Sidee Fiverr Oga Shaqeysan kartaa ?

(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});

Fiverr waa website kuu fududeenayo in aad ka iibsatid waxyaalaha Digital service ka ah, sidoo kalana aad adugu ka shaqeysan kartid oo wax ku iibin kartid. Fiverr marka wuxuu isku xiraa iibiyaha iyo laga iibiyaha.Magaca Fiverr wuxuu ka yimid number ka 5, taas laga wado $5 baa service igu yar laguugu samenaya. Macnaha qiimo jaban weeye wax walba.Video gan baan sifiican igu faahfaahiyey.

 

 

Sidee Fiverr U shaqeeyaa ?

Website kan waxaa ku jiro dad badan u shaqeeyo qaab freelancer-nimo ah. Freelacer-nimada waa adoo gurigaaga joogo online-ka ka shaqeyso. Waxey bixiyaan Service-yo kala duwan. Tusaale, Website yada bey sameeyaan, loogooyinka bey qiimo $5 ah kugu sameenyaan iyo dhamaan wixii la xiriiro graphic design ka .

Fiverr Terms

⦁ Gig: wuxuu la macno yahey ( Service ) oo kale.
⦁ Seller: Waa qofka shaqada kuu qabanayo oo adna aad lacagta siineysid.
⦁ Buyer: Waa qofka shaqada loo qabanayo kadibna lacagta bixinayo.

Sidee Wax Oga Iibsan kartaa Fiverr ?

Marka aad rabtid in aad wax ka iibsato Fiverr, meesha search tool ka baad ku qoreysaa waxa aad rabtid.

Waxaa kusoo baxayo dad kala duwan oo shaqadaas kuu qabanayo, marka waa in aad kala dooratid adigoo ku kala xulanayo qiimaha ay shaqadaas kugu qabanayaan.

Sidee Wax Igu Iibin kartaa Adiga ?

Wey fududahey in aad ka shaqeysatid website kan. Marka hore waa in aad xirfad leedahay ama shaqo aad qibrad u leedahay kusoo bandhigtid. Tusaale, waxaad oga shaqeysan kartaa Turjumaan ahaan, sameynta websiyada iyo graphic design kaba.
Markuu qof shaqo iiqabo ku dhaho, lacagta buu horumaris ahaan u bixinayaa lkn lacagta waxaa heenayo Fiverr. Markad qofkii shaqada u qabtid oo u dirtid waliba, markas buu Fiverr ka lacagta kusoo dirayaa adna.

Gunaanad

Runtii muuqaalo badan baan ka sameeyey Fiverr ka, waana ka shaqeeyaa. Gaar ahaan qeybta turjumaanimada oo waxan isku badalaa luuqadaha English ka iyo Af-Soomaaliga. Waxaa ka helaysaa Youtube kayga. Website kan Soomaaliya wuuka shaqeyaa iyo Afrika-ba. Hadii aad xirfad leedahay wax kugu dhiiri galinayaa in aad ka shaqeysato.

https://youtu.be/vZJ0fuQasBo

14 Comments

          1. Yahue Adan Abdulle

            Ustaad gelle waxaad iga caawisaa online websites oo lacag laga sameeyo oo scam eheen plz from somalia miqdisho

          2. Salaam bro, hadaad rabtid in aad business online ah oo sax ah bilowdid , fadkan skills baro oo ku shaqeyso, xirfado badan baan koorsooyin ka diyaariyey waadna nagu soo biiri kartaa wll

  1. Wl sidee fever uga shaqayn San karaaa waan isku dayay video yadaada inaan ka fahmo lkn way igu adkaatay
    Wl please I caawi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *