Sidee Ganacsiga E-Commerce U Shaqeeyaa ?

E-commerce 

Ganacsiga dunida waayahaan dambe waxaa aad u saameeyay technologyga waxaana soo batay dukaamada onlineka wax ku iibsha ayadoo markii dambana shaqsiyaadka iska leh ganacsigaaas ey tujaarta caalamka ugu tunka weyn dhanka dhaqaalaha isku badaleen 20kii sano ee u dambeysay waxaa la dhihi karaa dunida waxaa ey u guurtay casri internet aad u xawaara sareeya waxaana ey fursad siisay hal abuur dhalinyaro u badnaa waxaana maqashaa maanta dad caan ah marka la joogo dhaqaalaha iyo shirkado heysta trendingka ganacsiga.

Tusaalaha ugu fudud waxaan usoo qaadan karnaa dukaamada caanka ah e Amazon iyo Alibaba lagana kala leeyahay China iyo Usa  horumarka ugu weyn ee maanta shirkaadkaas ku faanayaan waa sumcad ganacsi oo ey ka heleen onlineka  macaamiishooduna aamineen heer maanta Calibaba qof africa joogo wax ka iibsado isku haleen darteed sidoo kale qof asia ama yurub joogana  uu amazon toos uga dukaameysto aaminaadaas aadka u balaadhan waxaa ey horseeday in billions of dollar sameeyaan shirkadahaasi waana tusaalaha ugu muga weyn ee aan kula wadaagi lahaa.

Kaliya fursad uma noqon  shirkadaha kaliya onlineku ee waxaa uu saaciday dhan walba oo qof shaqsi ah hadana dhalinyaro maaliyad badan aan heysan ah inuu sagxada ama meel eber ah wax ka bilaabo hadana noqdo qof ey dad badan oo caalamka ah ku daydaan waana sababta loo saadaalinayo tobanaanka sano ee nagu soo aadan in ganacsigii traditionalka ahaa uu qariib noqon doono dukaamadii la yaqaanay ee macaamiishu soo xaadiri jirtayna qaab platform ama store online ah isku badalaan.

Dalkeena

Marka aan u nimaad wadankeena somalia sidee Ecommercega mustaqbalka dhow u saameen doona soomaalida oo ku suntan dad ganacsiga kaalmaha hore ee caalamka uga jira wadan walba oo qaxooti ahaan u qaabilay ama ey u haajireena ganacsiyo waaweyn oo guuleysta beey ka sameeya hadana u muuqda wadama geeska africa ku yaal iney hormuud u noqon doonaan technologyga iyo ganacsiga suuqyada magaaloyinka waaweyne soomaalida sida muqdisho hargeysa iyo boosaaso waxaad arkeysaa productska yaal in africada galbeed ama dhexe aan laga helin qaarkood inkastoo badaa weyn e marin biyoodka ah loo sababeeyo hadana mowduuca aan ka hadleeno ee ah ganacsiga soomalida mustaqbalka dhow internet ma u guurayaa? Dhowanahaan gudaha soomaaliya siiba magaalooyinka waaweyn waxaa ka bilowday ganacsiyo yaryar oo online ah qaab delivery ah macaamiisha guryahooda loogu geenayo dukaamada ugu caansan waxaa ka mid ah saamionline oo hargeysa ku yaal iyo soomar oo xamar ku yaal adeega ey bixinayaan o tayo leh iyo aaminaada oo soomaalida dhexdeeda adag beey uga gudbeen in macaamiishu lacagta inta dirsadaan productska ey rabaan guryahooda loogu geeyo saadaashu waxaa ey tahay bulshada soomaalida iney noqon doonaan markaad aqriso qoraalo kala  duwan kuna saabsan africa dadka sanadaha dhow ugu dukaameysi badan onlineka sidaa darteed waxaad halkaa ka saadaali kartaa ecommercega in marka dhulka soomaalida la joogo yahay fursad weyn ayadoon tartan ka jirin hada sidaa usii badan.

Ganacsi yar

Si aad ganacsi ecommerce ah u bilowdo uma baahnid dukaamo qaali ah bartamaha suuqa ku yaal inaad ijaarato waxa ugu weyn ee xalka loo helay baana la dhihi karaa marka la joogo Ecommercega kiradii badneed ee ganacsadaha yar uga bexeysay baqaarada wadamada qiimaha jaban leh alaabtooda marka aad soo gadato waxaad ku iibeneysaa mareegaha kala duwan ee aad social mediaha ku leedahay sida facebook instgram iyo Tictok adoo u maraya dacaayad ama xayeysiis ganacsigaaga markuu kobac sameeyo store waad dagi kartaa markaana daqligaaga iyo alaabta aad iibineyso waa sii kordhi doontaa waana waxa macnaha buuxa u yeela maanta Ecommercega in wax yar lagu bilaabo ka dibna dukaan caan ah isku badala gobolka iyo dunidana laga garanayo.

Talo siin

Talada aan siin lahaa qof walba o qalbiga ku haya bilowga business internetka ka dhex dhacaya waxaa ey tahay dhow qodob oo muhiim ah gudaha dalka ha joogo ama qurbaha intaba

  1. Baro xirfadaha digital marketing

Tani waxaa ey kaa saacidi doonta inaadan qarash dheeri ah suuq geyn ku bixin sidoo kale adoo small business wata inaad ku kaaban karto oo dad kale ugu shaqeeyn karto.

2. Qodobka kale ee aan la wadaagayo shaqsi walba doonaya Ecommerce bilowgiisa waxaa ey tahay inuu ugu yaraan graphic design wax uun ka yaqaan si productska u naqshadeyo ka dibna baraha bulshada ugu sii gudbiyo.

3. Hagaaji Mindsetkaaga runtii casrigaan waxa la isku dhaafay waa qofka siduu u fikiro ama uu wax iskaga dhaadhicyo hadaad guulo dhanka internetka ama online business nuuco doono ha noqdee inaad ku najaxdo rabto habfikirkaaga wanaaji wax walba adoo filanaya hadana tala saarashada eebe iyo daganaan caqli ku dheehan yahay ku wajah mustaqbalkaaga.

Gunaanad

Fursdaha wadankeeni ka banaan waa baaxad weyn yihiin qodobka aan maanta ka hadalnay ee ganacsiga onlineka ahna waa fursad aan tartan adag ka jirin gudaha dalka waana sidoo kale wax la wada saadaaliyay tobanka sano ee soo socda in geeska africa soomaalidu dhanka Eccomercega guulo waaweyn ka gaari doonto waxaa adiga kula gudboon hadaad wadanka joogto inaad meelaha alaabta jaban kasoo adeegato dhulkaaga hooyana ku bilowdo hal abuur jiilka kula midka ah aad horseed ugu noqoto dhowrka qodob ee kor ku xusan hadaad iska hagaajiso waad guuleysan insha allah hayaan mustaqbal ifaya baana kuu bilaabanaya Eccomerce hadba technologyada jirto buu la jaan qaadi doona waxaa dhowaan la saadaalinaya in baraha bulshada ee la wada qayaanay uu badali doono ama tartan adag la gali doona technology la yiraah metaverse waxaana maal galinaya shirkado waaweyn sida shirkada facebook oo magacii hore u badalatay meta halkaa kaga qiyaas qaado xawaaraha ilbaxnimo ee aadanaha maanta nool iyo hal abuurka dhaqaalaha sanadba sanadka kale kusoo kordhaya suuqa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *