Sidee Fabook Page Lacag Looga Sameyaa ?

Sidee Fabook Page Lacag Looga Sameyaa ?

Ma’ogtahey in facebook page kaaga uu yahey il dhaqaale laga sameyn karo?

Hadii aadan laheyn Facebook page waa fursad hada kuu furan oo aad lacag ka sameyn kartid .

Maanta waxaan ku bari donaa 4 qaab oo lacag looga sameeyo Facebook page.

How to make money on Facebook ?

Videos-yada ama muuqaalada lasoo galiyo Facebook page-ka, baa kuu saamixi karo in aad dhaqaale badan ka sameyso.

Hadii aan si kale u dhigo, hadad rabtid in aad lacag ka sameyso Facebook page waa in aad muuqaalo soo galisaa.

4-tan qodob ee hoose ayaa Facebook page lacag looga sameyaa:

  1. Product promotion
  2. Fan subscriptions
  3. In-stream ads
  4. Live streaming
  1. Promote your products

Hadii aad heesatid ganacsi ama iibisid badeeco, waxaa alaabtaada ku xayisiin kartaa Facebook page, taas oo ku saamo xeyso in aad dad badani ay arkaan muuqaalkas kadibna dadka qaar ay kaa iibsadaan badeecadii.

Taas oo kor u qaadeyso dhaqaalaha ganacsigaga. Waa in aad muuqaal ka sameysid alaabta aad rabtid in aad iibisitid, adoo sharaxayo faa’iidada iyo qaabka loo isticmaalayo alaabtas. Dabcan dadka markey ku qancaan alaabtas waxaa qasab ah in qeyb ka mid ah ay gataan sheygaas.

Tusaale, waxaa leedahey tukaan lagu iibiyo alaabta ay caruurta ku ciyaaraan, waa in aad duubtid video ilmo yaryar oo alaabti ku ciyaaraan sidoo kalana waqti fiican qaadanayaan. Video-gaas xayisiiska ah, baa kuu keeno karo in waalid kasta oo ilmo heysto in uu kula soo xiriiro alaabtasna kaa dalbado.

 

2. Fan subscriptions with exclusive content

Hadii aad sameysid Facebook page dad badani ku xiran yihiin waxaa fursad weyn u heesataa in aad lacag fiican ka sameysid. Dadka marka ay ganacsi cusub bilaabaan waxaa qasab ku ah in ay xayisiiyaan ganacsigooda si ay dad badani u bartaan. Marka waxey raadiyaan meelaha ay ku xayisiisan karaan ,waxaa ka mid ah meelahas, TV-yada, Idaacadaha iyo Facebook page-yada followers badan haysto ama dad badani ku xiranyihiin.

Waxaad ka qaadeysa lacag fiican sidoo kala xayisiintooda waxaa usoo dhigeysaa Facebook-ka. Marka waa qaab aad lacag fiican maalinkasta oga shaqeysan karto. Laakiin waxaa lagaa rabaa marka hore in aad dhistid Facebook balaaran oo dad badani ku xiranyihiin.

Sidee u dhisi kaartaa Facebook page dad badani ku xiranyihiin ?

Dabcan Facebook page marka aad sameysid, waxaa igu dhib badan in aad heshid followers badan ama dad kusoo xirma page kaaga.

Waxyaalaha lagu helo followers badan waxaa ka mid ah in aad videos badan  soo dhigtid gaar ahaan muuqalada ay dadka jecelyihiin sida, Madadaalada iyo Sports-ka. Dadka waxey jecelyihiin pages videos ka qosolka losoo dhigo.

3. In-stream ads (Facebook ad breaks)

Tan waa qaabka igu fudud dadkana ay igu jecel yihiin, waa in video kasta dhexdiisa losoo galiyo xayisiis ama Ads. Ads kan maaha mid aad adugu soo galineyso ee waa mid Facebook-ga si caadi ah usoo galinayo markasta oo uu muuqaalka cabaar socdo, waa sida youtube ka oo kale, saad video u daawaneysid baa waxaa soo galayo Ads yar. Runtii waa qaab fudud oo lacag badan looda sameeyo Facebook page ka .

Daban waxaa ku xiran shuruudo inta aysan Facebook-ga aysan Ads usoo fasaxin page kaaga.

Waxaa ku xiran sadexdan shuruud:

  • At least 10,000 followers
  • 600,000 total minutes viewed in the last 60 days
  • A page with at least five active videos

Igu yaraan page kaaga waa in ay ku xiranyihiin 10 kun oo qof.

Sidoo kale waxaa lagaa rabaa in 600 kun oo daqiiqadood oo daawasho aad heshid 60-kii bari ee igu danbeyey.

Tan igu daneyso waa, in igu yaraan 5 video oo active ah ay yaalan post-ga.

Runti waa 3 qodob oo fudud marka looo fiirayo dadka badan ee isticmaalo facebooga. Waxaa macquul ah in 10 videos oo daawasho fiican helay in ay kuu buuxiyaan sharuudahaas oo dhan.

4.Monetize live streams

Qaabka igu danbeeya ee facebook lacag looga sameeyo wa Live-ka. Maarkad live soo gashid, daawadayaasha qaar waxey ku deeqaan wax la dhaho hadyad ama ( Gift ). Gift gaas waa dhibco laakiiin hadhow waxaa u badalan kartaa lacag caadi ah. In aad live soo gashid,  waxey kaa caawin kartaa in ay dad badani ay markasta kuso raacaan.

Gunaanad

Wey fududahey in facebook page lacag laga sameeyo hadii aad igu yaraan sadexdaas qodob aan kor kusoo xusey aa mid raacdid. Dabcan waxaa ubaahan tahey in aad waqti badan marka hore galisid maadaama uu cusub yahay page kaaga.

 

5 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *