Sidee bad u kobcin kartaa YouTube Channel kaga!

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

Sidee bad u kobcin kartaa YouTube Channel kaga!

 

60 saacadood muqaal soconayo ayaa daqiiqad kasta lasoo galiyaa Youtube-ka, ama hal saac muuqaal soconayo ayaa lasoo galiyaa YouTube-ka daqiiqad kasta. Cajiib!
Tani waxay ka dhigeysaa tartanka mid aad u sareeya! Laakiin maxaa dhacaya haddii aad ku guuleysato barnaamijkan cajiibka ah, inkastoo uu tartanka uu aad u sareeyo ? Hagaag, nuqulkan waxaan kusoo bandhigi doonaa 3 YouTube-Tools oo bilaash ah, oo kobcin kara kobaca kanaalkaaga isla markaana ku siin kara macaamiil cusub maalin kasta.

Dabcan, kalama jeedo in aad iibsato macaamiil (Subscribers) si ay u kobciyaan kanaalkaaga. Haddii aad hadda tan sameyneyso, fadlan jooji. Tani gebi ahaanba waa khalad.

Taa baddalkeeda, aan bilowno raadinta in aan si dhab ah u kobcino kanaalkaaga.

Ma garanaysid meel aad ka bilowdo? Waa kuwan 3 aaladod (YouTube Tools) oo Bilaash ah oo kaa caawin doona inaad kobciso kanaalkaaga Youtube-ka Maanta.

3 Free YouTube Tools to Grow Your Channel

https://youtu.be/KyVWcXRE-sM

Morningfa.me


Waakan Website kooda sax da ah Morningfame

Waakan Website kooda sax da ah Morningfa.me.
Morningfa.me wuxuu kaa caawinayaa inaad fahanto oo aad falanqeyso mid kasta oo ka mid ah fiidiyowyadaada wuxuuna kaa caawinayaa in aad kala barato muuqaalada ay taageerayaashaada xiiseenayaan iyo kuwa aysan rabin. Labo shaqo oo waaweyn buu qabtaa website kan.

Midka hore waa gorfaynta, waxaad ku arki kartaa gorfayn qoto dheer, waxayna ku tusi doontaa fiidiyowyadaada iyo kanalkaaga qaab ka duwan falanqaynta Youtube Analytics ka.
Morningfa.me waad ku fahmi kartaa nooca fiidiyowyadada danbe ay noqon karaan, ciwaanka igu fiican ay dadka jecel yihiin sida loo kobciyo kanaalkaaga qaab ka duwan qaabkii hore.

Morningfa.me sidoo kale waxay leedahay ( Keyword Tools ) oo muhiim ah oona kaa caawineysa inaad qorsheyso fiidiyowyadaada soo socda adoo raadinaya mowduucyo ama xulanaya muuqaalo kale , si aad ugu dayato (ama u sameysato fiidiyowyo kuwaas la mid ah) .

H-Supertools


Kani waa mid ka mid ah website yada ugufiican ee aan u adeegsado inay iga caawiyaan inaan sifiican u qiimeeyo fiidiyowyadayda YouTube-ka oo aan lacag badan ku kasbado.H-supertools :: Free SEO & Digital Marketing tools

H-Supertools ‘qalabka SEO iyo aaladda muhiimka ah ee YouTube keyword tool ‘ayaa kaa caawinaya inta badan laba waxyaalood:

  1. Cilmi-baarista mawduuca, waxaad si dhib yar u haleysaa mowduucyada iyo fikradaha ku saabsan fiidiyowyadaada.
  2. Waxay kaa caawineysaa inaad darajo sare kuhesho YouTube adoo helaya ereyada muhiimka ah.

Tusaale ahaan, haddii aad raadiso qaabka Online ka lacag looga sameeyo, wuxu ku tusi doonaa ku dhowaad 247 mowduuc ama fikradaha muhiimka ah ee ku saabsan.

Waad raadin kartaa wax kasta oo aad rabto iyo waxaa kaloo cajiib ah in uu kee sheegayo mowduuc kasta inta bilkasta la baaro. Tusaale, wuxu ku leeyahay mowduucan waxaa Youtube-ka bishan ka bareey 20 kun oo qof. Taas macnaheeda oo ah , hadii aad mowduucas kasoo hadashid in dad badani ay bilkasta daawan doonaa iyo in aad kala baratid dadka Somalida mowduucyada ay jecel yihiin oo Youtube-ka ay ka baaraan.

Markaa H-Supertools wuxuu kaa caawinayaa inaad lacag badan ku kasbato Google Adsense. Waa tan shaashada Youtube-kayga.

Canva.com free youtube tool


Mid ka mid ah aaladaha ugu wanaagsan ee lagu abuuri karo thumbnails YouTube, farshaxanka kanaalka YouTube-ka, iyo calaamad kasta.Home – Canva.

Canva waxay leedahay maktabad weyn oo ( Template ) kala duwan ay ku jiraan, sidoo kale waa (Edit) gareen kartaa oo saad rabtid bad ka dhigan kartaa.

Canva waxay leedahay astaamo badan, (tools, effects, photos, libraries ) si ay kaaga caawiyaan inaad abuurto thumbnail YouTube aad u qurux badan si bilaash ah waliba. Haddii aad rabto inaad hesho arrimo dheeri ah ama sawir aad u qurux badan, waxaad bilkasta bixin karaa$ 11 bishiiba.

Gunaanad

Marka kuwani waa 3 qalab (TOOLS) oo kuu kordhin kara kobaca kanaalkaaga YouTube-ka, waxaan u isticmaalaa maalin kasta si aan u kobciyo kanaalkayga . Kanaalkaygu wuxuu kordhay 123% in kabadan markii aan bilaabay isticmaalka qalabkan oo dhan, markaa fadlan adba isticmaal.

Haddii aad wax ka faa’iidey maqaalkan fadlan comment noo reeb. Xor ayaad u tahay inaad wax i weydiiso.

25 Comments

          1. sxp aad ayaad umahdasan santahy lkn waxaa jirat hal cilid taas oo ah inaad macduuca aad ka hadlaysid aadan dhamaystrin qaab baraati kali ahaan mawduuca aad ka haldyasa waan inaad su fcn ugu war bixisaa waan inaad raacisaa baraatikada waa iga talo sxp

      1. Mahadsanid sxb maal mahaan danbe aadan kugu xiranahay waxaan leeyahay channel YouTube iyo blogger website 2daba aan sameye kadib markan dawaday muqalada aad kaso samesay 2daas sidaaa awgeed waxaa ka codsanaa inaad soo badiso muuqaalada Ku saabsan (YouTube _ka iyo blogger_website_ka)
        Mahadsanid mar kale legnd

  1. Abdulahi Mohamed

    Asc Sir ma kasoo bixin kartaa war bixn kooban isticmaalka qaabka.
    tools ka youtube ka xog koobanqaab ka isticmaalka.
    thanks

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *