Sidee Buu YouTube-ku U Shaandheeyaa Una Soo Bandhigaa Muuqaalada?

  • December 14, 2023
  • Comment 2

Sidee Buu YouTube-ku U Shaandheeyaa Una Soo Bandhigaa Muuqaalada?

Haddii aad rabto inaad lacag ka samayso YouTube-ka isla markaana aad rabto inaad hesho daawadayaal badan, muddo gaaban gudaheed, markaa hubaal waa inaad ogaataa waxyaabaha muuqaaladaada ka dhigaya kuwo natiijo fiican keena.

Waxaa jira arrimo badan oo muuqaalada YouTube-ka la soo dhigo qaarkood ka dhigaya kuwa ugu sarreeyaan natiijooyinka raadinta, oo ay ka mid yihiin:

1. Muddada Daawashada Muuqaalka

Muddada daawashada waxa uu ka dhigan yahay celceliska daqiiqadaha la daawadey muuqaalka, tusaale ahaan, haddii uu muqaalku muddadiisu yahay 10 daqiiqo, celcelis ahaanna 4 daqiiqo laga daawaday, markaa muddada daawashada muuwaalkaas waa 4 daqiiqo, oo ka dhigan 40%.

Mar kasta oo ay badato muddada daawashada muuqaalka, waa markasta oo YouTube-ka aad u faafinayo muuqaalkaas, isagoo u tixgalinya inuu yahay muuqaal mudan daawashada.

2. Celceliska Gujiska Muuqaalka

Celceliska gujiska muuqaalka, macnaheedu waa inta gujis ee uu helayo muuqaalka, marka loo barbardhigo inta goor ee uu YouTube-ku muuqaalkaas soo bandhigay.

Aan tusaale u soo qaadano, haddii algorithms-yada YouTube-ku uu 100 isticmaale u soo bandhigo muuqaal gaar ah, oo ay 30 ka mid ah gujiyaan muuqaalkaas, (yaysanba muuqaalka dhamaysaninee), celceliska ama heerka gujis ee muuqaalkaas wuxuu noqon doonaa 30%.

Mid ka mid ah qodobada muhiimka ah ee muuqaalka ka dhigaya mid YouTube-ku uu faafiyo, waa heerka ama celceliska gujiska.

3. La Falgalka Muuqaalka

La falgalka muuqaalka waa mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan uguna weyn ee keensada inuu muuqaalku dad badan uu gaadho, waxaana la falgalka muuqaalda go’aamiya dhowr arimood oo kala duwan, arrimahaas waxa ka mid ah inta jeer ee la like-gareeyay muuqaalka, tirada faallooyinka, iyo tirada subscribe cusub…iwm.

Wayna iska caddahay, mar kasta ee uu kordho tirada la falgalka muuqaalka, waa mar kasta oo uu YouTube-ku u soo bandhigo dadyaw badan.

4. Cinwaanka Muuqaalka

Cinwaanka muuqaalku wuxuu iskii uga dhigan yahay qodob muhiim ah, kaas oo algorithms-yada YouTube-ku uu ku tiirsan yihiin, si uu u fahmo nooca muuqaalka iyo waxa uu daboolayo.

Cinwaanka wanaagsan waa waxa soo jiita dadka, kuna kallifa inay muuqaalka gujiyaan, sidaa darteed, haddii aad rabto inuu muuqaalkaagu uu helo tiro badan oo dawadayaal ah, waa inaad fiiro gaar ah u yeelataa cinwaanka.

5. Tags-yada Muuqaalka

Tags-ka muuqaaladu ama si guud meta tags-ku waa erayo ama weedho aad ku dari karto muuqaalkaaga, marka aad ku soo upload-garaynayso YouTube-ka, kuwaasood ku cadaynayso nooc ama nuxurka uu muuqaalku ku saabsan yahay, si uu YouTube-ku u ogaado cidda lagu talo galay muuqaalka.

Tani waa sababta ay muhiimka u tahay inaad muuqaalkaaga u dooratid ereyo muhiim ah oo xooggan kuwaas oo si dhow iyo si dadbanba ula xidhiidha muuqaalkaaga.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *