Sidee Ganacsigaaga E-Commerce-Ga Ah U Xoojin Kartaa, Adigoo Adeegsanaya “Facebook Page”

  • January 17, 2024
  • Comment 2

Sidee Ganacsigaaga E-Commerce-Ga Ah U Xoojin Kartaa, Adigoo Adeegsanaya “Facebook Page”

Facebook ayaa loo tixgaliyaa inuu yahay baraha bulshada ugu muhiimsan uguna caansan adduunka, iyadoo tirada isticmaaleyaasheeda ay kor u dhaafeyso 2 bilyan oo qof, waana tiro aad iyo aad u layaab leh.

Sababtan awgeed, in facebook ganacsi ahaan looga faa’idaysto waa mid lama huraan u ah ganacsi kastaa, gaar ahaan ganacsiyada online-ka ah, iyo qof kastoo ku fikiraya inuu mastabalka dhow furto ganacsi, maadaama aad si fudud u heli karto macaamiil cusub.

Marka loo eego tirokoobyo dhowr ah, Facebook waa meel si weyn u soo jiidata macaamiisha, kana qayb qaadata kordhinta iibka, dabcan Facebook wuu ka waxtar badan yahay baraha bulshooyinka kale, sida Instagram, Pinterest, iwm.

Maqaalkan waxaan kugu la wadaagi doonaa 2 qodob oo ay tahay inaad tixgaliso, hadii aad rabto inaad xoojiso ganacsigaaga, adigoo u maraya Fabecook Page-ka, kuwaasoo kala ah:

1. Wanaajinta Nuxurka Khuseeya Ganacsigaaga.

Wanaajnta nuxurka khuseeya ganacsigaaga ee aad ku soo bandhigto Facebook Page-kaaga, waxay saamayn wayn ku yeelan kartaa kordhinta iibka, iyo si guud helidda macaamiil badan.

Run ahaantii, in aad si fiican u fahamto dadwaynahaaga, sida waxa ay jecel yihiin, dhibaatooyinka haysta, iyo baahiyana ay u baahan yihiin in laga daboolo, waa tallaabada ugu horreysa ee ay tahay inaad qaado, adiga oo u maraya inaad wanaajiso nuxurka aad ku soo bandhigayso Facebook Page-kaaga ee khuseeya ganacsigaaga.

2. La Falgelidda Dadwaynahaaga.

Si wax ku ool ah ula xidhiidh dadwaynahaaga, is dhexgalkaani wuxuu ku siinayaa fursad aad ku dhisto xidhiidho dhow oo aad la yeelato macaamiishaada, taasoo kor u qaadeysa daacadnimadooda, waxayna kordhineysaa suurtagalnimada ah inay wax kaa iibsadaan.

Xitaa faahfaahinta ugu yar waxay yeelan kartaa saameyn weyn. Ka jawaabista degdega ah faallooyinka macaamiisha ama ku dhiirigelinta inay wadaagaan waayo-aragnimadooda oo ay ka faalloodaan qoraalladooda waxay dhistaa xidhiidh adag oo u dhexeeya adiga iyo iyaga.

Had iyo jeer, dadyawgaaga weydii su’aalo toos ah adoo adeegsanaya, waxaadna bedelkeeda heli doontaa saameyn weyn, oo la mahadiyo.

Hab kale oo wax ku ool ah, oo lagu wanaajin karo isdhexgalka dadwaynahaaga ayaa ah in aad bixiso hadiyado, iyo qiimo dhimisyo kala duwan, oo kala muddo muddo ah.

Sidoo kale waxaad qaban kartaa tartamo xilliyeed, oo aad ku bixinayso abaal-marino xoogaa qiimo leh, adigoo siinaya guulaystaha ka soo baxa shuruudihii u yaalay tartanka, soona baahinaya ama muujinaya guulaystaha, taasoo cadaynaysa runimada tartanka.

Ganacsiga e-commerce-ga ah waa nooc ka mid ah ganacsiyada caadiga ah ee aynu naqaano ee ku salaysan wax kala bedeleshada, kaas oo dhamaantii ka dhex dhaca internetka-dhexdiisa, badeecadaha iyo adeegyada lagu bedelenayo lacagta waxay noqon karaan kuwo la taaban karo iyo kuwo aan la taaban karin, wax kala bedeleshadaasna waxaa fududeeya website-yada, iyo Apps-yada, iibsadayaashuna waxay wax iibsan karaan, iyagoon u baahanin inay meesha ay wax ka iibsanayaan jir ahaan u joogin.

Waxayna koorasani ku dhawaad gaadhaysaa ilaa 50 video, oo isugu jira TheoryPractise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta ganacsigan e-commerce ahi, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- numberda hoosena ka soo dalbo.

Hadiise aanad garanayn meel aad wax ka bilawdo, ama aad rabto in fikrad gaar ah, ama suuq gaar ah lagu la falanqeeyo, lagaana siiyo qorshe cad, ama aad rabto in talooyin ganacsi lagula wadaago, ama si guud hadaad rabto inaad hesho hagid ganacsi oo dhamasytiran, nala soo xidhiidh, ama soo dalbo adeegeena ah “BUSINESS CONSULTING”,  kana soo dalbanaya whatsapp numer-keena ah +252-90-5582875, WhatsApp link-gan: https://wa.link/Zjb442.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *