Sidee Bay Ku Dhacday Inaan Kaalmaha Koowaad Ka Galno Natiijooyinka Raadinta Google

  • September 19, 2023
  • Comment 2

Sidee Bay Ku Dhacday Inaan Kaalmaha Koowaad Ka Galno Natiijooyinka Raadinta Google

Sida sawirkan hoose ku xusan, waa weedh  ah “SOMALI E-COMMERCE COURSE” weedhan hadii aad ku google-ka ku qorto waxaa kaalinta koowaad ee natiijooyinka raadinta google ku jira website-keena.

Wanaajitna (SEO) waxay website-kaaga ka caawinaysa inuu ka soo muuqdo kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta Google ama search engine-nada kale sida Bing, Yahoo, iwm.

Tusaale ahaan, haddii uu isticmaalayaashu (qofku) raadinayo badeecad ama adeeg gaar ah, kuwaasoo laga heli karo website-kaaga, markaa iyada ah hadii uu SEO-ga website-kaagu wanaagsan yahay, waxaad ka soo muuqan doontaa natiijooyinka ugu horreeya.

Waa Maxay SEO?

Ugu horrayn, aan soo koobno ​​waa ay tahay, ama waxa loola jeedo SEO? Qeexitaanka ugu fudud waa habka wanaajinta website-kaaga, si uu kaalmaha hore uga soo muuqdo search engine-nada.

Wanaajinta SEO macnaheedu waa:

  • In search engine-nada ay raadin karaan, isla mar ahaantaana ay u gudbi karaan xogaha iyo macluumaadyada ku jira website-kaaga, waliba si dhib la’aan ah.
  • In website-kaaga loo diyaariyo qaab iyo af ay fahmi karaan search engine-nada.
  • In ay fahmaan isla mar ahaantaana ay la fal-galaan xogaha iyo macluumaadyada ku jira website-kaaga.

Marka aad si sax ah u sameyso dhammaan qodobada aan kor ku xusnay, website-kaagu wuxuu noqon doonaa mid u saaxiib ah SEO-ga wanaagsan, si uu uga soo muuqdo kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta Google ama search engine-nada kale sida Bing, Yahoo, iwm.

Waa Maxay Muhiimada Ay Leedahay Wanaajinta SEO?

Waxaa laga yaabaa inaad weli la yaaban tahay sababta SEO-ga ay muhiim ugu tahay website-kaaga. Aan kuu sheego qodobo natusinya muhiimadda ay leedahay wanaajinta ama hagaajinta SEO-ga:

  • 68% waayo-aragnimada ka dhex dhacda internet-ka waxay ka bilowdaan Search Engine (makiinadaha raadinta).
  • 53% booqdayaahsa website-yada waxay ka yimaadaan Organic Search (booqadayaal dabiici ah).
  • 93% booqdayaasha caalamiga ahi waxay ka yimaadaa Google Search, Google Photo, iyo Google Map.

Wanaajinta (SEO), waxay ka dhigan tahay korodhka tirada iyo tayada booqdayaasha website-ka, iyada oo loo marayo Search Engine-nada waaweyn sida Google, Bing iyo Yahoo.

Sii Daalaco: Aaladah Lagu Wanaajiyo SEO-ga

Wanaajinta SEO-ga waa mid ka mid ah hababka lagu taliyo marka ay timaaddo kordhinta booqdayaasha. Algorithms-yada cusub ee Google-ka ayaa la horumariya labadii sanaba hal mar, hadafkooda ugu weynina waa inay isticmaalayaasha siiyaan waayo-aragnimo hor leh isla mar ahaantaana faa’iido leh.

Shirkadaha iyo mashaariicda online-ka ah, waxay aad u daneeyaan inay kaalmaha hore kaga jiraan natiijooyinka raadinta Google, waana waxa nagu dhaliyay inaan bixinno adeeg ku magacaaban SEO.

Haddaba, ma wanaajin kartaa natiijooyinka raadintaaada ee ku aadan Google?

Dabcan haa, adigoo u maraya Shirkadeena ka GELLE DIGITAL SERVICES, taasoo si fiican u og faa’iidooyinka uu leeyahay SEO-ga, inagoo had iyo jeer ku dadaalayna inaan bixinno adeegyada SEO-ga ugu wanaagsan, si aan goob katsa uga dhigno mid ka soo muuqda kaalmaha hore ee natiijooyinka raadinta.

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: https://wa.link/Zjb442.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *