Sidee blogging ka oga shaqeysan kartaa ?

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

Fursadaha maanta online-ka ka banaan waxaa ka mid ah Blogging ka. Waxaa bilkasta ka shaqeysan kartaa $100-$3000. Aniga waxaan ka mid ah dadka lacag fiican ka sameeyo Blogging-ka. Shaashadan hoose waa lacagta aan ka sameeyo Google Adsense ga .

 

My Google Adsense

 

Hadaba, waxaan rabaa in aan maqaalkan kugu soo gudbiyo qaabka aad lacag fiican oga sameyn lahayd oogana shaqeysan lahayd.

 

1. Gado Domain iyo Hosting

Marka hore waxaa u baahan tahey in aad iibsatid domain iyo hosting.

halkan ka iibso hosting raqiis ah http://partners.hostgator.com/LP51DY

Hambayo HADA WAXAA LEEDAHEY WEBSITE

Labadaas markaad iibsatid waxaa maqaalo kusoo daabici kartaa website kaaga .

2. Ciwaan Dooro

Waa muhiim in aad dooratid ciwaan aad wax badan ka ogtahey oo xog badan ka heysid in aad dooratid. Bloggers badankooda waxey ku fashilmaan qodobkan. Ciwaanada aad wax ka qori kartid waxaa waxaa ka mid ah;
Tusaale
Health and Fitness
Personal Finance
Fashion
Lifestyle
Business and Marketing
Technology and Gaming
Travel.

 

3. Shuruudaha Google Adesnse

Waxaa jiro shuruudo uu Google Adsense kaga baahanyahey inta aanan website kaaga loo furin xayisiinta ( Ads ).

  1. Igu yaraan in aad 10 maqaal ( Articles ) kusoo daabacdid website kaaga.
  2. Igu yaraan in uu website kaaga uu jiro 3 bilood .
  3. In uu website kaaga leeyahay pages-kan
    Privacy Policy Page
    Terms and Condition Page
    About Us Page
    Contact Us Page
    Afartaan page hadii aadan ku darin blog-kaga uma furaan xayisiinta.

4.Traffic Source

Si blog-kaaga aad lacag uga sameysid waxaa u baahan tahey dad aqristo maqaladaada. Google Adsense waxey xayisiinta usoo daayaan websites leh dad ku xiran oo markasta maqaalada aqristo.
Wax yaalaha kaa caawin karo in aad si dhaqso ah aad u heshid dad ( Audiences ), waxa ka mi ah in aad leedahay Youtube Channel, Facebook Page iyo Telegram group .

5. Apply Google Adsense

Intaas marka aad isku heshid waxaa xaq u leedahay in website kaaga loo furo xayisiinta kadibna aad lacag fiican ka sameysid. Video kore baad ka daawan kartaa qaabka loo Apply gareeyo iyo process-ka.

Gunaanad


Hadaba, intaas oodhan in aad sameysid waxey kaa rabtaa dadaal iyo qorshe ganacsi ( Business Plan ). Mudo 3-5 Bilood ah wad ku dhameystiri kartaa , wixii intaas ka danbeenaya waxaa sugtaaba waa in bilkasta lacag fiican kusoo dhacdo. Passive Income marka hore waa in aad galisaa dadaal badan, marmarka qaar maalgashi yar buu u baahan yahey.

NB: Dhalinta aanan awoodin in ay Domain iyo Hosting gataan, waxaa si bilaash ah ku sameysan kartaa Website qurux badan oo free domain iyo hosting leh waliba. video gan hoose ka daawo oo hada bilow.

https://youtu.be/p0SCysHCY6E

26 Comments

  1. Waa ku salaamah ustaad aniga iyo yar sxbky ah wxn wada gadanay hostin&domain websitekii wxooga yar waa hagaajinay balse walinwuu isku dhax yaacsan yahay pages fcbook instagram Etc waa ku darnay balse nooma laha themplate qurux badan nooma laha pravicy terms sidoo kale google adsense arimahaas oo dhan waa naga wareersan yihiin casharo ku saabsana ma arag sidaa darteed wxn jeclaan laheen in aad naga caawiso thanks

        1. Hadu wordpress yahay wuu u baahan yahay domain iyo hosting lkn hadu Blogger Google lagu sameeyo uma baahn hosting oo google host garenayo maadaama Blogger google uu leeyahay shirkada google lkn domain bu u bahan yahay

      1. Sxb, wadanka aad ku samaysanaysid caqabad maku noqonkaraa hadhow inaad google adsense ku xidhiidhisid si aad dhaqaale uga samayso, waanankaaga mahadcelinayaa sida quruxdabadan ee aad noola wadaagtay.

  2. Abdulkadir Noor Ahmed

    Asc, adeer. Horaan qoraal kuugu soo qoray balseiima aadan soo jawaabin. Ustaad, wxn kaa baryayaa in aad i caawisid. Waxaan ahay oo Alle haybad ii siiyey curinta oo qoraa baan ahay qoray sheeko xariiro badan iwm. Inaan Blogging ku takhasuso ayaan rabaa oo article qoridda waxaan filayaa in ay ii sahlanaan doonto.
    Sheeko xariiradeyda oo dhaqanka Somaaliyeed ka turjumeysa iyo sheekooyin wacyi-gelin ahba ma ku soo qori karaa iwm? Please website free ah ii fur anigaa ballan ah in aan dib u gudi doono abaalkaaga iyo juhdigaaga, waa ballan Ilaah.
    Jawaabustaad
    Mahadsanid

      1. Abdulkadir Noor Ahmed

        Asc, Geelle. Xaggee kaagala soo xiriiraa? Intaan waxaan kaaga maqnaa waxa weeye anigoo waayey meel aan kaagala soo xiriiro, walaal. Mahadsanid.

  3. Abdulkadir Noor Ahmed

    Sheeko xariiradeyda oo dhaqanka Somaaliyeed ka turjumeysa iyo sheekooyin wacyi-gelin ahba ma ku soo qori karaa iwm? Please website free ah ii fur anigaa ballan ah in aan dib u gudi doono abaalkaaga iyo juhdigaaga, waa ballan Ilaah.
    Jawaabustaad
    Mahadsanid

  4. Abdulkadir Noor Ahmed

    Asc, Geelle. Xaggee kaagala soo xiriiraa? Intaan waxaan kaaga maqnaa waxa weeye anigoo waayey meel aan kaagala soo xiriiro, walaal. Mahadsanid. Adigoo raalli ah ii soo sheeg meesha, si dhakhsa ah, please.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *