mid ah hababka ugu caansan ee internet-ka lacag looga sameeyo, gaar ahaan gayigeena soomaaliyeed.

Lacag samaynta YouTube, ayaa dhowrkii sano ee u danbeeyay sii fidayay marba marka ka danbaysa.

Waxa kaliya ay tahay inaad samayso ayaa ah, inaad la timaado fikrad ama nich wax ku ool ah, soona bandhigdo fikradaa, ama nich-kaa, adigoo ka samaynaya muuqaalo kala duwan, oo dhamaantood hoos imanaya fikradda ama nich-ka guud.

2. E-commerce Business

Run ahaantii, ganacsiga e-commerce-ga ah wuxuu la mid yahay ganacsiga maxalliga ah oo kale, kaliya wuxuu kaga duwan yahay habka uu u dhacayo, habkaasoo gabi ahaantii ah mid online ah.

Ganacsigan e-commerce-ga, waa ganacsi run ahaantii leh faa’idooyin aad u waa-weyn, oo aan hal qormo lagu soo koobi karin.

3. Facebook Page

Facebook page, ayaa isna ka madhnaan karin liiskan, waana habka ugu caansan ee ay soomaalida internet-ka lacag uga samayso.

Facebook page, wuxuu la mid yahay YouTube-ka oo kale, waana inaad la timaadaa fikrad ama nich gaar ah, adigoo muuqaalo ka samaynaya nich-kaa.

4. Freelancing

Freelancing-ku waa habka ugu fudud ee internet-ka lacag looga sameeyo, adigoo kaliya ku shaqaysanaya xirfadihii aad baratay.

Freelancing-ku uma baahna inaad goob shaqo aad tagto, sidoo kalena uma baahna inaad muuqaalo duubto, kaliya adigoo gurigaaga jooga ku shaqayso xirfadahaaga.

Ganacsi kastaa maanta wuu u baahan yahay dhalinyaro freelancers ah, ganacsiyadayda maantana, waxaa igala shaqeeyo dhalinyaro freelancers ah, oo qaarkood soomaali ah.

xirfadaha aad baran karto waxaa ka mid ah:

  • Web Design
  • Video Editor
  • Graphic Design
  • Blogging
  • iwm.

5. Consulting & Coaching

Consulting ama coaching ama si guud talo-bixinta, waa hab ka mid ah hababka internet-ka lacag looga sameeyo, inkast oo uu caan ka ahayn gayiga soomaaliyaad, hadana waa goob lacag laga sameeyo.

Consulting ama coaching waa adigoo ka talo bixiya wax aad khibrad iyo waayo-aragnimo dheeri ah aad u leedahay, adigoo faahfaahinaya dhibaatooyinkiisa, iyo wanaagyadiisaba.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

34 Comments

  1. Sidoo kale ku dar Online Teacher in qofku waxa uu yaqaano intuu E-Learning website samaysto uu halkaas kusoo gudbiyo

  2. Sidoo kale ku dar Online Teacher in qofku waxa uu yaqaano intuu E-Learning website samaysto uu halkaas kusoo gudbiyo

      1. Sahal salad makaraan

        Sxb mcn waxan ahay wiil dhalin yaro ah kaas oo shaqo la aan ah wll waxan rabaa in aan online lacag kasameyo Mana rabo vidio wajigeyga wll seen kushaqeysan karaa

  3. Cabdalla Mohamed

    السلام عليكم ° walalkey Geele waan Akhriyey Qormooyinkaga Wanagsan Hadana Dhiiri Galinta wata Waana kaaga mahadcelinaya inaad dhalinteena Ku BaraaruJiso iney shaqeystay iyagoo Gurigooda Jooga Aan wax dhiba mareen
    بعد ذلك ° Aniga waxan ahay Ardey Class From 4 sanadkan Ah
    Waxaana jeclahay inaan Gelinna waxbarto Gelinna Aan shaqeeyo inkastoo Daruufo dhaqaale la tacaalayo Oo Aan Gacan qabasho U Baahnahy Hadanna kama Daalo inaan mar Uun online lacag ka sameeyo Waana Rajeynaya I.A wakhti Aan Fogeen. Mar Labaadna waan kaaga mahadcelin Wacyi gelintaada والسلام عليكم

  4. Nio. Geelaw sfcn baan kuLa socdaa mar walipa mrka waxaan. UbaaHanhy sidaa aan ubaran laHaaa cruptada & free lencerka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *